Ururka Al Shabaab ayaa Bilaabay inay isaga baxaan Deegaano katirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan Degmada Buulo-burte Kadib markii ay kawarhelen Duulaamo kusoo wajahan Degmadaas Oo kaga imaanaya Dhinaca Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya Iyo Kuwa Itoobiya Oo maal mahaanba kujiray Sida wararku sheegayaan diyaar garoow dagaal.Waxaa sidookale cabsi soo wajahday dadka shacabka ah ee kunool Degmada Buulo-burte Oo iyagoo kacabsi qabo in lagu kor dagaalamo bilaabay inay isaga baxaan degmadaas iyo deegaano hosyimaada.
Wararka ayaa intaas waxa ay kudarayaan in madaxda sare ee xarakada Al Shabaab biloowday inay Qoysaskooda karartaan Magaalada Iyadoona aan la ogeyn halka ay ula Qaxday Inkastoo ay jiraan warar sheegaya inay la aadeen Dhanka Degmada Jowhar.
Saraakiisha horkaceysa ciidamada Dowlada KMG Soomaliya Oo garabsanayo kuwa Itoobiyaanka ah ayaa sheegay inay kuwajahan yihiin Degmooyinka Buuloburte Jalalaqsi Oo kamida degmooyinka ugu danbeeyay ee Al Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment