Friday, 15 June 2012

Dhismaha dunida ugu dheer oo la Dhisayo iyo Waqtiga lagu dhisayo aad la yaabeeso(Daawo Sawirada)

Mid ka mid ah wararkii ugu yaabka badnaa ee loogu hadal haynta badnaa ayaa ka soo yeeray wadanka Shiinaha ka dib markii la shaaciyey in dhawaan la bilaabi doono dhismaha dunida ugu dheer oo dalkaasi laga dhisayo kaasi oo 90 maalmood oo kaliya lagu taagi doono.

Hala yaabin oo ha is oran sidee arintan ku noqon kartaa macquul, ogow meeshu waa Shiinaha, wax walba oo bini’aadam qaban karo waa ay ka fududahay in la sameeyo.

Shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha ayaa daboolka ka qaaday dhimsha dunida ugu dheer oo dalkaasi ay ka dhisayso kaasi oo loo bixiyey ‘Sky City’ waxaana laga dhisi doonaa magaalada Chang see gobolka Hunan.

Dhismanan dhirirkiisu wuxuu noqonayaa 838 mitir, iyadoo dhismaha haatan dunida ugu dheer ee Burj Khalifa ee ku yaal magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta uu dhirirkiisu yahay 828 mitir.

Dhisamahan wuxuu ka koobnaan doonaa 220 dabaq oo is dulsaaran, waxaana ku baxaysa 628 milyan oo doolarka Mareykanka sida ay shaacisay shirkada Broad Sustainable Building (BSB) oo sheegtey in dhismaha dhirirkaasi leh, ee ay ku baxayso malaayiintaasi doolar ay ku dhameystiri doonto mudo 3 bilood ah.

Dhismaha Burj Khalifa ee Dubai waxaa lagu wadey dhisme shan sano, waxayna noqonaysaa la yaab iyo dhacdo sheeko reebta in dhismahan Sky City lagu dhameyn doono 90 maalmood oo kaliya.

Dawlada dhexe ee dalka Shiinaha iyo maamulka gobolka Changsa, waxay siiyeen shirkada naqshadan soo bandhigtey ruqsada dhismahaasi ay ku dhisayso, sida uu sheegay maamulaha fulinta shirkada BSB oo xusey in dhismahaasi la bilaabayo hawshiisa bisha November ee soo socota isla amrkaana la dhameystiri doono bisha January ee sanadka dambe ee 2013.

Shirkada BSB horey bishii June ee sanadkii 2010 waxay ku sameysey taariikh la yaab leh ka dib markii ay dhistey dabaq ka kooban 15 biyaano mudo lix maalmood oo kaliya ama 260 saacadood.

Dhismahan wuxuu ka koobnaan doonaa 70 kun oo qol ilaa 110 kun oo deegaan, waxaana uu yeelan doonaa 104 wiish ama elevators oo loogu tala galay inay u kala dhex gooshaan qaybaha uu ka kooban yahay dhismahan, iyadoo sidoo kale dhismahan. garable.com muxudin diini fiidow







· 

Nin Soomaali ah oo Tartan ugu jira in uu ku guuleesto Fool Xumada Aduunka (Daawo Sawirada

Waxaa soo badanaya dadka isku sharaxaya in ay ku guuleestaan Loolanka loogu jiro qofka ugu foosha xun caalamka iyadoona ay hada jirana rag badan oo u taagaan tartaankaasi.

Dhawaan waxaan soo daabacnay Nin Shiinees ah oo ku guuleestay Fool Xumada aduunka iyadoona Ninkaasi uu u balan qaaday hadii uu soo baxo qof kasii fool xun in uu sharad dhiganayo uuna siinayo lacago fara badan.

Markii uu hadalkaasi soo baxay ayaa durba waxaa ina soo xariiray Wakiilka nin u tartamaya Fool xumada Aduunyada kaa oo sheegay in isagu kasii fool xun yahay Ninkan Shiineeska ah uuna doonayo in uu ku guuleesto abaal marinta ay bixiso Buuga Mucjisooyinka Caalamka Guinness World Record.

Ninkan Soomaaliga ah ee hada u tartamaya Fool Xumada aduunka waxaa lagu magacabaa Suufi Aflow waxa uu kunool yahay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Buulo xuubey waan anin caan ka ah Magaalada Dhoor marna riwaayado ka qeyb qaatay.

Hadaba ma isleedahay in uu Ninkan Soomaaliga ah ka guuleesan karo rag badan uu kujiro Ninkan Chiineeska ah uu sawirkiisa idin muuqanayo ayaa sheegay in uu bixin doono lacag dhan 100,000 oo lacagta yuan ee China ah una dhiganta ($10,250) hadii uu qof uga guulaysto tartanka ninka ugu fooasha xun dunida








·  garable.com muxudin diini fiidow

Xog Sir Ah Wasiiro Xukuumada Ka Tirsan Oo Lagu Wada In Xilka Laga Qaado

Madaxweyne-Sharii

Dhaq dhaqaaq aad u xoogan ayaa Madaxtoooyada Soomaaliya caawa laga dareemayaa ka dib Markii Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya uu bilaabay kulamo gooni gooni ah oo uu la yeelanayo La taliye-yaashiisa, xubno wasiiro ah, iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Kulamadaan oo ku soo beegmay saacado ka dib xilli Maanta uu Madaxweynaha Kulan Balaaran la qaatay Golaha Wasiirada Dolwada KMG, ayaa lagu micneeyay mid Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu ku doonayo in uu xilka kaga qaado xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladiisa.
Illaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha ay Miiska u saaran yihiin illaa iyo 3-wasiir oo uu doonayo in uu xilka ka qaado, iyadoona aan faah faahin rasmi ah laga helin saacada iyo xilliga rasmiga ah oo uu doonayo in uu xilka ka xayuubiyo xubnahaan ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladiisa.
Mas’uul Muhiim ah oo xilligaan ku sugan Xarunta Madaxtooyada oo codsaday in Magaciisa aan lasoo xigan ayaa xaqiijiyay in Wasiirada Miiska u saaran Madaxweynaha ay yihiin, 1)- Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Jahweyn, 2)- Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil, 3)- Wasiirka Iskaashiga Caalamiga C/laahi Goodax Barre.
Wasiirka Warfaafinta iyo Madaxweynaha Dowlada KMG ayaa Khilaafkooda ahaa mid soo jiray tan iyo waxii ka danbeeyay Qaraxii 4-tii April ka dhacay Xarunta Tiyaatarka Qaranka, iyadoona dhowr jeer oo horey ay usoo shaacbsaxday in Madaxweynaha uu doonayo in uu xilka ka qaado Jahweyn balse aan taasi dhicin.
Wasiirka Dastuurta Mr Xoosh iyo madaxweynaha ayaa khilaafkooda lagu micneeyay mid salka ku haya Arrimaha Dastuurka iyadoona khilaafka ugu xoogan uu ka dhashay sida wararka sheegayaan ka dib markii wasiiro laga dareemay in uu u jan jeeray dano gaar ah oo Maamulka Puntland gaar ahaan C/raxmaan Faroole ka damacsan yahay Qodobo ka mid ah Dastuurka.
Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxweynaha ayaa la sheegay in ay isku hayaan Qorshooyin dhowr ah iyo safaro dhowr ah oo uu wasiirka la socod siinin Madaxweynaha, taasina ay soo da dajisay in is faham waa labada dhinac ah uu yimaado

garable.com
muxudin diini fiidow

Daawo Sawirada:Caawa Niga Soo qaadnay Magaalada Muqdisho & Caasimadeyna oo Ekaatay Caasimadaha Caalamka”


Ayadoo habeen hore aan nisoo bandhignay warbixin sheegeyse in caasimada muqdisho kasocdaan dibu dhis xoogan iyo leyrar xoogan lagu xiray ayaa aqristayaasha shabakada Naga codsadeyn in aan nisoo bandhigto muqaalo cusub oo muujineyso xaalada oo haatan maraayo dalka waxaana noosuurta gashay caawa in aan nisoo bandhigto muqaalo mujinaayo hormarka wadanka gaar ahaan caasimada Badweyn waxay u taagantahe Hormarka wadanka iyo Shac














garable.com muxudin diini fiidow