Tuesday, 26 June 2012

cabdimailk shancad


C/LAAHI CALI CAANOOD: "QORSHAHA BALCAD XIGA WAA QABSASHADA JOWHAR"

 

Saraakisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qaabkii ay ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Balcad ee Gobalka shabeelaha Dhexe.
C/laahi Cali Caanood oo ah taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada dowladda oo isaga oo ku sugan sida uu sheegay Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe qadka tillifoonka ugu waramay garable.com ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in si nabad galyo ah ay kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Balcad.


Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM si nabad galyo ah ay gudaha u galeen Degmada Balcad iyo sidoo kale deegaanka Golaleey.

Isaga oo hadalkiisa sii wata C/laahi Cali Caanood oo ah taliyaha Gaaska koowaad ee ciidamada dowladda ayuu sheegay in hada ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Golaleey oo ka tirsan Gobalka shabeelaha dhexe Balcadna ay sii dhaafeen.

C/laahi Cali Caanood oo ah taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada dowladda ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha labaad ee dagaalka uu yahay la wareegitaanka Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo ay iminka maamulaan Ururka AL-Shabaab.

Wuxuu sheegay in la wareegitaanka Degmada Balcad ay maanta kusoo aaday iyadoo lagu guda jiro todobaadka dabaaldaga xuriyada Soomaaliya.

Ilaa hada majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AL-Shabaab oo ku aadan la wareegitaanka Degmada Balcad oo saraakiisha dowladda ay sheegeen iyo sidoo kale deegaanka Golaleey oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe

garable.com
muxudin diini fiidow

Francesc Fabregas oo u Jawaabay Macalin Roberto Mancini ,Germany Vs Italy yaa adag Taariikh ahaan? (+Wararkii ugu dambeeyay ee World Sport News)


 Macalinka kooxda Manchester City u soo qaaday horyaalka dalka Ingiriiska Mr.Roberto Mancini oo is qarin waayay waxaa u si toos ah ula saftay dalka uu ka soo jeedo ee Talyaaniga. Macalin Roberto Mancini oo maalmahaan shaqo ka dhigtay inuu ka faalooda kulamada koobka Qaramada Yurub isaga oo la hadlaya Raadiyaasha iyo Telefishinada dalka Talyaaniga ayaa iminka waxaa la sheegay inuu Niyada ka jabiyay Ciyaartooyda dalalka Germany iyo Spain.

Macalin Roberto Mancini wuxuu Daaqada ka saaray xulalka Germany iyo Spain wuxuuna sheegay in Fiinaalka koobka Qaramada Yurub ay iskugu soo hari doonaan dalalka Talyaaniga iyo Portugal oo soo kala reebi doona maalinta beri ah iyo Qamiista xulalka Spain & Germany.
Warka Macalin Roberto Mancini oo la buun buuniyay ka dib waxaa si toos ah ugu jawaabay Xiddiga Qaranka Spain iyo kooxda Fc Barcelona Francesc Fabregas oo markiisa daaqada kala baxay hadalka Macalin Roberto Mancini wuxuuna yiri sidatan " Qof kaste wuu jecel yahay inuu dalkiisa faaniyo laakiin aniga waxaan qabaa oo leeyahay Fiinaalka EURO 2012 waxaa iskugu soo hari doona dalalka Germany oo soo reebeeysa Italy iyo anaga oo soo reebi doona xulka Portugal "
Darawalka Qadka dhexe ee Qaranka La Roja Spain iyo kooxda Real Madrid Xabi Alonso wuxuu ka gaabsaday Saxaafada oo ku qarxisay ka dib markii la sheegay inuu keenay qaab ama Shax cusub oo looga taqluusi karo Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo ay u wada ciyaaraan kooxda Los Blancos Real Madrid .
Xabi Alonso ayaa qiray kaliyah in uu jiro Plan ama Qorshe Kubada looga qarin doono Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo balse qorshahaas uusan dhankiisa ka iman oo uu yahay System kooxda u yaal ayuu yiri Mr.Alonso .Waxaa iska cad in xulka Spain ay hawada ka qarin doonaan Ciyaaryaran Cristiano Ronaldo oo la sheegay inuu yahay Lugaha ay ku socdaan Qaranka Portugal hadii la banjariyana waxaa isku dhex yaaci doona xulka Portugal.

