Sunday, 20 May 2012

warar deg deg ugaas cabdow yonis ee goor dhaw toogteen rag indhaha soo duubteen

Waxaa goor dhaw Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay lagu toogtay Allaha u naxariistee Ugaas Cabdow Yoonis, oo ka mid ah Ugaas-yada Gobolada Baay iyo Bakool ka soo jeeda ee sida weyn leh Deegaanadaasi looga tex-gelliyo.
Rag indhaha soo duubtay oo aanu la-aqoon waxa ay yihiin ayaa waxay Ugaas Cabdow Yoonis ay ku toogteen, Isgoyska Boqoleyda ee Xaafadda Bardaale ee Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.
Ragga dilka geystay oo ay tiradoodu ka koobneyd ilaa laba nin ayaa waxay Ugaaska ay ku dhufteen dhawr xabadood, waxayna ugala dhaceyn xubno halis ah oo jirka bili’aadanka ku yaalla, ayna halis tahay inay ka soo kacaan, haddii wax-yeelo looga geysto.
Raggaan ayaa waxay durbaba ay isaga baxsadeen Isgoyska Boqoleyda oo ay dilkaan ka geysteen, iyagoona gudaha u gallay qeybo ka mid ah Xaafadda Bardaale, si sax ahna looma garanaayo ujeedada loo-dillay.
Ugaas Cabdow Yoonis ayaa waxaa la-sheegay in uu doonaayay in uu aado Magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb-gallo Shirkada Odayaasha Dhaqanka, sidaasina loo-maleynaayo inay u toogteen rag indhaha soo duubtay, wallow aysan kala cadeyn ujeedada loo-dilay.
Labada nin ee dilka geysatay ayaa waxaa loo-maleynayaa inay ka tirsan yihiin Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee Amniyaadka loo-yaqaano, gaar ahaan kuwa ay dadka Soomaaliyeed ugu yeeraan “Madax Jabiska”.
Majirto cid ka hadashay dilka loo-geystay Ugaas Cabdow Yoonis, laakiin waxaa jira walaac ay ka muujinayaan shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, oo iyagu xilligaan la-kulmaayo arrimo cakiran
garable
muxudin diini fiidow

Daawo Sawirada: Askarigii Itoobiyaanka oo galabta lagu islaamiyay Masaajid ku yaalla Lafoole.


somalimemo.netKumanaan qof ayaa hadda ku sugan gudaha Masaajidka Abu Cumar Al-Baqdadi iyo fagaaraha isgoyska Ceelasha Biyaha kuwaasi oo daawanaya Askari Itoobiyaan ah oo dhawaan isku soo dhiibay Mujaahidiinta kkaasi oo galabta kalimadda towxiidka loo qabtay sidaasina ku islaamay.


Askarigan oo labisnaa dareeska lagu yaqaano Ciidamada Itoobiya isla markaana sitay qorigii Sham Shuutarka ee uu la soo baxsaday ayaa gudaha masjidka ku islaamay waxaana uu qiray Kalimadda Towxiidka isagoona sidaasi ku noqday qof Muslim ah oo walaalkeen ah.


Madax kala duwan oo ka mid ah Mujaahidiinta ayaa goobta ku sugnaa waxaana buux dhaafiyay masaajidka dadkii ugu badnaa ee dhawaanahan isugu soo baxay Ceelasha Biyaha, waxaana ad loo maqlayaa Takbiirka iyo farxadda dadka.

somalimemo.net

Askariga Diinta Islaamka ayuu soo galay laga bilaabo maanta waa walaal kamid ah Muslimiinta caalamka Magaciisa waxaa loo bixiyay Cabdalla Macgiisii hore ee Gaalnimada waa laga bedelay

garable.com

muxudin diini fiidow

Raisal Wasaare Gaas oo markii uu gaaray Addis Ababa kulamo la yeeshay, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Mr Alexander Rhondos, Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka Ambassador James Swan, Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Mr Peter De Clercq


Raisal Wasaare Gaas iyo wafdi uu hogaamiyo ayaa saacado ka hor waxay gaareen magaalada adis ababa ee dalka Itobiya, si ay uga qeybgalaan shirka bari uga furmi doona halkaas Saxiixayaasha Road-mapka.
Gaas ayaa markii uu gaaray saacad kadib waxa uu la kulmay Madax ka tirsan Beesha caalamka oo ay ka midyihiin Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Mr Alexander Rhondos, Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka Ambassador James Swan, Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Mr Peter De Clercq iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa u sheegay mas’uuliyiintii uu la kulmay sida ay uga go’antahay in la soo af-jaro Xilliga Kala Guurka ah oo la helo baarlamaan kooban oo tayo leh iyo dowlad Rasmi ah oo shacabka u istaaga, kalsooni fiicanna ka heysta shacabka.
Sidoo kale gaas ayaa lagu wadaa in uu caawa kulan la yeesho dhigiisa Itobiya Melez Zenawi, si ay uga wada hadlaan xaalada soomaaliya iyo Ciidamada ka jooga Soomaaliya Itobiya

