Wednesday, 30 May 2012

Xog Muhiim Ah Mid Ka Mid Ah Wasiirada Somaliland Oo Loo Diiday Visaha Dal Ku Galka Turkiga Sababto Maxay Tahay




xaabsade
Sida aad uga barateen shabakada caalamiga ah ee Allbanaadir.com in ay idin soo gudbiso siraha qarsoon Ee ka jirta saaxada siyaasada Somaliya, hayeeshee waxaa goordhow ina soo gaaray xog ay heshay Shabakada Caalamiga ah ee Allbanaadir.com

Mid ka mid ah Wasiiraddii ka socotay Maamulka Somaliland ee la doonayay inay ka qeb-galaan shirka ka Soconaya magaalada Istanbul ayaa waxaa si lama filaan ah loogu diiday Wasiirkaa in la siiyo Visaha dalka Galka Turkiga

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ee ku sugan Magaalada Barbara ayaa sheegaya In galabta loo diiday Wasiir Xaabsade Visaha Turkiga uu ku tagi lahaa, Wasiirkan loo diiday Visaha ayaa Lagu magacaabaa Axmed Cabdi Xaabsade waxaana uu ku magacaaban yahay Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliland

Diidmada loo diiday Wasiir Xaabsade Visaha ayaa loo sababeynayaa in uu Wasiirka uu la soo baxay kolkii Ay soo dhawaatay amabixiisii uu u amabaxayay Dalka Turkiga Baasaboor ku ay ku qorneyd magaca Jumhuuriyada Somaliland waxaana lagu yiri Jamhuuriyaddan mustaqbal soo socota xaga inoo dhig ee Baasaboor Somali ayaan Visa kuu saaraynaa si aad u tagto oo aad u gaarto Dalka Turkiga

Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliland Mudane Axmed Cabdi Xaabsade markii ay mashaqadaa qabsatay Waxaa la socday oo safarkiisa ku wehlinayay labo kamid ah Wasiirada Somalialnd ay u xilsaartay in shirka Ka furmaya Istanbul ay ka qeyb-galaan Wasiirada la socda Mudane Xaabsade waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdullaahi Cumar iyo Wasiirka Qor-sheynta Somaliland Mudane Sacad Cali Shire

Hayeeshee waxaa safarkii ka baaqsaday oo loo diiday Visihii uu ku tagi lahaa Mudane Xaabsade Dalka Turkiga waxaase galabta u amabaxay Dalka Turkiga Wasiirada Arimaha Dibadda Dr. Maxamaed Cabdullaahi Cumar iyo Wasiirka Qor-sheynta Somaliland Sacad Cali Shire waxaana la sheegayaa Wasiiradan u kicitimay Dalka Turkiga in ay wataan Baasabooro Ajaanib ah sidaana lagu siiyay Visaha dalka Ku galka Turkiga

Hasa-ahaatee tallaabada Mudane Xaabsade kaga baaqday takitaanka Turkiga loona diiday Visaha ayaa Noqotay mid dadka Somaliland ku dhaqani ay hadal hayaan dhammaan Su'aalo badana iska weydiinayaan Gaar ahaan shaki laga qabo meeqaamka ay Somaliland ku leedahay shirka Istanbul iyadoona maamulka Somaliland kal hore shaaciyeen in ka qeyb-galka Somaliland ay meeqaam sare ka heleyso shirka Istanbul Haddana tan galabta dhacday ayaa dadyoowga Somaliland ku abuurtay shaki hor leh oo ay ka qabaan Madax-banaanidooda


Isku soo wada duub Shirkii kal hore ka furmay magaalada London ee Dalka Ingiriiska loogana hadlayay Arimaha Somaliya ayaa wafuudii ka socotay maamulka Somaliland uga qeyb-galeysay shirkii London ayaa Waxaa ka mid ahaa Wasiirka howlaha guud ee Somaliland Mudane Axmed Cabdi Xaabsade isagoona Shirkaasi ku yimid Visa loo saaray Baasaboor Somali ah
garable.com
muxudin diini fiidow

DEG DEG: Al Shabaab oo Magaalada Kismaayo ku soo bandhigtay dagaal-yahano Ajaaniib ah oo aad u hubeysan




