Friday, 3 August 2012

Tifaftirihii guud ee Radio Daljir oo caawa ka bad-baaday isku day dil

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Tifaftiraha guud ee Radio Daljir ahna Agaasimaha Raadiyahaas qeybteeda Galkacyo ayaa caawa ka bad-baaday isku day dil ay la damacsanaayeen Ragg Hubeysan.

Sida ay sheegayaan C/fitaax Geeddi oo ahaa Tifaftiraha ilaa 7-idaacadood oo la isku yiraah Radio Daljir ayaa Kooxo Bastoolado ku hubeysan ku weerareen, isagoo ka soo baxayay xarunta Idaacada magaalada Garowe.

Wararka ayaa sheegaya in Mr C/fitaax lagu riday dhowr xabadood, hase ahaatee uu Alle mahadii ay rasaasta ka dhex baxday shaar uu ku labisnaa, waxaana kadib Ciidamada ammaanka Garowe oo ku soo baxay xabadaha ay ka caabiyeen raggii hubeysnaa ee weeraray.

Dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii magaalada Galkacyo lagu dilay labo wariye oo uu ka mid ahaa Farxaan Jeemis oo ka mid ah suxufiyiinta ka howl galayay Puntland, iyadoo ay muuqato kororka ugaarsiga lagu haayo saxafiyiinta ka howl gala Soomaaliya.

garable.com
muxudin diini fiidow