Sunday, 3 June 2012

Al- Shabaab Oo bilowday inay isaga baxdo Deegaano katirsan Gobolka Hiiraan Oo ay kamid tahay Degmada Buulo-burte.


Ururka Al Shabaab ayaa Bilaabay inay isaga baxaan Deegaano katirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan Degmada Buulo-burte Kadib markii ay kawarhelen Duulaamo kusoo wajahan Degmadaas Oo kaga imaanaya Dhinaca  Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya Iyo Kuwa Itoobiya Oo maal mahaanba kujiray Sida wararku sheegayaan diyaar garoow dagaal.
Waxaa sidookale cabsi soo wajahday  dadka shacabka ah ee kunool Degmada Buulo-burte Oo iyagoo kacabsi qabo in lagu kor dagaalamo bilaabay inay isaga baxaan degmadaas iyo deegaano hosyimaada.
Wararka  ayaa intaas waxa ay kudarayaan in madaxda sare ee xarakada Al Shabaab biloowday inay Qoysaskooda karartaan Magaalada Iyadoona aan la ogeyn halka ay ula Qaxday  Inkastoo ay jiraan warar sheegaya inay la aadeen Dhanka  Degmada Jowhar.
Saraakiisha horkaceysa ciidamada Dowlada KMG Soomaliya Oo garabsanayo kuwa Itoobiyaanka ah ayaa sheegay inay kuwajahan yihiin Degmooyinka Buuloburte Jalalaqsi Oo kamida degmooyinka ugu danbeeyay ee Al Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan

garable.com
muxudin diini fiidow

Beesha caalamka oo Sitoos hadal niyada kajabiyay Madaxweyne shariif kadhawaajisay


Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ,Shariif Shikh Axmed ,ayaa taageeo kaga wayey Doonistiisa ah in uu markale ,Soomaaliya ka noqdo ,Madxweyne Soomaaliyeed ,kadib markii Madaxweynaha Taageero ka codsaday ,Xubanaha Besha ,caalamka labadii maalmood ee shirka ka socday istanbuul.

il wareedyo lagu kolsoonaan karo oo Shabakada garable.com , ka heshay, kuna sugnaa shirkii Istanbuul ,ayaa waxaa ay sheegeen in sitoos ah madaxweynaha loogu shegay in uu san dib i su soo sharxi karin ,taasi oo uu aad uga carooday madaxweyne shariif ,oo islahaa waxaad heleysaa taageerayaal garab ku gu siyo arinkaan madama adigoo madaxweyna ah dalka intiisa badan laga saaray Kooxaha loogu yeero argigixisada Geeska afrika .

Madaxweynaha oo kaa shanaayey Saxiibkiisa gaarka ah ee Yuwari Musafani ,ayaa waxaa uu wajigabax kala kulamay,Xunaha besha caalamaka waxaana Madaxweyne shariif iyo Saxbkiisa Musafani ay ku faaneen in Dalka Soomaaliya laga sifeeyey al -shabab iyo Al-Qa&ida loona bahanyahay ,in doorashada dhaceysa Agusto dib loo soodoorto Madaxweyne shariif iyo Xulafadiisa ,iyadoo soojeedintaasi gashanka lagu dhuftay.
Madaxweyne Shariif ayaa ,rajao weyn ka qabay in iuu dib u soolaabanayo ,taageerana uu ka helo xunmaha Besha Caalamka ,oo iyaga wax badan hada kala socda Xaladaha ka jira wadanka kadib markii ay siweyn u dhex galeen Arimaha siyaasada Soomaaliya Mudo 20 sano ah kadib

garable.com .
muxudin diini fiidow

Deg deg:Gaari Laga soo Buuxiyay Walxaha Qarxa oo laqabtay”Ragii watay Xabsiga ladhigay

Diesel - 1994 Toyota Surf 3Ltr Turbo

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo toddobo qof oo la socotay gaariga.
Gaariga oo noociisu ahaa Surf ayaa lagu qabtay deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose.
Ilaa iyo hadda saraakiisha ciidanka ma aysan sheegin halka uu ka yimid iyo meesha uu u socday gaariga.
Mid ka mid ah toddobada qof ee lagu qabtay gaariga waa qof dumar ah, sida uu garable.com u sheegay Hanad Faarax Maamul oo ka mid ah saraakiisah ciidanka dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose.
Sarkaalka ayaa sheegay in gaariga iyo dadkii lagu qabtay la geyn doono magaalada Dhoobley si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah.
garable.com
muxudin diini fiidow

Ciidamo Sierra Leone ka socday oo dameero ku qashay Luuq.