Xarakada Al Shabaab ayaa waxay goor dhaw ay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ay ku soo bandhigtay boqolaal dagaal-yahano ah, oo intoodu badan u dhashay dalalka Qaaradda Afrika ku yaalla.
Dagaal-yahanada ay Xarkaada Al Shabaab ku soo bandhigtay Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa qeyb ka ah dagaal-yahano Soomaali ah, kuwaa oo galabta si weyn loogu arkaayo gees ka gees Magaalada Kismaayo.
Waxay ku hubeysan yihiin noocyada kala duwan ee hubka, waxayna xiran yihiin hal dareys oo isu mid ah, isla-markaana waxay gawaari ay ku soo marayaan wadooyinka iyo xaafadaha ku yaalla Magaalada Kismaayo, iyadoo mar uun ay galabta ku soo baraarugeyn reer Kismaayo.
Gawaarida ay saaran yihiin dagaal-yahanadaan ayaa waxaa ku xiran hubka cul culus sida, qoriga weyn ee loo-yaqaano Zuuga, Jiibta iyo Taranta Sataha, oo ay Soomaalidu u taqaano lidka diyuuradaha.
Dagaal-yahanada Ajaaniibta ah ee Xarakada Al Shabaab oo lagu yaqaano inay indhaha soo duubtaan, ayaan galabta soo duuban, waxayna si caadi ah ay ugu gaaf-wareegayaan Magaalada Kismaayo, iyadoo dadkuna ay caadi ah u daawanayaan.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxay galabta indhaha la-raacayaan dagaal-yahanada sida weyn leh u hubeysan, ee ay maanta Xarakada Al Shabaab ku soo bandhigeyso Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.
Amuurtaan ayaa waxay shacabka reer Kismaayo ay ugu magac-dareyn dhawlo tus milatari, oo aanu horey loo-sii shaacin, iyadoo Xarakada Al Shabaab jawaab uga dhigeyso duqeymaha cul culus ee lagu garaacaayo Magaalada Kismaayo.
Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ka tirsan Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa saakay Idaacada Andulus ee Magaalada Kismaayo ka sheegay inay diyaariyeen ciidamo xoogan, oo ilaalinaaya xeebta iyo dekadda ee Magaalada Kismaayo, isagoo sidoo kale sheegay inay la-dagaalami doonaan maraakiibta shisheeye ee duqeymaha ku haaya Magaalada Kismaayo
garable.com
muxudin diini fiidow

Madaxweyne Obama oo Saxiixay in la duqeeyo Wadamo ay ku jirto Somalia.


Madaxweynaha dowladda Maraykanka ayaa saxiixay qorshe lagu duqeynayo dalalka ay ku sugan yihiin Al qaacidda oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Madaxweynaha wadanka Maraykanka oo ka qeyb galay shirk u saabsanaa arrimaha amaanka oo ka dhacay xarunta waaxda arrimaha dibbadda dalka Maraykanka ee The Pentgon,ka ayaa waxaa uu saxiixay qorshe lagu bartilmaamaysanayo hogaanka Al-Qacida ee ku sugan wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha duuliye la’aanta ah.
Sida lagu qoray website laga leeyahay Pentagon, ka Maraykanka Madaxweyne Obama ayaa saxiixay in la kordhiyo weerarada laga geysto wadamada Soomaaliya, Yemen iyo Pakistan si ay loo eegto hogaanka Al-Qacida ee wadamadaasi ku nool.

Madaxweyne Obama waxaa uu sheegay in guulo waa weyn laga gaaray duqeymo laga geystay dhawr wadan haddana loo baahan yahay in lasii xoojiyo.
La taliyaan dhanka amaanka ah oo uu leeyahay Madexweynaha Maraykanka ayaa u sheegay wargeyska New York Times in go’aankaan uu yahay mid la aaminsan yahay inuu dhabar jab ku noqonayo hogaamiyaasha Al-Qacida ee ku nool wadamo ay Soomaaliya ka mi tahay.
“Waxaa aad loo xoojin doonaa howlgalada laga sameyn doono Soomaaliya iyo Yemen waayo waa meelo ay hadda Al-Qacida xidido ku leedahay” waxaa sidaasi yiri Thomas Doni-lon, oo ka mid ah la taliyaasha Obama ee dhinaca amniga.
Maraykanka ayaa dhawr jeer duqeymo ka geystay dhawr wadan oo Soomaaliya ka mid tahay kuwaasi oo lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Al qaacidda iyo Al Shabaab
garable.com
muxudin diini fiidow

Prof. Collier: Dalalki kale waa la faaruqiyey oo markan khayraadka Afrika ayaa loo wada socdaa


London, 30-May-2012 - Daawo Prof. Paul Collier oo sheegaya in khayraadki dalalka kale oo dhan la soo faaruqiyey, haatana loo wada socdo qaaradda Afrika si loo soo rarto khayraadka dalalka Afrika.siiba somaliya oo kabuuxa yuraniyam

Isagoo ka hadlaya sida ay dunida inteeda kale ugu yaaceyso khayraadka qaaradda Afrika, Prof. Collier wuxuu leeyahay, waxaa laga soo daldalan doonaa "wax u dhigma trillions oo dollars ah dalalkan."

Prof. Collier wuxuu kamid yahay dadka la sheego inay ugu sharaf badan yihiin dalka Ingriiska ee ku jira dabaqadda CBE, waana macalin dhiga maadada dhaqaalaha, ahna Maareeyaha Xarunta Cilmi-baadhista Dhaqaalaha Afrika ee Jaamacadda University of Oxford, wuxuuna xubin ka yahay St Antony's College waxaana kahelnay cabdiraxiin sacid xeele

garable.com
muxudin diini fiidow

POOLISKA DENMARK OO SHEEGAY INAY SOO BADANAYAAN SOOMAALIDA XIRIIRKA LA LEH AL-SHABAAB EE KU NOOL DALKAASI



Kaddib markii shaley maxkamad la soo taagay labo wiil oo walaalo ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay xiriir la lee yihiin Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, ayaa hey'adda ammaanka iyo kuwa sirdoonka dalkaasi waxa ay sheegayaan inay soo badananayaan dhallinta ku dhaqan dalkaas ee xiriir dhow la leh Al-Shabaab.
Madaxa hey'adda sirdoonka Denmark Jakob Scharf ayaa sheegay inta u dhaxeysay 25 ilaa 40 dhallinyaro oo ku soo tababartay Soomaaliya ama xiriir la leh Al-Shabaab inay joogaan dalka Denmark.

Wuxuu sheegay labo ka mid ah dhallinyaradaasi inay ku dhinteyn is-qarxin ka dhacay Muqdisho.

Labada wiil ee walaalaha ah ayaa ilaa hadda aan la shaacin magacyadooda, waxaana dalka Denmark ay ku noolaayeen 16-sano , waxaana ay heestaan dhalashada dalka Denmark.

Mid ka mid ah wiilasha oo da'diisu ay tahay 23- ayaa waxa la sheegay inuu ku soo tababartay xero ciidan oo Al-Shabaab ay leeyihiin oo ku taala Soomaaliya laga soo bilaabo 18-kii Febraayo ilaa 21, sida uu sheegay dacwad qaadaha Lone Damgaard waana qofkii ugu horeeyay ee dalka Denmark loogu maxkamadeeyo falal la xiriira arrimahan.

Waxa jira dhallin yaro badan oo ku biirtay Al-Shabaab kuwaas oo ay ku jiraan ajaaniib heesta khibrad kuwaas oo ka soo kala jeeda Ciraq, Afghanistan iyo Pakistan. waxaana ay ku biireyn Al-Qaeda horaantii sanadkan.

Mareykanka iyo Yurub waxa ay hadda ka cabsi qabaan dhallinyaro Soomaali soo galooti ah oo ay ka qorteyn Al-Shabaab gobalka Minnesota iyo qeybo ka mid ah dalka Britain, oo ku soo tababartay Soomaaliya inay ku soo laabtaan dalalkaasi si ay qaraxyo uga geestaan

garable.com
muxudin diini fiidow

Nin minddi isaga gooyay xubnihiisa taranka (Sawir)


