Friday, 22 June 2012

Daawo Sawirada ‘Shirkii Saxiixayaasha Road Map-ka oo lasoo gaba gabeeyay iyo Baaq Wadajir ah oo laga soo saaray

Saxiixayaasha khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya, waxay kulan ku yeesheenNairobi, Kenya laga bilaabo 20 ilaa iyo 22 June, 2012 si ay wadaxaajood dheeraad ah uga sameeyaan higelinta khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya. So gaar ah waxay diiradda u saareen sidii hoey loogu dhigi laa hifelinta waxyaabihii ay ku heshiiyeen shirkii Addis Ababa, Thiopia, ee 21dii ilaa 23dii May kaasoo looga gol lahaa dedejinta tubta nabadda.Shirka waxaa sahashay Quruumaha midoobay, gaar ahaan u qaybsanaha arrimaha Somalia ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, Danjire Augustine P. Mahiga.

Shirka Nairobi waxaa ka soo qaybgala Madaxda Saxiixayaasha Khariidada (Roadmap Signatories), sida Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed, Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah (DFKMG) ee Somalia; Mudane Sharif Xassan Sheikh Adan, Af-hayeenka Baarlammanka DFKMG ah ee Somalia,mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Rai’sul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Farole), Madaxweynaha Dowladda Puntland; Mudane Maxamed Axmed Caalin, Madaxweynaha Galmudug; iyo Sheikh Maxamed Maxamud Yusuf (Aw’Libaax), Wakiilka Ururka Ahlu Sunna Wal Jama’a.. Protokoolada Dhameystirka Kumeelgaarka:

a) Saxiixayaasha Khariidada Dhameystirka Xilliga KMG ah markay ka doodeen dib-u-eegidna ku sameeyeen dhameystirka KMG ah oo ay kasoo shaqeeyeen Guddiga Farsmo ee Dib-u-eegidda

Dastuurka ee lagu soo dhisay heshiiskii Addis Ababa ee qabsiimay

May 21-23, 2012.

Sidaa darted Saxiixayaashu waxay isku raaceen saxiixeena qodobada soo socda:

1. Protokoolka Guddiga Farsamo ee soo xulidda xubnaha

baarlamaanka

2. Protokoolka dhisaya Guddiga sahlaya socodsiinta

hawlaha Farsamo (Technical Facilitation Committee)

3. Protokoolka dhisaya Ergeda Golaha Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)

4. Protokoolka dhisaya Baarlamaanka Federaalka ee Qaranka Somalia (National Federal Parliament)

Sidoo kale, Madaxweynaha DFKMG ah wuxuu saxiixay Xeer ay goobjoog ka yihiin dhammaan Saxiixayaasha, Xeerkaasoo ogolaanaya Protokoolada kor ku xusan oo dhisaya nidaam sharci ah oo lagu dhamaystiro geedisocodka Dastuurka Somalia iyadoo loo marayo ansixin ku meel gaar ah (provisional adoption) ee Dastuurka Somalia oo ay u codeenayaan Ergada Ansixinta Dastuurka.

2. Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ah u saxiixay nuqulkii ugu dambeeyey ee Qabyo-Qoraalka Dastuurka KMG ah oo ay soo dhamaystireen Guddiga Farsamo ee Dib-u-Eegida Dastuurka (Technical Revision Committee) ee Addis Ababa. Kani hadda, waxaa weeye, Dastuur KMG ah ee Somalia. Guddiga kor ku xusan magaciisa waxaa loo badalay Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), waxaana Gudoominaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFKMG ah.

Inta aan Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah la hordhigin Ergada Ansixinta Dastuurka, Hey’adda IFCC ayaa qaban doonta wacyi-gelin si loo kordhiyo aqoonta Dadweynaha ee arrimaha Dastuurka KMG ah, wacyigalin taasoo qaadan doonta muddo dhan 4-berri. IFCC ayaa Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah dib ugu celin doonto Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), Guddigaasoo ah Guddiga leh mas’uuliyadda u bandhigidda Ergada Ansixinta ee Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah.