Dadweynaha ku nool degmada Luuq ee Wilaayada Gedo ayaa lagu soo waramayaa in ay qaati ka taagan yihiin ciidamo ka socda Sierra Leone kuwaas oo bilaabay in ay xadaan dameeraha ka dibna ay qashaan iyagoo hilib uga dhigaya Ciidamadooda.


Waxgarad ku sugan dagaankaasi ayaa kaga dacwooday maamulka dabadhilifka ah ee Somaliya iyo Taliska Ciidamada Itoobiya arrinkaasi, hayeeshee ilaa hadda wax xal ah lagama gaarin sida ay wararku nagu so gaarayaan.


Dadka deegaanka ayaa sheegaya ilaa hadda in la la' yahay 9 dameer oo dhamaantood ay qasheen Ciidamada Sierra Leone, waxaana ay ku andacoodeen in aaney ka warqabin xoolo la adeegsado in ay yihiin balse sidii duur joog oo kale ula dhaqmayeen.


Dadweynaha Luuq ayaa cabsi ka muujinaya arrinkaasi iyadoona warar la isla dhexmarayo ay sheegayaan in ciidamada halkaasi jooga ay qaarkood xanuuno faafa qabaan oo halis gelin kara nolosha banii'aadamka, iyadoona la hadal hayo sidoo kale in cadowgaasi uu ku wajahan yahay magaalada Baydhabo

garable.com
muxudin diini fiidow

Xog Culus:Xasan Dahir Aweys oo Isa Soo dhiibay

xasan-daahir-300x198

Sida ay ku heleyso Shabakada wabarimedia.com warar hordhac ah oo laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeyay uu soo gaaray caasimada Muqdisho hogaamiyihii hore ee Ururka Xizbul Islaam markii danbana ku wareegay Shabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys oo magangalio doon ah xiligaan.


Warka ayaana sidoo kale sheegaya in Sheekha iyo afar ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah ay ku weheliyaan safarkaan oo la ogaan doono saacadaha soo socda ujeedkiisa waxa ayna dooni yar kasoo raaceen magaalada Baraawo halkaasi oo uu mudooyinkii ugu danbeeyay ku dhuulaameysanayay Sheekha.
Sheekha iyo raxan ka tirsan Ilaaladiisa gaarka ah ayaa la sheegayaa in ay soo gaareen habeenimadii xalay aheyd guriga uu ka daganyahay Muqdisho ninka ay isku beesha yihiin ee isbadbadalka badan Gen Yusuf Siyaad Indhacadde ayadoona saacadaha soo socdana la filayo in si toos ah loogu soo bandhiga saxaafada.

Sheekha ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxa uu ahaa nin si gaar ah ugu soo dhuun daloolalay sidii uu wax ula qeybsan lahaa DKMG Somalia maadaama dhowr jeer oo hore ay isku dhaceen hogaanka sare ee Ururka Alshabaab oo si xoog ah ugu biiriyay Ururkooda.
Khilaafka u dhaxeeya Sheekha iyo Shabaab ayaa maanta kusoo idlaaday in si dhuumaaleysi ah uu u soo galo Muqdisho xili Shabab dagaalo qaraar ay kula jiraan ciidamada huwanta ah ee magaca AMISOM ku howlgaleyso.
Gen Indha Cadde oo haatan ka dalaal ah Sheekha ayaanan wali ka hadlin arinta Sheekha mana jirto ilaa haatan cid si toos ah uga hadashay arinta sheekha iyo in si toos ah uu ugu biirayo dhanka DKMG Somalia.