Nin lagu magacaabo Pilirani Lazaro ayaa iska gooyay xubintiisa taranka dhamaanteed (Guskii iyo qoorihii) usbuucii lasoo dhaafay, waxay umuurtaasi ka dhacday dalka Mali.
Police-ka dalkaas ayaa xaqiijiyay in ninkaas la dhigay isbitaalka lagu magacaabo Kamuzu markii uu iska jaray xubintii oo dhan. Dhakhaatiirta dalkaas ayaa xaqiijiyay inaan lagu celin karin xubnihii uu ninkaasi iska jaray.
Markuu howshaas qabanayay wuxuu isku adeegsaday minddi af-badan, hadal ay Police-ku kasoo xigteen isagoo jiifa sariirta isbitaalka Kamuzu wuxuu yiri, “Waxaan dareemayaa xanuun jirkayga oo idil”.
In guska iyo qooraha la iska jaro ayaa kusoo badanaysa dalka Mali, sidaas waxaa tilmaamay afhayeenka police-ka gobolada dhexe ee dalka Mali John Namalenga.
Waxaa la caddeeyey inay xubnaha taranka iyo qaybo kale oo muhiim ah ay lacag badan ka joogaan dunida horumartay, halkaasoo looga fuliyo waxyaabaha sixirka. waxay kaloo boolisku sheegeen inay xirxireen rag kale oo damacsanaa inay xubintaas iska jaraan

garable.com
muxudin diini fiidow

Dowladda Masar oo sheegtay inay ku gacan seyrtay codsi ku saabsan Soomaaliya oo looga dalbaday

Dowladda dalka Masar ayaa sheegtay inay ku gacanseyrtay codsi loo soo jeediyey oo ku saabsan inay ciidamo u dirto Soomaaliya, iyadoo taas sabab uga dhigtay inaysan dooneynin in ciidamadeeda ay dhex geyso laba dhinac oo Muslim ah oo ay mid la safato, laakiinn taas bedelkeeda ay dooneyso inay Soomaaliya ka taageerto farsamada sida dhismaha ciidamada iyo tabaridda garsoorayaasha kala duwan.
Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar u qaabilsan qaaradda Afrika Muna Cumar ayaa sheegtay in loo soo jeediyey in ciidamo ka garab dagaalama kuwa dowladda KMG ay u diraan Soomaaliya, laakiin ay taasi diideen waayo ayey tiri suurtagal ma aha inay ka garab dagaalamaan ciidamada dowladda KMG oo muslim ah, isla markaasna ay la dagaalamaan kooxaha ka soo horjeeda oo iyagana muslim ah.
Muna Cumar waxay kaloo sheegtay in shirka Istanbul looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya si looga hortago fiditaanka burcad badeeda Soomaalida ah iyo qataraha ay ganacsiga ku keeni karaan iyo muhaajiriinta sharci la’aanta ku socda, waxayna intaasi ku dartay in kulamo gaar ah laga yeelan doono arrimaha hormarinta Soomaaliya, dib u dhiska dhaqaalaha, biyaha korantada iyo ka hotaga faqriga iyo sidoo kale qodobo asaasi u ah nabadda Soomaaliya.
Sidoo kale Muna Cumar waxay sheegtay in shirka looga hadli doono mushikiladaha heysta dowladda KMG, sameynta dastuurka iyo xilliga kala guurka, maadaama uu qorshuhu yahay in dowladdu xilligeeda uu dhamaado 20-ka bisha August ee soo socota, ka horna la dhiso hay’adihii dastuuriga ahaa ee howsha la wareegi lahaa, waxayna haweenaysaasi intaasi ku dartay in shirka ay ka soo qeybgalayaan xubno ka socda maamulada Somaliland iyo Puntland oo si gaar ah loo casuumay, laakiin taasi macnaheedu ma ahan ayey tiri inay Soomaaliya ka madaxbanaanyihi

garable.com
muxudin diini fiidow

MADAXWEYNE SHARIIF OO DIGNIIN CULUS U DIRAY CIIDAMADA DOWLADDA EE DHACA U GEESTA SHACABKA



Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan Ururka Al-Shabab ilaa ay ka saarayaan Soomaaliya meelaha ay ka joogaan.
Wuxuu tilmaamay in dowladda ay adkeeyn doonto maamulada ka jira dalka si Shabaab looga saaro guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale soo hadal qaday shirka ka dhacaya dalka Turkiga oo ay ka qeeyb galayaan dhamaan Madaxda Soomaalida wuxuu sheegay in Galmudug iyo Puntland ay meesha ka saaraan dareenka ay ka qabaan shirka islamarkaana ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in lagu xaliyo arrimahaasi.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in askari kasta oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed lagu Maxkamadeeyn doono goobta uu falkaasi dhibaatada ah ka geystay isaga oo sheegay in loo Maxkamadeeynayo qaab cadaalad ay ku dheehan tahay.