3. Ergada Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)

Shirweynaha Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa furmi doona 12 July 2012 wuxuuna soo xirmi doonaa 20 July 2012. Ergada Ansixinta Dastuurka waxaa la kala dirayaa markii ay soo gabogabeeyaan codeynta ansixinta KMG ah ee Qabyo-qoraalka Dastuurka, ka hor inta aan loogu soo bandhigin Dadweynaha Soomaaliyeed cod-bixin toos ah.

4. Dhisida Guddiyada Dhamaystirka Xilliga KMG ah

Sida ku xusan Heshiiskii Addis Ababa, xubnaha Guddiyada hoos ku qoran ayaa la magacaabay:

a) Guddiga Farsamo ee Xulida (Technical Selection Committee)

b) Guddiga Dhexdhexaadinta Odayaal-Dhaqameedka (Elders Arbitration Committee)

c) Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee)

d) Xafiiska Xiriirinta ee Saxiixeyaasha (Roadmap Signatories Coordination Office)

Magacyada xubnaha Guddiyada kor ku xusan waxaa lagu soo uruurin doonaa Dowladda Federaalka KMG oo si dhaqso ah ugu soo bandhigi doonto Dadweynaha Somaaliyeed.

5. Wakhtiga ka dhiman Xilliga KMG ah

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ugu heelan inay ilaaliyaan wakhtiga kama dambaysta ah ee lagu go’aamiyey Heshiiskii Addis Ababa waxayna si wadajir ah u go’aansadeen in la dhamaystiro Xilliga KMG ah iyo in la hirgaliyo hanaan siyaasadeed oo cusub oo waafaqsan Dastuurka KMG ah oo ay u codeeyeen Ergada Ansixinta Dastuurka.






garable.com  muxudin diini fiidow

Dagaalo Culus oo lagu Dilay Mid kamid ah Saraakiisha Ciidanka Dowlada oo ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Waxaa Maanta Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Xarakada Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya uu ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.Dagaalka ayaa Yimid kadib markii Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab Weerar qorsheesan ku qaadeen gawaari sahay u sisay Ciidanka Dowlada KMG oo xiligaasi marayay halka loo yaqaan Quraca Dhimbil oo katirsan Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku dhintay Taliyaha Ciidanka Dowlada ee Deegaanka Ceelasha Biyaha Ninka lagu Magacaabo Afrax Cali Afrax kaa oo la sheegay in uu ku dhintay Dagaalka Maanta ka dhacay Ceelasha Biyaha.

Saraakiil Shabaab u hadashay ayaa waxa ay sheegeen in Dagaalka Maanta Ku dileen Taliyihii Ceelasha Biyaha ee Dowlada KMG Afrax Cali Afrax iyagoo sidoo kale Shabaab sheegeen in Dagaalka ku dileen Rag kale Gawaarina ku qabsadeen.

Dowlada KMG ee Soomaaliya dhankooda kama aysan hadlin Weerarkan Maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee lagu Dilay Sargaal sare oo katirsan Ciidanka Dowlada KMG ee Soomaaliya.

garable.com
muxudin diini fiidow

Deg deg:Dowlada KMG oo Degaano muhiim ah ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lawareegtay


Ayadoo Ciidamada Dowlada Somaliya oo kabayaan kuwa Amisom kusii gur guuranayaan Degaano hor leh oo katirsan Gobolka Shabeellaha dhexe aya gacanta ugashay degaano muhiim oo hore ugu sugnayeen Kooxdii Shabaab.
Degaanada laxaqiijiye Ciidamada dowlada lawaregeen oo kabayaan kuwa Amisom aya kamid ah Dakadda Ceel Macaan ,Garoonka Cisaley iyo deegaano kale oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Maxamed Mahmuud Saney oo kamid ah saraakiisha hogaamineyso dagaalka aya sheegay in gacanta kudhigeen Garoonka Cisaley iyo Dakada Macmalka ah ee Ceel Macaan walibana kusii wajahanyihin gooba horleh
Taliyaha ayaa intaa ku daray in ay Dagaalka ku dileen 10-Nin oo katirsan Al-Shabaab sidoo kale ay la wareegeen Hubkii ay wateen.
Ugu danbeyntii Al-Shabaab wali dhankooda kama aysan hadlin Deegaanadan Cusub ee maanta lagala wareegay ,waxa ayna arintaan kusoo beegmaysaa xili ay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM wadaan dar dar ay deegaano Cusub kula wareegayaan

garable.com
muxudin diini fiidow

Ma isleedahay Magaalada Muqdisho Daaro sidaan u Qurux Badan ayaa ku yaala (Daawo Quruxda Muqdisho)