*** Xulka Qaranka Germany ayaa Wadnaha farta ku haya ka hor Ciyaarta ay habeenka Qamiista ah kala hor tagi doonaan Qaranka Talyaaniga. Mudo 17 sano ah Germany weey ka badin la´dahay xulka Talyaaniga waxaana ugu dambeeysay mar ay tumaan Talyaaniga bishii Juun sanadkii 1995-kii.
Inta Taariikhda la ogyahay labadaan dal waxaa adkaa Talyaaniga waxeeyna Germany garaaceen 14 Jeer, 9-Jeer Bareejo ayay ku kala baxeen halka Jarmalka uu Talyaaniga ka badiyay kaliyah 7-Jeer.Bishii Febraayo sanadkii 2011 ayay kulankii ugu dambeeyay wada yeesheen Germany Vs Italia kaas oo ahaa mid Saaxiibtinimo labada dal waxeey ku kala baxeen bareejo 1-1 ah.
Sanadkii 2006 waxaa Koobka Aduunka lagu qabtay gudaha Dalka Germany waxaana Germany oo u soo bixi rabtay Ciyaartii Fiinaalka 0-2 ku Qararamsaday Qaranka Talyaaniga oo ugu dambeeyntii World Cup 2006 Rigooreyaal kaga qaaday xulka Faransiiska.
*** Maroodi lagu magacaabo Nelly oo inta badan saadaaliya koobka Qaramada Yurub ee EURO 2012 markaan waxa uu ka inkaarsaday xulka Squadra Azzurra (Italia) ka dib markii uu saadaaliyay in Talyaaniga si toos ah loo reebi doono waliba Germany ay imaan doonto Ciyaarta Fiinaalka EURO 2012.
Maroodigaan ayaa saxay ama saadaaliyay kulamadii adkaa ee Germany la yeelatay dalalka Portugal ,Holland iyo Denmark kaas oo Guul u saadaaliyay xulka Qaranka Germany .
*** Kooxda The Gunners Fc Arsenal waxay si toos ah gacanta ugu dhigtay Weeraryahanka xulka Diiqa reer France iyo kooxda Montpellier Olivier Giroud .Xiddigaan oo 25 jir ah waxaa laga soo baxshay Aduun gaaraya 15 Milyan oo Euro wuxuuna Gooldhalinta horyaalka Faransiiska ku soo qaaday xili ciyaareedkii la soo dhaafay 21-Gool kaas oo sidoo kale kooxdiisa Montpellier la soo qaaday horyaalka dalka Faransiiska.


"Lacag oo kaliyah lama fiiriyo ee waxaa la fiiriyaa adaabta Xiddiga iyo wax tarkiisa, Olivier Giroud wuxuu ahaa mid ka mid ah Xiddigihii ugu adaabta wanaagsanaa ee na soo mara wuxuuna iminka wax weeyn tari doonaa kooxda Fc Arsenal ayuu yiri Masuulka ugu sareeya kooxda Montpellier Mr.Louis Nicollin .
***Xiriirka Kubada cagta ee dalka Holland oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan KNVB waxay ka yaabsadeen kuna daadiyeen Tababarayaal fara badan oo ku fakarayay inay mar uun qabtaan xilka Macalinimada Qaranka Holland.
Tababarayaashaan ayaa ku fakarayay in la ceerin doono Macalin Bert van Marwijk oo Qaranka Holland beerta soo galiyay EURO 2012 ka dib markii uu u cyaarsiiyay qaab lagu sheegay Shax qaldan oo mar hore lagu bartay xulka Qaranka Holland.
Bert van Oostveen oo ah Masuulka ugu sareeya xiriirka dalka Holland ee KNVB waxa uu shaaca ka qaaday ineeysan burin doonin Macalin Bert van Marwijk ayna Qandaraaskiisa gaarsiiyeen ilaa sanadka 2016-ka

War Deg Deg Ah Saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaab iyo AL-Qaacida oo goordhaw ka baxay Degmada Jowhar

Wararka laga helayo Degmada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegaya in Magaalada Jowhar saakay ay kajirto xaalad kacsanaan iyo cabsi kadib markii Gobolka Sh/Dhaxe ay gudaha usoo galeen Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.Jowhar ayana hada kabilowday qax iaydoona dadka qaxayo lasoo sheegayo in ay kujiraan Saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaaa iyo rag ajaaniib ah oo
 iyana qeyb ka ahaa Dagaalyhanada Al-Qaacida ee Shabaab bar bar joogay.
 Gawaari Miyaarado madow ku xiran yihiin oo dhoor xabo ah ay saarnaayeen Saraakiil cadaan iyo Soomaali ah ayaa ka baxay Xarumo ay Shabaab kulahaayeen Degmada Jowhar iyadoona Shacabku aysan ogaan halka raasmiga ah ay u baxeen Saraakiishaasi.

Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda saakay markii ugu horeesay la wareegay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe iyagoona hada Magaalada Jowhar ee ciidamada Huwanta u jirana wax kayar 60-KM .

Al-Shabaab wali kama aysan hadlin Guul darada kasoo wajahday Gobolka Shabeelaha Dhaxee iyo Degmada Balcda ee Saakay laga qabsaday waxeesa hada ku dadaalyaan sida aan wararka ku heleyno in ay Difaacdan Degmada Jowhar oo Xarunta Gobolkaasi ah.

garable.com
muxudin diini fiidow