Wednesday, 30 May 2012

QARAX KHASAARE GEESTAY OO KA DHACAY WAQOOYIGA GAALKACYO



Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug qarax ayaa waxa uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay wariyaheena garable.com Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso taasi oo lagu aasay xaafada Garsoor ee dhanka Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay intaa raacinayaan in ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay isku dayeen inay ka saaraan goobta miinada lagu aasay hayeeshe ay la qaraxday.

Inta laga warqabo saddex ka tirsan ciidamada Maamulka Puntland qeeybta waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa ku geeriyoodeen halka lix kamid ah ciidamadaasi ay ku dhaawacmeen.

Ka hor inta uusan qaraxa dhicin ayaa la sheegay in kooxihii goobta ku aasayay qaraxa oo gaaraya ilaa labo ruux ay israsaaseen dhexmartay waardiyaal goob ganacsi ilaalinayay halkaasina uu ku geeriyooday mid kamid ah kooxihii aasayay miinada.

Maamulka Puntland ee dhanka waqooyiga gaalkacyo oo aan la xiriirnay ayaan inoo suura galin si aan wax uga weeydiino qaraxa dhacay.

Qaraxa ayaa wuxuu dhacay aroornimadii saaka iyadoo kooxihii aasayay mid kamid ah xalay la toogtay xilliga ay ku howlanaayeen aasida waxyaabaha qarxa

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment