Saakay oo Jimco ah ma jiraan wax gawaari ah oo ka dhex shaqeynaya Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay dadka iyo gaadiidka isticmaala wadadaasi diideen inay isticmaalaan.
Shacabka Muqdisho oo ku xirnaa Qudaarta, Caanaha iyo Hilibka oo dhanka Sh/hoose kaga imaan jiray ayaa maantay helin dhammaan Adeegyadaasi oo ay u baahnaayeen, iyadoo sarakac laga dareemayo suuqyada Muqdisho qiimaha Qudaarta, Hilibka iyo waliba Caanaha.
Lama oga xiliga Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya dib u furayaan wadadaasi isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, taasoo shalay si caadi ah u shaqeynayay, dadkii barakacayaashana u saamaxday inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.
Si kastaba shalay ayay ahayd markii iska hor’imaad sababay dhimasho iyo Dhaawac Ex koontarool Afgooye ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya.
garable.com
muxudin diini fiidow