Tuesday, 7 August 2012

मुह्यादीन

Labada dal ee Sudan iyo Koonfur Sudan ayaa ka hashiiyey muranki ku aadanaa qarashka shidaalka, maalin uun kadib marki la dhaafay xilligi uu Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qabtay inay hashiiyaan ama ay soo wajahdo cunaqabateyn.

Koonfur Sudan ayaa bishi January joojisay shidaalki ay sii marin jirtay Sudan si ay halkaas uga dhoofiso, kadib marki ay labada dal ku hashiin kari waayeen qarashka ay koonfur Sudan ka bixineyso shidaalka ay sii mariso dalka Sudan.

Joojinta shidaalki ay Koonfur Sudan ka dhoofin jirtay Sudan ayaa si xun u dhaawacay dhaqaalaha labada dal, taasoo adkeysay nolosha shacabka labada dhinac.

Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika, Thabo Mbeki, ayaa warbaahinta u sheegay in labada dal ay ka wadatashanayaan tallaabooyinka la qaadayo si shirkadaha shidaalka ay dib ugu billaabaan soo saaridda shidaalka.

Masuuliyiinta Sudan ayaa xaqiijiyey is-afgaradkan, laakiin waxey sheegeen inuu saameyn yeelan doonin illaa la xaliyo arrimaha ammaanka ee xadka labada dal.

Masuuliyiinta Koonfur Sudan ayaa iyagu dhankooda sheegay in la isku afgartay in Koonfur Sudan ay halki foostaba ka siiso Sudan $9.48 oo dollarka Mareykanka ah si ay shidaalka u sii mariso Sudan illaa dhammaadka sanadka 2015.

Friday, 3 August 2012

Tifaftirihii guud ee Radio Daljir oo caawa ka bad-baaday isku day dil

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Tifaftiraha guud ee Radio Daljir ahna Agaasimaha Raadiyahaas qeybteeda Galkacyo ayaa caawa ka bad-baaday isku day dil ay la damacsanaayeen Ragg Hubeysan.

Sida ay sheegayaan C/fitaax Geeddi oo ahaa Tifaftiraha ilaa 7-idaacadood oo la isku yiraah Radio Daljir ayaa Kooxo Bastoolado ku hubeysan ku weerareen, isagoo ka soo baxayay xarunta Idaacada magaalada Garowe.

Wararka ayaa sheegaya in Mr C/fitaax lagu riday dhowr xabadood, hase ahaatee uu Alle mahadii ay rasaasta ka dhex baxday shaar uu ku labisnaa, waxaana kadib Ciidamada ammaanka Garowe oo ku soo baxay xabadaha ay ka caabiyeen raggii hubeysnaa ee weeraray.

Dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii magaalada Galkacyo lagu dilay labo wariye oo uu ka mid ahaa Farxaan Jeemis oo ka mid ah suxufiyiinta ka howl galayay Puntland, iyadoo ay muuqato kororka ugaarsiga lagu haayo saxafiyiinta ka howl gala Soomaaliya.

garable.com
muxudin diini fiidow