garable.com

muxudin diini fiidow

XUKUUMADA KMGS OO MAR KALE KU CELISAY IN SHIRKA ODOYAASHA DHAQANKA UU YAHAY MID LOO DHAN



Xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka Muqdisho ka socda inay ka maqan yihiin qaar badan oo Odayaal dhaqameedyo ah ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya C/ Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in maalmahan ay socdeen kulamo ay yeelanayeen Odayaasha dhaqanka isaga oo sheegay in dhammaan Odayaasha ka qeyb galaya shirka ee 135 ay joogaan waxaana uu tilmaamay in wajiga koowaad ee shirka laga gudbay loona gudbay wajiga labaad ee shirka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaalida ee ka imaanaya dhammaan gobollada dalka Soomaaliya hadda ay soo dhameystirmeen islamarkaana ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho shirkana ay ka qeyb galaan.

Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in dhammaan Odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya Shirka ka socda Muqdisho ay joogaan inkastoo iminkana ay ku celiyeen in Odayasha dhammaan ay xaadir yihiin.

C/Samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax waxa uu hadalkiisa intaa raaciyey in Shirka Odoyaasha dhaqanka ay ka qeyb galayaan oo ay goobta xaadir ku yihiin Odoyaal dhaqameed ka soo jeeda Maamulka Somaliland sida uu sheegay.

Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida ee ku shiraya gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga fadhiya inay soo xulaan ergada ansixinaysa dastuurka inkastoo la dhaafay waqtigii loogu talo galay in lagu soo xulo ergada ansixinaysa dastuurka waqti dheeri ah loogu daray.

garable,com

muxudin diini fiidow

KHUBARO KA SOCDA MAGAALADA ISTANBUUL EE DALKA TURKIGA OO SOO GAARAY MUQDISHO



Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo wareysi siiyay Warbaahinta Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka warbixiyay wafdi ka socda Magaalada istanbuul ee dalka Turkiga oo soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wuxuu sheegay in markii ay Muqdisho yimaadeen wafuudan heerka caalami ah ay kulan la qaateen guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayna ka wada hadleen sidii Muqdisho dib u dhis loogu samayn lahaa iyo sidii loo midayn lahaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbuul.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in wafuudani ka timid dalka Turkiga ee injineerada ah lagu soo wareejiyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in injineerada ka yimid dalka Turkiga ay la kulmeen injineerada gobolka Banaadir islamarkaana ay kormeereen dhismooyinka magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu guddoomiyaha ka yahay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dadaal dheeri ah wuxuu ugu jiraa dib u dhiska iyo soo celinta bilicdii ay lahayd magaalada Muqdisho iyadoo hadda maamulka gobolka Banaadir uu ku howlan yahay dayactirka wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

garable.com

muxudin diini fiidow

QM OO WALAAC KA MUUJISAY RABSHADO DHAWAAN KA DHACAY HARGEYSA



War murtiyeed ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Augustine P. Mahiga, ayaa lagu sheegay in danjiraha uu aad uga walaacsan yahay rabshadii dhawaantan ka dhacay magaalada Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya,kaddib markii ay isku dhaceen Ciidamada Somaliland iyo dad muwaadiniin ah, taas oo ay ka dhalatay dhimasho labada dhinac soo gaartay.

Danjire Mahiga ayaa sheegay sida uu naxsan yahay xukunka dhawaan ay fulisay Maxkamadda Hargeysa, taas oo 17-qof oo rayid ah oo soo weeraray xarun Ciidamada ay ku leeyihiin bariga Hargeysa in lagu riday xukun dil ah.

Wuxuu sheegay inuu aad uga shalaayay dadka lagu waayay rabshadahaas ka dhacay Hargeysa, waxa uu ugu baaqay maamulka Somaliland in si dhaqsiya ay kiiska ugu wareejiyaan maxkamadda dambiyada ayna helaan dadka maxkamad cadaalad ah.

Ugu dambeyn Mr. Mahiga ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulka Somaliland inay si buuxda oo cadaalad ah, madaxbanaan iyo baaritaan ay u eegaan wixii ka dhacay magaalada Hargeysa

garable.com

muxudin diini fiidow

Ganacsade Soomali ah oo ku nool Dubai oo ku socda baabuur qiimihiisu yahay $500,000+(sawiro)

Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah wadamada ugu qanisan ee caalamka iyadoo ay ku nool yihiin dad jinsiyado kala duwan leh.

Dadkaas ayaa waxaa ka mid ah kumanaan Soomaali ah oo halkaas ku noqday taajiriin qaar kalana ka xoogsada.

Weriyaha caanka ah ee u shaqeysa BBCda ee Mary Harper ayaa kula kulantay magaalada Dubai ganacsade Soomaali ah oo reer Muqdisho ah oo la yiraahdo Cabdullahi Cabdi Xuseen kaas oo ku socda baabuur noociisu yahay Bentley oo ku fadhiya lacag dhan shan boqol oo kun oo dollar.

