Tuesday, 19 June 2012

ar Deg Deg Ah Soomaalida Kunool Dalka Angola oo ku jira Xiliga kala Carar qaarkoodna guryaha isku soo xireen

Wararka aan ka heleyno Dalka Angola ayaa sheegaya in Xiligan Soomaalida kunool Dalkaasi ay kujiraan kala carar iyo cabsi kadib markii Ciidamada Dalkaasi bilaabeen Howl galo lagu raafayo dadka ajaaniibta ah ee kunool Dalkaasi Soomaalidana qeyb kayihiin.

Howlgalkan ayaa si daran maanta ilaa xiligan uga soconaya Caasimada Dalka Angola ee Luanda halkaas oo hada xabsiyada la dhigay in kabadan 3-Kun oo u badan ajanaiib kasoo jeeda dalalka AfrikaDadka la xir xiray ee xabsiyada la dhigay waxaa kujira Boqolaal Soomaali ah kuwaa oo hada kusugan Saldhigyada laguna wado baaritaano ku aadan cida aan Shaciga heesan iyo kuwa Heesta.

Ciidamada ayaan gacanta ku dhigaya cidii ay arlkaan in aysan Dalkaasi u dhalan iyagoona aan weediineyn xitaa hadii ay Sharciyo heestaan iyagoona u dhaadhicinaya Xabsiyada halkaasna lagu soo kala saarayo dadka sharci darada ku jooga dalkaasi iyo kuwa ana Sharciyada aan heesan.

Soomaalida kunool Caasimada Angola ayaa kala carar bilabaay iyagoona qaarkood guryaha isku soo xireen halka kuwa kalana ay u baxsadeen goobaha Tuulooyinka si ay uga nabad galaan raafka soconya sida uu Shabakada garable.com u sheegay Cartan Xiirey Asbaro oo isagu naftiisa xiliga uu nala hadlayay qol isku soo xiray kuna sugan Caasimada ANgola.

lama oga Howlgalkan Raafka ah waxa maanta kusoo beegay iyo ujeedada ka dambeysa iyadoona dadki la xiray hada badi lagu hayo Saldhigyada Magaalada Luanda laguna wado baaritaano.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment