Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shirkii ka dhacay Magaalada New York kadib waxaa ay diirada saaren xaalada Soomaaliya, iyagoo war-saxaafadeed ka soo saaray waxa la filan karo. Waxaa ay sheegeen Golaha Amaanka in aysan diyaar u ahayn in ay u dulqaataan in ay wakhtiga kororsato xukuumada KMG ah ee Soomaaliya haatan ka jirta. War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ay arintaasi dhici karto iyagoo u aaneyey qodobo dhowr ah oo aan hir gelin kuwaasi oo qayb ka ahaa shirkii Magaalada London ee Soomaalida loo qabtay. “waqtiga dawlada waa uu ku socdaa dadaalada siyaasadeed ee dawladu wadana waxaa ay marayaan marxalado adag” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay golaha amaanka ee Q,M. Dowlada KMG ah ee Soomaaliya waxaa lagu amaanay wax qabad buuxa oo ay samaysay iyadoo weliba lagu amaana sugida Amniga iyo ka saarida Al-shabaab ee Gobollada dalka, balse waxaa lagu baaqay in ay xukuumada samayso isbedel siyaasadeed. Susan Rice haweenayda safiirka Marakaykanka uga ah Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale sheegtay in ay tahay wax aan loo dulqaadan doonin in uu dhaco wakhti kororsi iyadoo la sugayo doorasho ka dhacda Soomaaliya bisha Agoust. “ dib u dhac kasta iyo waqtigu dhamaado waa wax aan loo dulqaadan doonin waana in la sameeyaa dadaal klasta oo looga gun gaarayo in ku meel gaarnimada laga baxo” ayay tiri Susan Rice Ururka Midowga Yurub ayaa iyagu shalayto waxaa ay soo saareen qoraal dheer oo ay ku dhaleecanayaan in uu wakhti kororsi ka dhaco Soomaaliya, iyagoo sheegay in aysan taageeri doonin wakhti kororsi
garable.com
garable.com