Wednesday, 23 May 2012

Haamo sumaysan oo lagu arkay Xeebta Liido

Maamulka Degmada C/casiis ee dowladda ayaa sheegay inay ku qabteen Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho rag waday Haamo sumaysan.

Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa Subaxnimadii hore ee Saaka lagu arkay ilaa 4 Haamood oo la sheegay in ay sumaysan yihiin, waxaana Maamulka Degmada C/casiis iyo Taliska Booliska qeybta Barri ay Saxaafadda usoo bandhigeen Haamahaasi sumaysan.
Gudoomiyaha Degmada C/caiis C/laahi Xuseen Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Degmada iyaga oo roondeynaya ay ku arkeen Haamahaasi iyo Rag waday Xeebta Liido, waxaana uu sheegay in Raggaasi 2 ka mid ah ay Gacanta ku dhigeen..
General Garaad Nuur oo ah Taliyaha Booliska qeybta Bartamaha oo isna hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay Maxkamad soo taagayaan labadaani Ruux ee lagu qabtay Haamanka sumeysan , isagoo uga digay dadka inay ka fogaadaan Goobaha ay Hamankaasi yaalaan ee Xeebta Liido.
Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ah Xeebta ugu badan ee loo Dabaal tago marka loo eego Xeebaha kale ee magaalada Muqdisho, waxaana ilaa hadda aan la ogayn Ujeedka dadka la qabtay ay ka lahaayeen Haamankaasi sumaysan inay dhigaan Xeebta Liido
garable.com
muxudin diini fiidow

gabadh toogatay nin ganacsada kunadishay baydhabo


Waxaa goor dhawayd  dhacday dhacdo ad ugucusub  somalia dhacdadaso kadhacday Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, 
Gabadh dhalinyaro ah oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay nin ganacsade ahaa ay ku toogatay goor dhawayd Suuqa Sarifka ee Magaalada Baydhabo, iyadoo dhawr xabadood kala dhacday madaxa iyo feedhaha.
Gabadhaan oo la-xaqiijiyay inay ka tirsaneyd Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay dilka ninkaasi ay u adeegsatay bistoolad, waxayna la-dhacday ilaa shan xabadood, oo ay intoodu badan uga dhufatay madaxa.
Gabadhan oo ay korka kala socdeen dhalinyaro kale oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay durbaba ay ka wada baxsadeen Suuqa Sarifka, oo ay ku toogatay ninkan ganacsadaha ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariisto Cabdi Iidow oo ku magac-dheeraa “Cabdi Kaar”.
Cabdi Kaar ayaa wuxuu ka mid ahaa Ganacsatada Dahabka ee Magaalada Baydhabo, laakiin waxaa la-toogtay xilli uu dhex maraayay Suuqa Sarifka ee Magaalada Baydhabo, isla-markaana Ciidamadda Dowladda oo goobtaasi soo gaaray ayaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhiggaan gabadhii dilka geysatay iyo dambiilayaashii kale, ee falkaasi ku wehlinaayay.
Ciidamadda Dowladda ayaa waxay shalay gacanta ku dhiggeen gabadh dhalinyaro ah, oo joog ku sidatay laba bastooladood, iyadoo la-sheegay inay u siday dhalinyaro ka tirsan Al Shabaab, waxayna xilligaan ay ku xidhan tahay Saldhigga Booliska ee Magaalada Baydhabo, iyadoona ay ku soconayaan baaritaano.
Dhacdadaan ayaa waxay fajac ku noqotay shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, waana markii ugu horeysay oo la-arko gabadh ka tirsan Al Shabaab, oo si toos ah dil u fullineysa, marka laga soo taggo inay isqarxisay
garable.com
muxudin diini fiidow

SHIRKA SAXIIXAYAASHA ROADMAP-KA OO LA SOO GABA GABEEYAY IYO GO,AANO KASOO BAXAY



Shirkii dhinacyada saxiixayaasha habraaca marxalada kala guurka ee Road-mapka oo saddexdii cisho ee lasoo dhaafay ka socday dalka itoobiya ayaa lasoo gabagabeeyay iyadoona gabagabadii shirkaasi ay ka soo baxeen go,aan ay isku raaceen dhinacydaasi