Magaalada Muqdisho ayaa hada heshay jawi nabadeed iyo xasilooni ,taasina ay keentay in Magaalada uu ku timaado isbadal dhinaca dadka iyo sidoo kale dhismayaasha iyadoona dadkii ka barakacay intooda badan Magaalada kusoo laabteeMarkaad dhaxmareyso Degmo walbo oo katirsan Magaalada Muqdisho waxaa kuu muuqanaya ififaalo nabadeed iyadoona Degmo walbaahi ay kasocdaan Dhisida Dhismayaal iyo guryo qurux badan taa oo wax badan ka badashay bilicda Magaalada.Hal sano kahor Magaalada Muqdisho waxa ay muuqaalkeeda mid aan indhahaga u rooneen mid laga samray oo dhismo ka quusatay iyadoona dhulka la dhigay dhismayaashii hore kuwa cusub oo la dhiso warkeed iskaba daayee.

Hasa ahaatee hada Magaalada waxaa la dhisayaa dhismayala Qurux badan oo dabaqyo u badan lagana dhisayo goobo istaraatiiji ah iyadoona Dhisamyaal horey looga quustay qabyna ahaa hada gabi ahaan lawada dhameestiray lagana dhigay guryo qurux badan iyo Hoteelo waa weyn.

Waxa asidoo kale Biyaanooyin Dheeraad ah lagu kordhiyay Dabaqyadii horey u dhisnaa laguna sameeyay dayactir iyo isbadal dhinacyo badan iyadoona hada ay noqdeen kuwa indhahaaga aysan ka jeesaneyn.

Markii aad timaado Muqdisho waxa ay nafsadada dareemeysaa dareen ka badalan tii hore aad ku ogeed waxaan magaalada Sanad kadib hadii ay sidaan kusii sovoto la mid noqon doonta insha Allah Caasimadaha Dunida oo kale iyadoona ay hada socdaan barnaamijyo Caasimada lagu hormarinayo iyadoona dhawaan qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho laga hirgaliyay tabeelayaal Nalal ku shaqeeya Ileyska qorxada sidoo kale laamiyana ay dhismo ku socdaan.

Isku soo duuboo Muqdisho ayaa hada ah Magaalada nabdoon oo wax badan ka badalan sidii hore iyadoona aan idin balan qaadeeno in aan idin soo gudib doono Quruxda Magaalad iyo Dhismayaasha Quruxda badan ee dhawaan laga hirgaliyay hadii rabi qadaro
































· garable.com muxudin diini fiidow

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo heshiis ka gaaray arrimahga Soomaaliya, sheegayna inay

Dowladaha Kenya iyo Itobiya oo horray ugu kala aragti duwanaa dagaal lagu qaado gobolada Jubbooyinka ayaa la sheegay in hadda ay ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen weerar lagu qaado gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan magaalo xeebeedka Kismaayo.
Sida warku sheegayo ka dib markii a’isul wasaaraha Kenya uu ku guuldareystay in Midowga Yurub iyo Mareykanka ay ka taageeraan la wareegista magaalada Kismaayo ee ciidamadiisa ayuu ogolaaday in haatan ay Itoobiya ay iska kaashadaan qabashada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Wararku wuxuu intaasi ku darayaa in ciidamada Itoobiya oo hadda abaalbul xoogan ka wada gobolada Bay iyo Gedo, isla markaasna ciidamo badan u diray dhinaca degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor si ay meesha uga saaraan Xarakada Al-shabaab oo gacanta ku heysa deegaanadaasi ay markaasi dagaalka soo bilaabaan ciidamada Kenyas iyo kuwa Soomaalida ah ee taageeraya.
Labada dal ayaa horay ugu kala aragti duwanaa qaabka loo wajahayo qabashada magaalada Kismaayo iyo dagaal lagu qaado gobolada Jubbooyinka, waxayna Itoobiya si weyn uga soo hojeesatay maamul ay waday dowladda Kenya, kaas oo lagu magacaabomaamulka Azaniya oo uu Madaxweyne ka yahay Porf. Gaandi, iyadoo taas bedelkeeda dooneysay in maamulka Raaskambooni ee Axmed Madoobe la taageero, taas oo ay makii dambe Kenya

