Addis-abab(wabarimedia.com Ururka Midowga Afrika iyo dawlada Uganda ayaa heshiis ku gaaray oo kala saxiixday heshiis ah in dawlada Uganda ay gayso magaalada Muqdisho 140 askari,iyadoo howgalka ciidamadan booliiska ahi ay qayb ka noqonayaa howlgalka AMISOM ee hoostaga Midowga Afrika.
Golaha nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan isku raacay in howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya lagu kordhiyo ciidammo booliis ah oo qayb ka qaata sugidda nabadgalyada, iyadoo go'aankan ay ku raaceen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii February ee isla sannadkan.
Waxaa iyana sidoo kale la wadaa tallaabooyin uu Midowga Afrika ku doonayo inuu heshiis kula galo xukuumadda Nigeria sidii ay 140-askari oo booliis ah u geyn lahayd magaalada Muqdisho.
Iminka ayaa Muqdisho waxaa ku sugan 60-askari oo booliis ah kuwaas oo iyana ka socda ururka Midowga Afrika, waxayna kaalin muhiim ah ka qaadanayaan dadaalka lagu dhisayo awoodda ciidammada booliiska Soomaaliya, iyagoo siiyo talooyin iyo tababar lana socda habka ay u shaqeynayaan.
Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada booliiska ah ee ka socda dalaka Uganda iyo Nigeria loogu talogalay inay qayb ka qaataan xasilinta caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ah meesha ciidanka Midowga Afrika uu ka howlgalo, kaddibna lagu fidin doono gobollada kale ee Soomaaliya.
Ciidamada booliis ah ee ka socda dalalka Afrikca la geynayo Muqdisho ayaa ku soo beegmayaa xilli ay ciidamada AMISOM horumarro ka sameynayaan howgallada ay u joogaan Muqdisho.
Munaasabadda heshiiska lagu kala saxiixanayay oo ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil booliis oo ka socda hay'adda dawlada iyo kuwa Africa
garable. com
muxudin diini fiidow