garable.com
muxudin diini fiidow

Wasiirka arrimaha dibbadda Talyaaniga : "Ku meel gaarnimadu Soomaaliya dhibaato ayay ku haysaa marka waa in la sameeyaa dadaal kasta oo ku meel gaarnimada looga saari karo



Wasiirka arrimaha dibbadda Talyaaniga : "Ku meel gaarnimadu Soomaaliya dhibaato ayay ku haysaa marka waa in la sameeyaa dadaal kasta oo ku meel gaarnimada looga saari karo waayo hadda Soomaaliya waxay u baahan tahay inay yeelato dawlad dhexe"War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Talyaaniga ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in lasoo afjaro xaalada KMG ee ay Soomaaliya ku jirto loona gudbo xaalad dalku ku yeelanayo dawlad dhexe.

War saxaafadeedkaan oo lagu qoray wakaalada wararka ANSA ee Talyaaniga wararka u faafisa ayaa waxaa lagu xusay in Soomaaliya ay muddo dheer ku jirto marxalad adag iyo ku meel gaarnimo is biirsaday waxaana ay sheegtay inay taageerayaan dadaal kasta oo suurta gal ka dhigi kara in Soomaaliya laga saaro xaalada ku meel gaar ah.

Wasiirka arrimaha dibbadda Talyaaniga Giulio Terzi ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee ANSA inay laga maarmaan tahay in in Soomaaliya ka baxdo ku merel gaarnimada ay ku jirto taasoo uu ku sheegay inay tahay caqabad taagan sida wasiirku u yiri.

"Ku meel gaarnimadu Soomaaliya dhibaato ayay ku haysaa marka waa in la sameeyaa dadaal kasta oo ku meel gaarnimada looga saari karo waayo hadda Soomaaliya waxay u baahan tahay inay yeelato dawlad dhexe" ayuu yiri wasiirka arrimaha dibbadda Talyaaniga Giulio Terzi.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga waxaa uu soo dhaweeyay shirkii ka dhacay magaalada Istanbul ee arrimaha Soomaaliya ku saabsanaa waxaana uu tilmaamay inay ka soo baxay qodobo muhiim u ah aayaha Soomaaliya.

Talyaanigu waxaa uu ka mid yahay wadamada reer Yurub ee taageera dawlada KMG ee Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow

Odayaashii Dhaqanka Ee Ka Qayb Galay Shirkii Oo La Rajaynayo In Ay Yimaadaan Muqdisho



Istanbul (wabarimedai.com) Wararka ka imaanaya Magaalada Istanbul ee Caasimada Dalka Turkiga ayaa waxaa saacadaha soo-socda lagu wadaa inay ka soo degaan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho odayaashii dhaqanka ee ka qaybgaley shirkii weynihii Isntanbul 2 qaybtiisii  koowaad.
Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Magaalada Istanbul ayaa Shabakadda Caalamiga ah ee [wabarimedia.com]  u sheegay in ay diyaarad gaar ah odayaashan dhaqanka kasoo qaadi doono magaalada Istanbul ee Caasimada Dalka Turkiga, taas oo la rajaynayo in ay keeni doonta magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.
Tirada odayaasha dhaqanka oo gaadhaysaa Ilaa 150 oday-dhaqameed ayaa ka qayb galay shirkii Istanbul oo qaybtiisii koowaad, isagoona shirkaasi lagaga hadlayey  arrimaha hormarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.  Sidoo kale waxaa shirkaas ka qayb galay Ururada Bulshada,  Aqoonyahano Soomaaliyeed, iyo Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.
Odayaasha dhaqanka ayaa  maanta dib ugu soo laaban doono Magaalada  Muqdisho, waxa ayna ahaayeen odayaashani kuwo shirkaasi kaga doodayey soo magacaabista  ergada anisixineysa dastuurka cusub ee la rabo in loo sameeyo Dalka Soomaaliya.
Ilaa hada ma cadda marka ay dib ugu soo laabtaan gudaha dalka in ay sii wadi doonaan kulankooda iyo in kale, iyadoona  wakhtiga  Dowladda KMG ah  uu ku egyahay 20-August ee sanadkan ayaa inta  ka horeysa waxaa laga doonayaa in la  sameeyo Dastuur cusub, Baarlamaanka cusub iyo Dowladd cusub.
Isku soo wada duuboo saacadaha soo socda ayaa la rajaynayaa in odayaashu kasoo dagaan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyagoona qayb ka ahaan doona soo xulista ergada ansixin doonta Dastuurka Dalka.