Cabdulahi oo ay gabadhan weriyaha ah la sheekeysatay ayaa waxa uu u sheegey in uu ka ganacsado mobilada isla markaana lacag badan ka sameeyay. Baaburka uu wato Cabdulahi ayaa ah mid dhererkiisu yahay illaa lix mitir waxana uu midabkiisu yahay madow dahabi ah.



Gaariga gudihiisa ayaa waxaa kuraasta ay ka samaysan tahay dhogor ari halka saqafkana gaarigana lagu xardhay dhogor lo’aad. Cabdulahi ayaa u sheegay weriyaha in uu ku qanacsan yahay in baabuurkaas uu ku socda isla markaana dadka Soomaalida ah ay ugu hambalyeeyaan mar walba.

Taajirnimada ganacsadahan iyadoo hadlaysa Mary Harper ayaa waxa ay sheegtay in uu isticmaalo barafuun qiimihiisu yahay $4.300 Ganacsade Cabdullahi ayaa u sheegay weriyaha Bbcda ee ay kulmeen inuu jecel yahay wax walba uu isticmaalo in ay noqdaan No1.

Inkastoo Cabdullahi uu yahay nin qani ah oo aan si weyn loo aqoon ayaa dhici karta in ay jiraan ganacsato badan oo Soomali ah oo ka qanisan
garable.com
muxudin diini fiidow

Kooxda Chelsea oo markii ugu horreysay ku guuleysatay Koobka Horyaalnimada Yurub



Axad, May 20, 2012(HOL): Kooxda Chelsea ayaa noqotay kooxdii 5aad oo Ingiriis ah oo ku guuleysata Koobka Horyaalnimada Yurub, kaddib markii ay caawa ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Champions League ay kaga adkaatay Kooxda Byer Munich  oo ay ku kala baxeen gool-ku-laad 4—3 ah.
45-kii daqiiqo ee hore ee ciyaarta ayay labada kooxoodba dhalin waayeen wax goolal ah, inkastoo ay iska khasaariyeen fursado goolal loo fishay. Ma jirin wax calaamad cassaan ah oo la bixiyay intii ay ciyaartasocotay.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar adag oo laga dheehan karay in tababarayaasha labada kooxooday la soo dardaarmeen ciyaartoyda,  waxayna taasi keentay in daqiiqaddii 83aad uu weeraryahanka Byer Munich ee Thomas Muler uu goolkii ugu horreeyay u dhaliyay kooxdiisa, hayeeshee waxaa taasi beeniyay oo goolkii barbarraha u dhaliyay kooxdiisa weeraryahan Didier Drogba oo daqiiqaddii 88aad dhaliyay goolkii bareejada.
90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talagalay markii ay ciyaarta mareyso 1—1  oo ay barbarro tahay ayaa waxaa lagu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah, waxaana 15-kii daqiiqo ee hore ay heshay kooxda Byer Munich Gool-ku-laad, balse waxaa ka khasaariyay Arjen Robben oo rigooradii laga qabtay, iyadoo taasina ay si weyn uga xumaadeen ciyaartoyda, tababarayaasha iyo taageerayaasha kooxda Byer Munich.
Labada kooxoodba kuma guuleysan in ay wax goolal ahdhaliyaan 15 daqiiqo ee ciyaarta ugu dambeysay, waxayna taasi keentay in labada kooxoodba ay gool-ku-laad ku kala baxaan, waxayna natiijadii noqotay in ay Chelsea 4—3 ku qaadday Koobkii Champions League.

Guusha ay gaartay Kooxda Chelsea oo ku ciyaareysay dalka Germany  ayaa waxay tahay mid taariikhi ah, waayo kooxda waxay ka qeyb qaadan doontaa  tartanka Horyaalnimada Yurub ee soo socda, sidoo kalena waxay sharaf iyo maamuus weyn u tahay tababaraha Kumeel gaarka ahee Kooxda Chelsea Roberto Di Matteo oo tan iyo markii uu kooxda hoggaanka u qabtayay guulo badan gaartay.
Kooxda iyo taageerayaashooda ayaa aad u dabaal-degay,waxaana Koobka luxay dhammaan ciyaartoyda, Tababaraha Kooxda Roberto Di Matteo iyo milkilahakooxda Chelsea Roman Abramovich oo isagu farxad gaar ah dareemayay bacdamaa ay kooxda markii ugu horreysay ku guuleysatay koobka horyaalnimada Yurub.
Waxaa xusid mudan in ciyaaryahan Didier Drogba uu ahaa midka sababta u ahaa guusha Chelsea , gaar ahaan ciyaartii ugu dambeysay, waayo wuxuu mar dhaliyay goolkii barbarraha, mar kalena wuxuu dhaliyay goolkii guusha ee gool-ku-laadka ama rigooraha ahaa ee ay kooxda guusha ku gaartay.



garable.com
muxudin diini fiidow