Saturday, 26 May 2012

Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo cabsi dagaal oo laga soo sheegayo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya

Wararka ka kala imaanaya magaalooyinka B/dhabo, Ceelbuur iyo Balcad ayaa waxay sheegayaan in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogbadan laga dareemayo magaalooyinkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Itoobiya, kuwa Kenya, iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca  oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah iyana.
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan laga dareemayo gobolada Bay iyo Bakool deegaanada ay ka koobanyihiin, kuwaas oo ay wadaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo doonaya inay weerar ku qaadaan fariisimada ay goboladaasi uga suganyihiin ciidamada Xarakada Al-shabaab, halka dhinaca Xarakada Al-shabaabna iayguna laga soo sheegayo in dhaqdhaqaaq kuwaasi la mid ah ay wadaan, ciidamo badan oo gurmad ahna soo gaarsiiyey deegaanada ay isku horfadhiyaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG.
Dhinaca kale dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kale ayaa iyana waxaa laga soo sheegayaa gobolada Gedo iyo Jubbooyinka kuwaas oo ay wadaan ciidamada Kenya, kuwa dowladda KMG iyo kuwa Ururka Raaskambooni oo u joiheystay deegaano ay ku suganyihiin ciidamada Xarakada Al-shabaab, halkka kuwo Al-shabaab ay iyaguna u soo jiheysteen difaacyada ay ku suganyihiin ciidamada huwanta ah ee iskaashanaya.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna ay wadaan diyaargarow xoogan oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan gobolada kale ee ka tirsan gobolka Galgaduud ee ay ku suganyihiin ciidamada Xarakada Al-shabaab, waxayna sheegeen saraakiil u hadashay Ahlu Sunna inay durba la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dhinaca magaalada Muqdisho ayaa iyana waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan kuwa AMISOM iyo kuwa dowladda KMG oo sheegay inay u jiheysan doonaan dhinaca degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, waxayna sheegeen saraakiil u hadashay dowladda KMG iyo kuwa AMISOM sheegeen in ciidamadu ay gaari doonaan illaa magaalada Jowhar, waxayna ugu baaqeen ciidamada Al-shabaab inay isku soo dhiibaan dowladda KMG wax dhib ahna aan loo geysan doonin, balse haddii gacanta lagu dhigo iyaga oo dagaalamaya ay la kulmi doonaan ciqaab adag sida ay yiraahdeen
garble.com
muxudin diini fiidow

Oday dhaqameed caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada B/weyne iyo maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xalay fiidkii magaaladaasi lagu dilay mid ka mid ah Oday dhameeyada caanka ah magaaladaasi, kaas oo markii la dilayey la sheegay inuu ku sii jeeday masaajid ka agdhawaa xaafaddiisa, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo ku hubeysnaa bastoolado.
Sida warku sheegayo nadoonkan ayaa lagu dilay xaafadda Howlwadaag, waxaana lagu magacaabi jiray Aadan Maxamed Isqaaq {Aadan Bile}, waxaana la sheegay inay toogteen kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo markii ay dilka geysteen ka dib goobta ka baxsaday.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa daqiiqado ka dib ayaa waxaa goobtii lagu dilay oday dhaqameedka waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya, kuwaas oo baaritaano kala duwan oo ay sameeyeen la sheegay inay ku qabqabteen dad badan oo ay ku jireen odayaal iyo dhalinyaro, waxaana la sheegay in dadkaasi qaarkood la sii daayey ka dib markii la geeyay saldhigga magaalada B/weyne.
Ma jirto cid sheegatay dilka loo geystay oday-dhaqameedkaasi ka soo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana dilkiisa ka hadlay sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii dilka geystay, wuxuuna intaasi ku daray in markii uu dilku dhacay ka dib ay bandow ku soo rogeen xaafadda H/wadaag ee magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale warar iyaguna naga soo gaaray xerada IFO ayaa waxay sheegayaan in xalay xeradaasi saqdii dhexe lagu dilay labo wiil oo isla dhalatay iyo gabar dumaashidood ah, iyadoo aan la ogeyn cidda dilkaasi geysatay iyo sababta loo dilay midna, waxaana muddooyinkii dambe xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ku soo badanayey dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka rayid ah
garable.com
muxudin diini fiidow