garable.com
muxudin diini fiidow

Ramtane Lamamra : "Caqabada hadda na haysata waxaa ay tahay inaan wajahayno agab yari marka waxaan ka dalbanaynaa walaaleeh Q,M inay kaalmo la garaan ciidamadeena Soomaaliya


Ramtane Lamamra : "Caqabada hadda na haysata waxaa ay tahay inaan wajahayno agab yari marka waxaan ka dalbanaynaa walaaleeh Q,M inay kaalmo la garaan ciidamadeena Soomaaliya.Gudoomiyaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada ururka Midawga Africa Ramtane Lamamra oo ka hadlayay shir ka dhacay magaaladda Addis-Ababa oo ay yeesheen wasiiradda gaashaandhiga iyo taliytasha ciidamada wadamada ay Soomaaliya ciidamada ka joogaan ayaa sheegay in ciidamada AMISOm ee Soomaaliya jooga ay xilligaan haysato xaalad uu ku yar yahay sanada ciidan ee ay haystaan isla markaana ay u baahan yihiin in lagu taageero qalab military oo ay ku howl galaan. Hadal uu jeediyay Ramtane Lamamra ayaa waxaa uu ku sheegay in ciidamada AMISOM oo markii hore ku ekaa magaalada Muqdisho oo kaliya ay hadda isku fidiyeen dhul hor leh oo ka baxsan magaalada waxaana uu tilmaamay in hadda ciidamadooda uu ku yaryahay agabka dagaalka ee ay haystaan.
Q,M ayuu ugu baaqay inay taageero deg deg ah oo dhanka qalabka ay la gaarto ciidamada AMISOM waxaana uu tilmaamay inay iyana muhiim tahay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM si buu yiri ay u suurto gasho in hawlgalku sii socdo.
"Caqabada hadda na haysata waxaa ay tahay inaan wajahayno agab yari marka waxaan ka dalbanaynaa walaaleeh Q,M inay kaalmo la garaan ciidamadeena Soomaaliya" ayuu yiri Ramtane Lamamra oo madax ka ah golaha amaanka iyo nabad galyada Midawga Africa.
Sidoo kale Lamamra ayaa waxaa uu sheegay inay jiran qorshayaal hor leh oo ay ku doonayaan in howlgalkooda ku gaarsiiyaan dalka oo dhan oo ay ka saaraan dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab.
Ciidamada AMISOM oo markii hore ku ekaa magaalada Muqdisho ayaa hadda gaaray deegaano kale oo ay Afgooye ka mid tahay iyagoo dagaalo kula jira dagaalyahanada Al-Shabab

garable.com
muxudin diini fiidow

HOGGAAMIYAASHA CAALAMKA OO KU BAAQAY IN LA TAAGEERO SOOMAALIYA



[wabarimedia.com]Kaddib markii uu soo afmeermay Shirkii Istanbul 2 ee ka dhacay dalka Turkiga ayaa hoggaamiyaasha Adduunka waxa ay ku baaqeen in la taageero Soomaaliya.
Guddoomiyaha Midowga Africa Jean Ping oo khudbad ka jeedinayay Shirkii Istanbul ayaa sheegay Soomaaliya inay hadda u baahan tahay kaalmo si ay dhowrka bilood ee u hartay dowladda Soomaaliya u dhameysato wax yaabaha u harsan.

Mr. Ping ayaa yiri "Soomaaliya waxa ay u baahan tahay xilligan in la saacido si ay u sameysato Dastuur cusub oo dadka oo dhan ay u dhan yihiin oo ah mid xaq ah oo ka dhabeynaya hanaanka nabadda."

