Sunday, 24 June 2012

KUSIMIHII XEER ILAALIYAHA GOBALKA SOOL OO LA TOOGTAY



Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay fal dil ah u geesteen kusimihii Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool.

Xilliga dilka loo geysanayay kusimihii Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool Axmed Xaaji Maxamuud Ow-Cali ayaa waxaa la sheegay inuu ku sugnaa goob mehrad shaaha laga cabo waxaana falka dilkiisa uu dhacay xalay.

Maxamed Cismaan Xasan oo kamid ah masuuliyiinta maamulka Soomaaliland ee Goballka Sool oo la hadlay idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kusimihii Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool uu geeriyooday islamarkaana kooxo hubaysan ay toogteen.

Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka markii uu falkaasi dhacay kadib ay sameeyeen howlgal balaaran oo ay kusoo qab qabteen dad gaaraya ilaa afar ruux iminkana uu baaritaano ku socdo sida uu sheegay.

Lama garanayo ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa falka dilka ah ee loo geestay kusimihii Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool ee Maamulka Soomaaliland sidoo kalena ma jirto ilaa iminka wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Soomaliland oo ay kaga hadlayaan falka dilka ah ee loo geestay kusimihii Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool

garable.com
muxudin diini fiidow

KOOXO HUBEYSAN OO GANACSADE SOOMAALI AH KU TOOGTAY GOBALKA NFD



Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu toogtay xeryaha dhadhaab ee gobalka NFD sida uu sheegay guddoomiyaha Ururka qoxootiga Soomaalida ee halkaasi Cabdi Fataax Ismaacil.

" Waxa aan maqalnay rasaas saacada markii ay aheyd 8-dii fiidnimo, saacad kaddib waxa aan ku soo aragnay meydka ninka dukaan lahaa, waxaa naloo soo sheegay inay toogteen afar nin oo hubeesan kuwaas oo aan heybtooda lagaraneenin" ayuu sheegay.

Sidoo kale labo boolis ayaa lagu dhaawacay qaraxyo ka dhacay magaalada Mandheere oo ku taala soohdinta Soomaaliya, waxaana loola cararay isbitaal goobta ku yaala.

Waxa soo kordhaya amni darida ka taagan xeryaha qoxootiga gobalka NFD tan iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii hore.

Xeryaha dhadhaab waxa ay hooy u yihiin ku dhawaad 460,000 oo qof , bishii October,labo shaqaalaha hey'adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheen ee MSF oo u dhashay dalka Spain ayaa laga afduubtay xeryahaas kuwaas dableey hubeesan ay la soo aadeen Soomaaliya.

Waa qofkii seddaxaad ee halkaas lagu dilo tan iyo bishii March ee sanadkan sida ay lee yihiin saraakiisha ammaanka xeryahaas

garable.com
muxudin diini fiidow