-In 26ka May ay soo gebagebeeyaan howshooda dhexdhexaadinta gudi loo xilsaaray xalinta odayaal dhaqameedyada soo xulaya ergada ansixin doonta Dastuurka islamarkaana soo xuli doonta Baarlamaanka Cusub.
-In 1da June lasoo gebagebeeyo howlaha lagusoo xulayo gudiga Ansixinta Dastuurka iyo soo Xulida Baarlamaanka Cusub ee uu dalku yeelanayo.
-in ugu dambeyn 20ka bisha June la helo oo lasoo gudbiyo magacyadii ugu dambeeyey ee Golaha Ansixinta ayadoo loosoo gudbinayo gudiga Farsamada.
-In 30ka bisha June ay magaalada Muqdisho xaadir ku ahaadaan golaha Ansixinta.
-In 2Jully ay si rasmi ah howshooda u bilaabaan gudiga Ansixinta iyo shirarkooda.
-in 10ka Jully la ansixiyo Dastuurka.
-in 15ka Jully gudiga loosoo gudbiyo ugu dambeyn magacyada xubnaha cusub ee Baarlamaanka soo geli doona.
-in 20ka Jully la dhaariyo Baarlamaanka Cusub.
-In 04ta bisha August 2012 la qabto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeennadiisa.
-In 20ka August 2012 la qabto doorashada Madaxweynaha Dalka.
-In Wadashaqeyn joogta ah ay yeeshaan saxiixayaasha Road-Mapka ilaa inta lagasoo dhameystirayo howshan.
Daawo Sawiradda











 

Aqriso oo la soco garable.com  muxudin diini fiidow

Afgooye oo hada laqabsan rabo oo 4 km loo jiro

Gawaarida dagaalka ee AMISOM oo ku sugan jiidda hore /Bar-kulan
Taliska ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta sheegay in ay 4 KM oo keliya u jiraan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.
Afhayeenka ciidamada AMISOM, Paddy Akunda oo wareysi gaar ah siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku dhowaadeen degmada Afgooye, isla markaana ay guulo ka gaareen howlgalka ay maalintii labaad ka wadaan inta dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Paddy Akunda ayaa xaqiijiyay in  dagaalka lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, lana gubay 2 gaari oo ah nuuca ay Soomaalidu u taqaano tiknikada, sidoo kalena ay qabsadeen baabuur uu watay horjoogaha ay dileen.
Afhayeenka ayaa sheegay in qorshaha ciidankooda ee ku aaddan degmada Afgooye iyo deegaannada lagu barakacay uu yahay xaqiijinta ammaanka, wuxuuna maleeshiyada Al-Shabaab u soo jeediyay in ay isa soo dhiibaan inta ay goori goor tahay.
Paddy Akunda ayaa tilmaamay in ay sii wedi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka gaarayaan degmada Afgooye oo uu hadafkoodu yahay
garable.com
muxudin diini fiidow

KAALIN SHIDAAL OO BURBURKII DOWLADII DHEXE KADIB MAANTA LAGA HERGALIYAY MAGAALADA MUQDISHO



Markii ugu horaysay tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho laga hergilyay kaalin shidaal.

Kaalintan shidaalka ayaa maanta waxaa dhagax dhigay wasiirka macdanta patroolka tamarta xukuumadda KMG Soomaaliya.

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Degmada waaberi Axmed Mayre Makaraan kaasi oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay markii ugu horaysay in Degmada Waaberi laga hergilyo kaalin shidaal tan iyo markii dowladii dhexe ee dalka ay ka baxday meesha.

Wuxuu sheegay in uu aad ugu mahad celinayo shirkadda Maxfuud iyo wasaaradda Macdanta iyo biyaha oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaateen in Degmada Waaberi laga furo kaalinta shidaalka.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka Macdanta Biyaha iyo Patroolka xukuumadda KMG Soomaaliya C/Qaadir Maxamed Dhicisoow kaasi oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in 20-sano kaddib Muqdisho laga furo kaalin shidaal islamarkaana sida uu sheegay ay nasiib u yeelatay Degmada waaberi gudaheeda in laga furo

Wuxuu sidoo kale sheegay wasiirka macdanta Biyaha iyo Patroolka xukuumadda KMG Soomaaliya in uu digniin u jeedinayo shirkaddo uu sheegay in ay xiriir lasoo sameeyeen wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Batroolka oo uu tilmaamay in ay lasoo xireereen wasaaradda islamarkaan ay heshiis la galeen isaga oo sheegay in muddo 30- cisho ah ay fursad u heestaan isdiwaan gelinta.