Wuxu yiri:- "dowladda Turkiga waxa ay badbaadisay nafaf badan, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ra'iisal wasaaraha Turkig Recep Tayyip Erdoğa."

Madaxweynaha Uganda Yoweri K. Museveni ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ilaawi doonin kaalmada ay u fidisay Soomaaliya, wuxuuna yiri dadka Soomaaliyeed waa dad isku kalsoon oo raba in ay noqdaan dal iskiis wax u qabsan kara.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza oo isna hadal ka jeediyay shirkii Istanbul ayaa sheegay in dalkiisa uu caawin doono Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto, " In la kaameeyo Soomaaliya waa tallaabo aad u wanaagsan,”, waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo horumar leh oo ka soo baxay Shirkii Istanbul.

Sidoo kale Madaxweynaha Djibouti Ismaacil Cumar Geelle ayaa sheegay shirkii Istanbul wax yaabaha ka soo baxay ay ahaayeen tallabo lagu farxi karo, wuxuu sheegay iyadoo aan lahayn maalgalin in qoxootiga Soomaaliya ka imaaneysa aysan awood u lahayn.

Waxa ay dowladda Djibouti taageersantahay howlaha hadda ay ka wado Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeynka Nigeria Mohammed Namadi Sambo ayaa sheegay shirkii Istanbul in uu ahaa mid xoojinayaa nabadda Soomaaliya.

Ra'iisal Wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in ay rajeynayaan nabad buuxda oo ka dhalata Soomaaliya.

Ra'iisal Wasaaraha Yemen Maxammed Basindawa ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay sii wadaan taageerada Soomaaliya, maxaa yeelay ayuu yiri waxaa hadda dalka Soomaaliya ka dilaacay kooxo burcad-badeed ah, Sidoo kale Talyaaniga ayaa sheegay in uu diyaar la yahay in uu caawiyo Soomaaliya, waxaana ay si gaar ah u shaaciyeen in ay gargaar siin doonaan sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Giulio Terzi.

Ra'iisal wasaare ku xigeen Luxembourg ahana wasiirka arirmaha dibadda Jean Asselborn ayaa rajeeyay in dalka ku yaala geeska Africa uu xoogeysan doono iyadoo baarlamaan cusub iyo dastuur uu yeelanayo kuwaas oo Soomaali ay u dhantahay.

Xoghayaha arrimaha dibadda UK William Hague, oo sidoo kale ka qeyb galay shirkii Istanbul ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho uu soo hagaagayo, seddax wasiir oo dalkiisa ka socda ayaa booqday Muqdisho sanadkan ayuu sheegay.

"Waxaa dhammaan indhaha ku hayaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida sida ay uga dhabayn karaan in si nabadgalyo leh ay awooda ku wareejiyaan marka uu dhamaado xilliga KMG ah bisha August ee soo socota." sida uu ku sheegay war-murtiyeed uu soo saaray May 31 ee aynu soo dhaafnay

garable.com
muxudin diini fiidow

Imaamyada Masaajidyada Soomaalida ee Maraykanka:- Dowladaha Mareykanka, Itoobiya iyo Kenya waa inay faragelinta ka daayaan Soomaaliya, Al-shabaab iyo Ahlu Sunna-na waa inay dadka u isticmaalin