Dadweynaha degmada Xaafuun oo diidmo kala hortagay SARACEN


Degmada Taariikhiga ah ee Xaafuun ayaa waxaa ka taagan xaalad qir-iyo qir ah, kadib muran ka dhashay Shirkada SARACEN oo halkaasi tagtay.
Gudoomiyaha degmada Xaafuun ninka lagu magacaabo Booli-wade, Ganacsade Jaabir Muuse Cali Gaban iyo Nabadoon Abshir Dhagcas ayaa shirkadan u gogol xaaraya inay deegaanka tagaan, waxaana arrintan ka hor yimid dadka deegaanka oo qaaday talaabo lamida tii reer Iskushuban ay qaadeen.
Shirkada SARACEN oo u taagan inay tababarto ciidamada xeebaha Puntland, iyo la dagaalanka burcad badeeda ayaa haatan isku bedeshay shirkad macdan baarayaal ah.
Dhaqaale badan ayey shirkada SARACEN ku bixisay sidii ay fariisin uga samaysan lahayd degmada Xaafuun oo ah magaalo cimilo wanaagsan hodana ku ah khayraad kala duwan oo beri iy Bad-ba leh.
Aduun lacageed oo faro badan ayey shirkadan macdanta ku siisay ragan howlgalka xaafuun ka saacidaya, waxaana kacdoon kala horyimid dadweynaha deegaanka oo kaashanaya duqeyda iyo waxgaradka Xaafuun.
Howlaha dhaqaalaha xiriirka iyo isku xirka odayaasha waxaa si weyn ugu mashquulsan la taliyaha dhanka saxaafada ee madaxweyne Faroole iyo waliba Maxamuud Shido oo ka tirsan raga ay sida aadka ah isugu dhow yihiin Madaxweynaha Puntland
Wasiirka Amniga Puntland oo isaguna kamida masuuliyiinta kasoo jeeda Xaafuun ayaa safar ku tagaya Xaafuun si uu wax uga qabto is-fahmi waaga ka taagan degmada.
Maalmihii u dambeeyey waxay shirkada SARACEN isticmaalayeen diyaarado lagu rarayo konteenaro aan la aqoon waxa ku jira, iyagoo dhowr duulimaad ku tagay degmada Xaafuun.
Waxaa sii xoogeysanaya tuhunka laga qabo inay shirkadan Sun ku aasto dhulalka fog-fog, inkastoo aysan ku guuleysan inay ogolaansho ay ku degaan aysan ka helin Eyl iyo Iskushuban.
garable.com
muxudin diini fiidow

digg icon delicious icon Hooyo ku nool Britain oo ragii dilay wiilkeeda Abaal-marinaysa


Haweeney ku nool dalka Britain ayaa cafis soo dhoweyn iyo dhaqaale ugu bedeleysa 4 dhalinyaro ah oo dilay wiilkeedii ay aadka u jecleyd.
Fatemah Golmakani waxay tiri ” Waan isku duubi doonaa, oo ku dhegi doonaa, shumis ayaan ku abaal marin doonaa, anagoo dhamaantayo gacmaha iswada heysana, Waxaana u sheegi inuu dunida joogo qof wali kusii jecel iyagoo dambii-layaal ah.
Dadka hooyadan ay cafiska iyo wanaaga ugu bedeleyso dhiigii wiilkeeda oo ay daadiyeen waxaa kamida Mohammed Hashi oo Soomaali ah oo isagu wax ka geystay dilka wiilka ay dhashay Fatemah.
Hooyadan oo wali sii hadleysa ayaa tiri ” Wiilkeyga dib iiguma soo noqon doonaa oo taasi waan hubaa, ragii dileyna ciriiri ayey galeen, oo hamigoodii iyo mustaqbalkii ay lahaayeen waxaa la la duugay markii la aasayey wiilkeyga ayey tiri. 
Waxay intaasi ku dartay hooyadan ” Rajo la,aanta iyo mustaqbalkooda oo mugdi galay dhalinyaradan waxaan kaliya oo ugu bedeli karaa inaan iska cafiyo, mana sugi kari wakhtiga ay Jeelka kasoo bixi doonaan oo igu dheer si aan gacan uga geysto niyad dhiskooda.
Fatemah waxay kaloo saxaafada u sheegtay in dhaqaale iyo barnaamijyo dib loogu soo darayo dambiilayaashan mushtamac ay bilaabeyso, iyadoo wiilkeedii ay jecleyd ugu magac dari doonta ololahan
cawil