Waa markii ugu horeeysay oo magaalada Muqdisho tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee dalka laga hergilayo kaalin shidaal
garable.com
muxudin diini fiidow

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalka Maraykanka Oo ka gaabsaday Inuu La Kulmo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Wakiilkiisa Washington



Shir uu Wakiilka Xukuumadda Somaliland u fadhiya magaalada Washington ugu iclaamiyey dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan waqooyiga Amerika oo ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Washington Dc ee xarunta dalka maraykanka ayaa fashilmay ka dib markii dadkii lagu martiqaaday ee la filaayey inay shirka ka soo qayb gallaan ay shirka iman waayeen
Iyadoo hoolkii loo diyaariyey inuu shirkaasi ka dhacana ay keliya yimaadeen dhawr qof oo u badnaa siyaasiyiin ka yimid Hargeysa iyo dhawr qof oo kale oo fara-ku tiris ah oo ka yimid gudaha dalka maraykanka.
Wakiilka Somaliland ee magaalada Washington Rashiid Gaaruf iyo xubno dhawr qof ka koobna oo u ololaynayey shirkani muddo sannad ku dhaw ayaa la sheegaya sababaha uu u fashilmay inay ugu weyntahay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka maraykanka gaar ahaana Washington DC oo aan habayaraatee wada-shaqayn la lahayn Wakiilka Rashiid Gaaruf iyagoo ku sababeeyey inaanu ahayn qof daacad ka ah hawlaha Somaliland isla markaana ka horumariya danno shakhsiyadeed.
Xubno ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Washington oo Halbeegnews kula xidhiidhay khadka telefoonka ayaa sheegay in wakiilku uu doonaayey in shirkani loo qabto qaabkii Ururkii SOPRI ee ilaahay ha u naxariistee Mujaahid Siciid Maygaag Samatar uu u qaban jiray shirarkii ay kumanaanka jaaliyadaha waqooyiga Amerika ka soo qayb geli jireen, balse ayey yidhaahdeen xubnahaasi uu Wakiilku ku fashilmay in iska dhaaf shir uu qabto eh uu tahli kari waayey inuu ka shaqeeyo arrimahii aas aasiga ahaa sida isku xidhka Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Washington oo keliya.
Arrimaha fashiliyey shirkani ayaa waxaa ugu weyna ka dib markii uu Wakiilka Siilaanyo ee magaalada Washington Rashiid Gaaruf uu ka hor istaagay Jaaliyadda Somaliland ee dalka maraykanku inay banaanbax ka hor sameeyaan xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka taasi oo niyad jabiysay, arrinta labaad ee shirkani fashilisay ayaa ka mid ah iyadoo lacag aad u badan lagu xidhay ka soo qayb galkeeda taasi oo uu doonaayey in Wakiilku uu jeebadda danbe ku shubto, iyadoo jaaliyadaha Somaliland ee waqooyiga Amerika ku gacan saydhay.
Dhinaca kalana Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika Ambassador Johnnie Carson ayaa diiday inuu kulan fool ka fool ah la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu wehelinayo wakiilkiisa Rashiid Gaaruf, isagoo Mr. Carson taasi bedelkeedana sheegay in haddii ay doonayaan inay ka hadlaan arrimo ay u gudbiyaan xoghayntiisa gaarka ah, sida qof xogogaal ahi Halbeegnews u sheegay qoraal codsi kulan ah oo Wasiirka iyo Wakiilkiisu u gudbiyeen Mr.Carson ayuu Mr. Carson kaga soo jawaabay inay qoraal ahaan ku soo gudbiyaan, isagoo ka raali geliyey inaanu wakhti u haynin isagoo ku mashquulsan arrimo kale, arrintani ayaa tusaale u ah fashilka ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo hore ay kaaliyahii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka Jendey Fraizer ay Hargeysa cagaheeda ku timid, wakhtigaasi oo xidhiidhka Somaliland iyo Washington uu cirka gaadhay
garable.com
muxudin diini fiidow

AL-SHABAAB OO BILAABAY INAY ISAGA BAXAAN CEELASHA BIYAHA IYO DAREEN CABSI OO KA JIRA DEEGAANKAASI



Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka dhanka koonfureed ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xaalad cabsi ah.

Dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxa ay sheegeen in xaalad cabsi ah ay hada ka taagan tahay deegaankaasi taasi oo ay muujinayaan dadka ku nool deegaankaasi.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in ciidamadii Ururka Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka ceelasha biyaha ay isaga baxeen halkaasi kuwaasi oo u jiheestay dhanka Degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dhamaan goobihii ay ka joogeen Al-Shabaab deegaanka Ceelasha Biyaha ay isaga baxeen iyagoo wata gaadiid kala duwan.

Arrintani ayaa ka dambeeysay ka gadaal markii dagaal xoogan ay shalay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda Sooomaaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo ay ku sheegeen inay ku doonayaan in ay la wareegaan gacan ku haynta degmada afgooye ee gobalka shabeelada hoose uu ka dhacay deegaano ku dhaw ceelasha biyaha.