[wabarimedia]Shir sanadeed ay isugu yimaaddeen Imaamyada Soomaalida ee Masaajidyada Waqooyiga dalka Mareykanka ayaa waxay uga wadahadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo dagaalada aan dhamaadka laheyn ee u dhaxeeya dowladda KMG, Ahlu Sunna Waljamaaca, Xarakada Al-shabaab iyo kuwa Ururka Raaskambooni oo uu mid waliba sheeganayo inuu diin u dagaalamayo, waxaana ka mid ahaa qodobadii la soo saaray kuwan:-
“Dacwadda Islaamka iyo fidinteedu waa xil saaran qof kasta oo Muslim ah, loogana baahanyahay inuu si daacadnimo iyo howlkarnimo ah u guto, muslimiinta guud ahaan waxaan ugu yeereynaa midnimo iyo inay xarigga Ilaahay wada qabsadaan si ay liibaan adduun iyo aakhiro u gaaraan, waxaan Muslimiinta guud ahaan, gaar ahaanna Ummadda Soomaaliyeed uga digaynaa khatarta iyo cirib xumada ay leedahay khilaafka iyo kala qeybsanaanta, heer kasta iyo qola kastaba ha noqotee, Ummadda Soomaaliyeed dastuurkeedu waa shareecada Islaamka oo waqti kasta iyo meel kastaba ku haboon, liibaan iyo horumar, cisi iyo sharafna lagu gaaraayo, dastuur kasta oo meel aan iyada aheyn laga keenayna waa halaag iyo cirib xumo” ayaa lagu yiri bayaanka Imaamyada.
Sidoo kale waxaa bayaanka lagu yiri “Culimada Soomaaliyeed xil weyn ayaa ka saaraan diinta iyo dalka iyo badbaadintooda, waxaana looga baahanyahay inay xilkooda si geesinima leh u gutaan, meelna uga soo wada jeestaan ka hortagga khataraha kala duwan ee ku socda, Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahantahay 20-sano oo burbura ka dib, dowlad ku dhisan shareecada islaamka, kala dambeyn soona celisa amaanka, waxaan ugu yeereeynaa dadka  isku haya Soomaaliya ee magacyada kala duwan wata inay heshiiyaan si ay u dhamaato faragelinta shisheeye iyo colaadu, sidoo kale waxaan ugu yeeraynaa dowladaha deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya inay faraha kala baxaan arrimaha dalka Soomaaliya, ummadda Soomaaliyeedna loo daayo inay ka tashadaan danahooda”.
Ugu dambeyntii bayaanka ka soo baxay Imaamyada Masaajidyada dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu yii “Xarakada Al-shabaab waxaan u soo jeedineeynaa inay u soo noqdaan manhajka toosan iyo culimadadooda si looga wada shaqeeyo xaqiijinta manhajka Alle, loona dabo qabto inta ka hartay ummaddii Soomaaliyeed, waxaan uga digaynaa wiilasha, gabdhaha iyo da’yarta dibadda iyo gudaha joogo inay ku kadsoomaan dacaayadda Shabaab oo aan la daadin dhiig xaaraan ah, sidoo kale ururka la baxay Ahlu suna Waljamaaca waxaan ugu baaqaynaa inay joojiyaan kana waan toobaan, xad gudubyada ka dhanka ah diinta iyo ehelkeeda, waxaana ugu dardaarmeynaa jaaliyadaha dibadda in qoysku yahay laf dhabarta bulshada, lana doonayo in laga ilaaliyo khilaafka iyo burburka si loo barbaariyo ubad suuban oo fayow, sidoo kalena waxaan ugu baaqeeynaa doowladda Mareykanka inay joojiso dhibaatada iyo midabtakoorka iyo dabagalka xaqdarrada ah ee lagu hayo muslimiinta Mareyk
anka
garable.com
muxudin diini fiidow
 

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Istanbul ee xarunta lanaad ee dalka Turkiga ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi uu ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Yuusuf Diiriye oo loo yaqaanay Indha Buur.
Sida warku sheegayo Xildhibaanka ayaa u geeriyooday xanuuno dhanka Wadnaha ka soo wajahay, waxaana loogu qaaday dalka Turkiga si loogu dabiibo balse waa uu ku geeriyooday, waxaana geerida Xildhibaanka noo xaqiijiyay Xildhibaan C/raxmaan Cali Ibraahim oo ay ehel yihiin Marxuumka.
Xildhibaan C/raxmaan Cali waxaa kale oo uu sheegay in meydka Xildhibaanka loo duulin doono magaalada Muqdisho, halkaas oo uu sheegay in lagu aasi doono, wuxuuna xildhibaanku intaasi ku daray in qabanqaabada aaskiisa ay hadda ka socoto magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaan ka geeriyooday oo lagu naaneysi jiray Xildhibaan Indhabuur ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee sanadkii 2004-tii lagu soo disay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxuuna horay u soo qabtay xilal kala duwan oo is xigxigay sida dowladdii Madaxweynihii hore Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo kuwo kale