garable.com
muxudin diini fiidow.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya shir shalay uga furrmay duleedka London wafdiyo ka kala socda dowladda KMG iyo maamulka Somaliland

Shir looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya ee ay yeelanayaan xubnaha ka socda dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland soconna doona laba maalmood ayaa shalay ka furmay duleedka magaalada Lonodon ee dalka Ingiriiska, kaas oo looga hadli doono sidii labada dhinac ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinac walba ah.
Shirkan oo ay ka qeybgalayaan diblumaasiyiin ka socota dalalka Midowga Yurub,  gaar ahaan dalalka Norway iyo Ingiriiska oo shirka martigelinaysa ayaa waxyabaha sida gaar ah looga hadlayo waxaa ka mid ah aragtiyada ay labada dhinac ka qabaan kala aragti duwanaanshiyahooda ku aadan midnimada Soomaaliya iyo xiriirka dhexmari kara labada dhinac mustqablka dambe, inkastoo kulanka ka hor ay labada dhinac bixiyeen hadalo aad u kala fog.
Shirkan oo ay ka qeybgalayaan 10-xubnood oo ka kala socda labada dhinac, ayna kala hogaaminayaan wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG C/samad Macalin Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Maxammed C/laahi Cumar ayaa la sheegay in labada dhinacay isku dayayaan inay ka fogaadaan marka hore khilaaf keeni kara in shirka lagu kala kaco, iyagoo doorbidaya in wadahaladu ka bilowdaan xiriirka iskaashi ee labada dhinac dhexmari kara mustaqbalka dambe.
Xubnaha ka socda dowladda KMG ah ayaa iyaguna sheegay in qorshahoodu yahay sidii ay labada dhinac heshiis uga gaari lahaayeen is-faham waaga muddada dheer soo jirtay ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya ayaa dhinaca kale Somaliland waxay dedaal xoog leh ugu jirtaa in shirka ay ka helaan fursado ay aqoonnsi ku heli karaan, waxaana shirkani uu qeyb ka yahay qodobadii ka soo baxay shirkii Ingiisiiska ee dhinacyada Soomaalida loogu qabtay dalka Ingiriiska bishii Febaraayo ee la soo dhaafay.
Dhinaca kale xubno ka tirsan dowladd Ingiriiska oo iyadu qaban qaabisay kulanka ayaa sheegay in aanay doonaynin iny wax faragalin ah ku sameeyaan  wadahadalada labada dhinac Balse ay u taala xubnaha labada dhinac kala matalaya wixii ay madasaha ka soo saaraan, mar wax laga weydiiyay mas’uul kan ka tirsan dowladda Ingiriiska hadii ay  ismari waayaan waxa ay yeelayaan ayaa waxa uu sheegay inaysan iyagu sidaasi u malaynaynin ee ay ka fili doonaan sida uu yiri natiijo wanaagsan oo isu soo dhaweysa moawqifka labada dhinac Maadaama ayuu yiri Bisha August 20 keeda dalka Soomaaliya laga filayo waji cusub oo looga baxo KMG ka.
Warar kale ayaa sheegaya in ajandayaasha shika la soo hordhigay labada dhinac ay ka mid yihiin iskaashiga ay labada dhinac ka yeelan karaan arrimaha Amaanka, Dhaqaalaha, ladagaalanka Burcad badeedka, ka hortaga waxay ugu yeereen Xagjirnimada, ilaalinta Xuquuqul insaanka iyo Ku dhaqanka habka Maamul wanaaga, waxaana la sheegay in hddii qodobada ay ka wadahadlayayaan labada dhinac ay isku fahmaan in Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo}) ay ku kulmaan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

garable.com
muxudin di ini fiidow