Tan iyo markii laga saaray Ururka Al-Shabaab Magaalada Muqdisho ayaa waxaa meesha ka baxay awoodii ciidan iyo dagaal oo ay lahaayeen intaba

garable.com
muxudin diini fiidow

QARAX MIINO OO CIIDAMADA ITOBIYAAN AH LAGULA BEEGSADAY MAGAALADA CEEL BUUR OO KHASAARO KA DHASHAYO

Maanta waxaa gudaha magaalada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud qarax aad u xoogan lagula beegsadey ciidamo itoobiyaan oo saarnaa gaari nooca uuraalka soomaalidu u taqaano,waxaana qaraxaasi sababay qasaare ciidamada itoobiya soo gaarey. Qaraxan ayaa la xaqiijiyey inuu ahaa nooca dhulka la geliyo isla markaasna meelaha fog fog laga hago,waxaana qaraxaasi lala beegsaday gaari ciidamada itoobiya lahayeen oo sida la sheegey biyo u soo doonay ciidamo kale oo ku sugan duleedka magaalada. Goob jooge ku sugan gudaha magaalada Ceel-buur ayaa warbaahinta Kismaayo24 u xaqiijiyey in qaraxaasi ahaa mid aad u culus isla markaasna lala beegsadey gaari Uraal ah,waxaana la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen askar ciidamo itoobiyaan ahi. 3 askari oo ka tirsan ciidamada itoobiya ayaa la sheegey in waxyeelo ka soo gaartey,waxaana markii qaraxa lala beegsaday sidoo kale ciidamada itoobiya bilaabeen inay rasaas furaan taasi oo dhaawac ka soo gaarey 2 ruux oo shacab ah. Gebagabadii waxaa halkaasi hawlgallo baaritaano ah ka wada Ciidamada Itoobiya oo gacan buuxa ka helaya kuwa Ahlusuna waljameeca,waxaana la sheegayaa inay dhawr ruux u soo qabqabteen qaraxaasi walow aan cadayn rasmi ah lagu hayn dadkaasi
garable.com
muxudin diini fiidow

QM oo Rajo wanaagsan ka muujisay Xalaada Isbedel ee Dalka Somaliya


23.May.2012:-  Qaramada Midoobay ayaa siwayn u amaantay howlaha iyo dadaalada Nabadeed ee ay wadaan masuuliyiinta Ugu saraysa Dawlada Kmg,waxa ayna ugu baaqday inay sii laba jibaaraan.
Wakiilka Qarmada Midoobay u Qaabilsan Arimaha Somaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa sheegay in ay siwayn ula dhacsanyihiin sida ay haatan wax u socdaan waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in Muddo dheer ka dib Somaliya uu isbedel Nabadeed ka hana qaadi karo.
Dr. Augustine Mahiga ayaa intaasi raaciyay in Qaramada Midoobay ay sii laba laabayso dadaalada iyo taagerada ay siinayso Dawlada Iyo shacabka Soomaaliyeed,iyana looga baahanyahay in taasi ay ka faa’idaystaan.
Mahiga ayaa sheegay in shirka Arimaha Somaliya looga hadlaayo ee ka soconaya Adis Ababa uu u socdo qaab wanaagsan madaxda somalida ee ka qayb galaysana ay xil kasnimo muujinayaan.
“Masuuliyiinta  Soomaalida waxa aan ku amaanayaa sida ay dalka ugu horseedeen Hormar uusan gaarin mudadii 20-ka sanno ee la soo dhaafay, sidoo kale Soomaaliya waxaan ka rajeynayaa in uu ka dhaco isbedelkii ay wada sugayeen shacabka Soomaaliyeed ee nabadda iyo dowldnimada u baahan”ayuu shaaciyay Mahiga.
Augustine Mahiga ayaa intaasi raaciyay in Caalamka oo idil uu siwayn indhaha ugu hayo arimaha Somlaiya islamarkaana ay la dhacsanyihiin Hormarka dhanka Nabada ee la sameeyay.

garable.com
muxudin diini fiidow

Ciidamada amisom oo goor dhawayd aag kale oo Dagaal ka furay agagaarka Xoosh iyo deegaanka Kaxda ee duleedka degmada Dharkeenley.