garable.com
muxudin diini fiidow

CIIDAMADA KENYA OO SI RASMI AH ULA MIDOOBAY HOWLGALKA AMISOM EE SOOMAALIYA



Ciidamada Kenya ayaa si rasmi ah uga mid noqonaya howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya, wasiirka gaashandhiga Kenya ayaa heshiiskan ku saxiixay sabtidii shalay xarunta Midowga Africa ee Addis-Ababa.
"Waxaa lagu soo gabagabeeyay qorshayaal in mudda ah socday, waxaana si toos la isku raacay in ciidamada Kenya ay ka mid yihiin howgalka AMISOM " ayuu u sheegay wariyaasha wasiirka difaaca Kenya Yuusuf Xaaji.

Kenya taankiyo iyo askar ayey u soo dirtay Soomaaliya bishii October ee kol hore, kaddib markii afduubyo iyo weeraro ay ka dhaceyn dalkeeda kuwaas oo ay ku eedeesay Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaeda.

Bishii December, Midowga Africa waxa ay shaaciyeen inay taageeri doonaan Kenya inay ka mid noqdaan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Madaxa nabadgalyada iyo ammaanka Midowga Africa Ramtane Lamamra ayaa soo dhaweeyay tallaabada Kenya ay qaaday , waxaana uu sheegay inay tahay horrumar.

"Dhab ahaantii waxaa noo furmay bog cusub, waxaana soo dhameenaynaa in uu isku soo dhaweynaayo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya," ayuu yiri

Yuusuf Xaaji ayaa sheegay Kenya inay howlgalka AMISOM ay ku deeqidoonaan 4,631,taas oo ka dhigeysa tirada ciidamada AMIOSM 11,000 oo ah Burundi iyo Uganda.

Arrintan seddax xagalka ah waxaa ay timid kaddib markii seddax maalin ka hor ciidamada Kenya ay kala wareegeyn Al-Shabaab magaalada Afmadow oo u dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda Hoose.

Wasiirka Gaashandhiga Kenya Yuusf Xaaji waxa uu lee yahay qorsheheena inay tahay qabsashada Kismaayo laakin waqti rasmi ah masheegin,

" Hadda uma jiro meel fog Kismaayo, laakiin ma dhahayo markaas ayaan qabsaneynaa ayu ku sii daray.

Lamamra ayaa sheegay AMISOM in wali ay heesato caqabado ay ka mid yihiin logistic la'aan, waxaana uu ku booriyay QM iyo beesha caalamka inay taageeraan howlgalka Midowga Africa,

"Hadda AMISOM waa la ballaariyay, waxaa ay doonayaan in lagu ballaariyo dalka oo dhan, waxa aan wajaheynaa caqabado ayuu sheegay"

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon, oo hadal ka jeedinaayay shir labo maalin ka socday oo lagu soo afmeeray Istanbul, wuxuu ku baaqay in beesha caalamka ay gacan ka geesato taageerada Soomaaliya si aysan u soo noqon kooxo dagaal-oogayaal ah oo ka fa'ideesan kara soo afjarida xilliga kalaga guurka oo ku eg August.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo khudbad ka jeedinayay xarunta madaxtooyada Kenya Harambi ayaa amray in aad loo adkeeyo ammaanka dalka Kenya, waayo waxa dhici karta ayuu yiri in ay ka faa'ideestaan kooxo argagixiso inta lagu gudajiro doorashada madaxtinimada dalkaas oo dhawaan dhaceysa.

Kibaki ayaa xafiiska ka tagaya, marka doorashada Madaxweynaha ay dhacdo, waxaana uu kula dardar daarmay hey'addaha ammaanka inay feyjignaan ballaaran muujiyaan,

Kenya dhowr jeer ayaa la weeraray kaddib markii ay ciidamo u soo dirtay Soomaaliy

garable.com
muxudin diini fiidow