QM oo turkiga iyo sacuudiga kala hadleysa xaalada soomaaliya

News-(GMN) Xoghayaha guud ee QM Banki Moon aya sheegay in Labadaa Dowladood kala hadli doono arimaha soomaaliya maadama bisha soo socota dalka turkiga lugu qaban doono shir looga hadlayo xaalada guud ee soomaaliya.
Afhayeenka Xaafiiska Baanki Moon ayaa saxaafada u sheegay in dhawaan xoghayuhu uu safar ku tagi doono Turkiga Iyo Sucuudiga Madaxda wadamadaana uu ku dhiiri galinayo in la xoojiyo taageerada dalka soomaaliya uu ku til maamay inay tahay la ga ma  maarmaan.
Marti Nasik afhayeenka Ban Ki-Moon  wuxuu intaa ku daray in in Xoghaya QM uu Madaxda turkiga si aada ugala hadlayo shirka Bisha june ka furmaya caasimada dalkaa ee istanbuul kaas oo lugu taageerayo is badalka ay wadaan madaxda soomaaliyeed in caalamka ay si hagar la,aana u taageeraan dadka soomaaliyeed ee mudada dheer dowlad la,aanta ahaa.
Hadalkaa ka soo baxay Xaafiiska xoghayaha guud ee QM Banki Moon ayaa ku soo aadaya xili ay dalka soomaaliya ka socdaan is badalo wax ku oola oo ay uriyaaqayaan guud ahaan shacabka soomaaliyeed waxana dhagaha loo wada tagayaa waxa ka soo bixi doona shirka horaanta bisha soo socota lugu qaban doono istanbuul diiradana lugu saarayo is badalada xaaladaha soomaaliya iyo sidii QM ay u gudan laheyd kaalinta kaga aadan Soomaaliya
garable.com
muxudin diini fiidow

QM OO SHEEGTAY IN CUNNAQABATAYN LA SAARI DOONO CID KASTA OO KA HOR TIMAADA ARRIMAHA HADDA KA SOCDA SOOMAALIYA



Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine P Mahiga ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa uu kaga hadlay shirkii dhawaan hoggaamiyaasha Soomaalida ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Danjire Mahiga ayaa saxaafadda u sheegay in u rajo fiican ka filaayo qodobada lagu heshiiyay shirkaas in ay dhaqan galiyaan saxiixayaasha qorshaha looga gudbaayo xilliga KMG ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sagaashan maalin ay harsan yihiin taas oo la rabo in hoggaamiyaasha Soomaalida looga baahan yahay inay shaqo badan ay qabtaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in muran uu ka yimaaday qaabka loo soo xulay odayaasha dhaqanka ee hadda ku sugan Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay in la isku afgartay in dib ay ugu laabtaan meelaha ay ka yimaadeen.

Sidoo kale Danjire Mahiga waxa ku nuux-nuuxsaday in cunnaqabatayn lagu soo rogi doono dadka caqabadda ku ah dadaallada Siyaasadeed iyo kuwa nabadeed ee xilliga kala guurka ah looga saarayo Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in baaritaan lagu sameyn doono dadkaas, kaddibna lagu soo rogi doono cunnaqabtayn dhanka safarka ah, oo ay ugu horreeyaan dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo dalka Imaaraadka Carabta.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in la shaacin doono magacyada shakhsiyaadka carqaladda ku ah qorshe-howleedka (Road-map) ee ay waddo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in uu qorshahaas u gudbiyay golaha Ammaanka QM kuwaas oo soo dhaweeyay in tallaabo laga qaado dadka is hortaagaya qorshahadda socda.

Ugu dambeyn waxa uu rajo ka muujiyay in waqtiga loogu talagalay lagu soo gabagabeyn doono xilliga dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku eg bisha August ee Sanadkan
garable.com
muxudin diini fiidow

DEG DEG: ODOYAASHA DHAQANKA EE KU SHIRSANAA MUQDISHO OO HAATAN KA DUULAYA MUQDISHO

Waxaa haatan garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ka duulaya Odoyaasha dhaqan ee shirka kulahaa maalmihii dambe Magaalada Muqdisho kuwaas oo soo xulayey ergada Ansixin lahayd dastuurka cusub ee Dalka.
Odoyaasha ayaa waxay u duulayaa Magaalada Ismabuul ee Xarunta Dalka Turkiga halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shirka dhinacyada soomaalida ee lagu wado inuu ka furmo halkaasi.

Wariye ka tirsan webside garable.com oo ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa uu leeyahay Odoyaasha hadda ayey ka duulayaan Garoonka waxaana ay ku jiraan line ama safaf dhaadheer oo ay ku raaci lahaayeen diyaaradda.

Odoyaasha haatan duulaya tiraadoodu waa 135 Oday.

Goordhow ayaa lagu wadaa inay ka duulaan Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Magaalada Istambuul ee Xarunta Dalka Turkiga.
garable.com
muxudin diini fiidow