Kumanaan qof ayaa hadda ku sugan gudaha Masaajidka Abu Cumar Al-Baqdadi iyo fagaaraha isgoyska Ceelasha Biyaha kuwaasi oo daawanaya Askari Itoobiyaan ah oo dhawaan isku soo dhiibay Mujaahidiinta kkaasi oo galabta kalimadda towxiidka loo qabtay sidaasina ku islaamay.Askarigan oo labisnaa dareeska lagu yaqaano Ciidamada Itoobiya isla markaana sitay qorigii Sham Shuutarka ee uu la soo baxsaday ayaa gudaha masjidka ku islaamay waxaana uu qiray Kalimadda Towxiidka isagoona sidaasi ku noqday qof Muslim ah oo walaalkeen ah.
Madax kala duwan oo ka mid ah Mujaahidiinta ayaa goobta ku sugnaa waxaana buux dhaafiyay masaajidka dadkii ugu badnaa ee dhawaanahan isugu soo baxay Ceelasha Biyaha, waxaana ad loo maqlayaa Takbiirka iyo farxadda dadka.

garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment