Iyadoo wax walba la maqlaayo inta aad dunidaan korkeeda saaran tahay ayaa hadana maanta waxa aynu idiin haynaa warbixin ku saabsan nin tuug ah oo sameeyay taariikh aan horay loo arag loona maqal, taas oo ugu dambeeyn ku kaliftay inuu kasoo laabto wadadii qaldaneed ee uu ku socday.
Ninkaan tuuga ah ayaa muddo haatan laga joogo 5 cisho waxa uu galay guri ku yaalada degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, isaga oo darbiga guriga ka booday, waxaana halkaasi uu kasoo qaatay boorso aad u buuxdo.
Tuugii oo aan la fahmin ayaa hadana nasiib wanaag waxa uu kasoo baxay gurigii isaga oo xaafadiisii usoo qaatay boorsada uu helay, laakiin boorsadii ayuu durba furay isaga oo eegaaya waxa meesha ku xareeysan.
Run ahaantii meesha waxa uu ku arkay dhar cusub taleefan gacanka ah, lacag shilin Soomaali ah, saacado cusub iyo agab kale, laakiin meesha waxaa kaloo uu ku dhex arkay bac ay ku jirto daawo iyo warqad ay ku qoran tahay magac naag oo warqadda dhaqtarka ahna cadeeneysa qofka meesha ku qoran in Buro dhanka caloosha ah laga qalay.
Waxa uu sameeyay daawadii ayuu soo qaaday waxaana uu u yimid nin ay daris ahaayeen farmashiyana gado, waxaana loo sheegay in daawadaan dalkaba aan laga helin lacag qaali ahna ay joogto.
Ninkii dib ayuu u fikiray, waxaana uu is tusay hadii maanta daawadaan uu gato ama uu iska tuuro in dhib weyn ay u tahay qofkaasi xanuunsan oo haweenka ah, waxaana uu is tusay inuu u geeyo, laakiin waxa uu ku fikiray hadii aad u tagtid armaa dhibaato laguu geestaa ama lagu xiraa.
Balse damiirkii ayaa u diiday in daawadaasi uu meel cidlo ah ku dayaco, waxaana uu go’aansaday Boorsada oo sideeda ah inuu dadkii lahaa u celiyo ilaahayna uu cafis weeydiisto.
Reerkii boorsada laga xaday oo aad u wal wal sanaa gaar ahaan ka murugeysnaa daawada dhibka lagu helay sida lagu qaatay ayaa guriga waxaa soo galay nin jiidaaya Boorso aad u weyn oo ah tii ay cida lahayd.
Guriga waxaa joogay odaygii reerka oo xaaskiisa qalneed, iyo dhalinyaro ay wax isku yihiin oo baadi goobka tuuga ku jiray, laakiin markii la arkay waxaa lagu bilaabay su’aal ah war inteed boorsadaan ka keentay.
Laakiin tuugii ayaa u sheegay sida uu u qaatay iyo sida maskaxdiisa ay ugu soo dhacday in boorsadaan uu dib usoo celsho, waxaana yaabay reerkii, laakiin Odaygii reerka ayaa tuugii laabta geliyay kuna yiri <br /> <br /> “Qeyr Allah ku siiyo nin nadiif ah ayaad tahay oo qalbi iyo Biniaadanimo ku jirto”.
Tuugii cida ayuu raali geliyay gaar ahaan qofkii xanuunsanaa, waxaana uu meesha ku balan qaaday in mar dambe aanu tuug noqon doonin, laakiin Odaygii reerka ayaa siiyay lacag abaal marin ah una sheegay wax walba uu u baahdo in gurigaas uu usoo doonto, maanta ka dibna aan guriga laga xigin
garable.com
muxudin diini fiidow