wuxuu sheegay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed in askarta looga baahan yahay inay sugaan ammaanka dada shacabka ah balse aan loo baahnayn inay dhac u geestaan Shacabka Soomaaliyeed

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Shacabka ay kusoo wargeliyaan hay,adaha ammaanka askarigii dhibaato u geesta si looga qaado talaabo adag oo ku qutunta midii uu geestay

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xilliga soo socda ay rajaynayaan inay ku guuleestaan in guud ahaan Ururka Al-shabaab ay ka saaraan dalka Soomaaliya islamarkaana dalka ay ka dhalato nabad buuxda.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hadalkan waxa uu ka jeediyay xilli maalintii shalay uu booqday Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose

garable.com
muxudin diini fiidow

KENYA OO SHEEGTAY QARAXII KA DHACAY NAIROBI IN AY FULIYEEN LABO DUMAR

 

Pooliska Kenya ayaa sheegay in qaraxii maalin ka hor ka dhacay caasimada Kenya ee Nairobi oo ay ku dhaawacmeyn 33-qof ay fuliyeen labo dumar ah kuwaas oo u kala dhashay wadamada Turkiga iyo Germalka.
Afhayeen u hadlay Pooliska Kenya ayaa sheegay in labadaas dumarka ay kaga soo galeyn dalka Kenya dhinaca Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa soo baxayay oo ku saabsan qaraxa ka dhacay Nairobi, iyadoo markii hore la sheegay inuu qaraxa ka dhashay koronto cilladowday, laakin Ra'iisal wasaaraha Kenya wuxuu sheegay in uu falkaas ahaa mid argagixiso ah.

Qaraxii ayaa waxa uu ka dhacay Nairobi isniintii gaar ahaan wadada Moi Avenue oo ah mid mashquul ah.

War uu soo saaray Talaadadii shaley Afhayeenka Pooliska Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay qaraxa in uu ahaa mid casri ah, kuwaas oo ay wateyn dad ka soo galay Kenya soohdinta Magaalada Gaarisa.

Kenya ayaa ciidamo u soo dirtay Soomaaliya Bishii October sanadkii hore, markaas wixii ka dambeeyana waxa Kenya ay wajaheysay qaraxyo iyo dilal ay geesanayaan kooxo aan heybtooda lagaraneynin, balse Kenya ay sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Horaantii sanadkan, Midowga Africa waxa ay sheegeyn in la taageeri doono dowladda KMG ah, iyagoona ciidamada AMISOM oo ahaa markii hore 12,000 oo askari hadda lagaarsiiyay 18,000 waxaana ku jira ciidamada Kenya oo hadda ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

garable.com
muxudin diini fiidow

QARAX KHASAARE GEESTAY OO KA DHACAY WAQOOYIGA GAALKACYO



Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug qarax ayaa waxa uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay wariyaheena garable.com Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso taasi oo lagu aasay xaafada Garsoor ee dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay intaa raacinayaan in ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay isku dayeen inay ka saaraan goobta miinada lagu aasay hayeeshe ay la qaraxday.

Inta laga warqabo saddex ka tirsan ciidamada Maamulka Puntland qeeybta waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa ku geeriyoodeen halka lix kamid ah ciidamadaasi ay ku dhaawacmeen.

Ka hor inta uusan qaraxa dhicin ayaa la sheegay in kooxihii goobta ku aasayay qaraxa oo gaaraya ilaa labo ruux ay israsaaseen dhexmartay waardiyaal goob ganacsi ilaalinayay halkaasina uu ku geeriyooday mid kamid ah kooxihii aasayay miinada.

Maamulka Puntland ee dhanka waqooyiga gaalkacyo oo aan la xiriirnay ayaan inoo suura galin si aan wax uga weeydiino qaraxa dhacay.

Qaraxa ayaa wuxuu dhacay aroornimadii saaka iyadoo kooxihii aasayay mid kamid ah xalay la toogtay xilliga ay ku howlanaayeen aasida waxyaabaha qarxa

garable.com
muxudin diini fiidow