Ciidamada amisom ayaa markale aag kale oo dagaal ka furay meel ka baxsan degmada dayniile oo shabaab shalay Dagaalkii ay la galeen guulo ka soo haoyeen.
Saakay barqadii waa Markale Hugunka Madaafiicda iyo Rasaasta is qabsaday agagaarka Xoosh iyo deegaanka Kaxda ee duleedka degmada Dharkeenley.
amisom ayaa rabta in shabaab ay ku Jahwareeriyaan aag kale oo Dagaal kadib markii shalay ay ku waabariisteen dhabarka Danbe ee garoonka dayniile, ayaga oo u talaabay meel u muuqata Deegaanada loo barakacay.
Sidoo kale Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay qorshahoodu yahay in ay Culayska saaraan shabaab gaar ahaan deegaanka KM13 oo dhinaca Kaxda ka galaan, kadib markii shalay ay gaareen dhanka Garasbaaley.
wax Dagaal ah kama socdaan wadada laamiga waxaana hakad ku jira isu socodka dadka iyo gaadiidka ee isaga kala gooshayay deegaanada u dhaxeeya Afgooye iyo Muqdisho.
dagaalka ayaa ah mid cusub oo Qarxay saacad ka hor, lamina ogaan karo u jeedada Dagaalka sida aay sheegeen saraakiisha Ciidamada Dowlada KMG oo goor dhawayd la hadlay

garable.com
muxudin diini fiidow

Saraakiisha shabaab oo ka Cararay Duleedka Muqdisho kadib markii diyaarado ay ka cabsadeen in ay duqeeyaan


Saraakiisha shabaab sida fu’aad shongole, Xasan daahir, Cali dheere, Gudoomiyaha Gobolka banaadir shabaab, sheikh Xuseen Fiidow iyo saraakiil kale ayaa la sheegay in ay ka huleeleen Duleedka Muqdisho.
Wararka ayaa sheegayo in saraakiishan ay ka baxeen Magaalada Muqdisho daafaheeda kadib markii ay soo wajahday cabsi ku aadan Diyaarado la sheegay in shalay ku dageen Garoonka Dayniile ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Diyaaradahan ayaa la sheegay in laga yaabo in ay Duqayn u gaystaan Duleedka Muqdisho gaar ahaa farsiimo la sheegay in ay daganyihiin saraakiisha shabaab ee ka baxay Duleedka Muqdisho.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in idaacada shabaab taageeri jirtay ee andulus ay hawada ka maqan tahay saakay, taasi oo aan la ogayn u jeedada ka dan baysa arintaas

garable.com
muxudin diini fiidow

ANDREW GUTTI: " SHACABKA KU NOOL AFGOOYE IYO CEELASHA BIYAHA HA IS DAJIYAAN



Andrew Gutti taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shacabka ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye looga baahan yahay in ay isdajiyaan.

Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in dadka ku nool deeganada Afgooye iyo Ceelasha Biyaha aysan muujin dareen cabsi leh islamarkaana dhaqdhaqaaqyada ciidan ee jira aysan ka baqan.

Andrew Gutti Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa tilmaamay in dagaalka ay qaadeen uu ahaa mid taxadar leh islaamarkaana ay iska ilaalinayaan inay dhibaato soo gaarto dadka Shacabka ee ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Andrew Gutti ayaa tilmaamay inay dagaalamayaan kaliya marka ay soo weeraraan ciidamada Ururka Al-shabaab islamarkaana ay iska difaacayaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shalay dagaal xoogan waxa
garable.com
muxudin diini fiidow

XUKUUMADA KMGS OO SHEEGTAY IN DAGAALKA DOWLADA IYO AMISOM AY WADAAN UU U GUDBAY GOBALADA SHABEELOOYINKA



Wasiirka ganacsiga xukuumadda KMG Soomaaliya ahna Ra’iisul wasaare ku xigeen C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa sheegay in dagaalka ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku jiraan uu u gudbay dhanka gobalada shabeelooyinka.

C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa tilmaamay in dagaalka Muqdisho laga gudbay isaga oo sheegay in Muqdisho ay iminka tahay mid nabad ah islamarkaana dagaalka shabaab lagula jiro uu u wareegay dhanka gobalada Shabeelooyinka.

Wasiirka Ganacsiga xukuumadda KMG Soomaaliya ahna Ra’iisul wasaare ku xigeen C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa sheegay in rajada shacabka Soomaaliyeed ay soo noqotay islamarkaana dadka ay dareemeen dowladnimo iyo qiimaha ay leedahay.

Wuxuu tilmaamay in gobalo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya ay ka xureeyeen Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka dowladda iyo AMISOM ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab ayaa iminka waxa uu u wareegay dhanka gobalada

garable.com
muxudin diini fiidow