Monday, 25 June 2012

Masar oo madaxweyne cusub yeelatay


Qahiro-garable:com Waxaa   magaalada Qaahiro ee dalka Masar looga dhawaaqay natiijada doorashada dalkaasi oo shacabka dalkaasi ay dhagaha u tagaayeen cidda sida rasmiga ah u noqon doonto Madaxweynaha dalkaasi.
Guddigga doorashada Madaxtinimada dalka Masar ayaa  ku dhawaaqay doorashada dalka Masar kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen dhismo ka akdhaw  fagaaraha Xuriyadda ee dalkaasi.
Mohamed Morsi oo ah xubin ka soo jeeda xisbiga Ikhwaanul Muslimiin ee dalkaasi ayaa ka guuleystay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Masar Axmed Shafiq.
Madaxweynaha Cusub ee dalka Masaru u yeeshay Maxamed Merci ayaa guddigga doorashada waxa ay sheegeen inuu helay 57.73% halka Ra’iisul wasaarihii horena uu ka helay 48.27 waxaana fagaaraha Taxriir ku sugnaa kumanaan dadweynaha Masar oo dhagaha u taagayey natiijada doorashada.
Fagaaraha Taxriir ayaa waxaa ka soconaya fantisyo xooggan oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee dalka Masar Maxamed Merci

garable.com
muxudin diini fiidow

Weerar khasaare geystay oo Xalay- lagu qaaday dalka Kenya iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mombasa ee xarunta labaad ee dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in xalay uu ka dhacay qarax khasaare kala duwan geystay, gaar ahaan qarax bam oo lagu weeraray goob maqaaxi ah oo lagu caweeyo.
Sida warku sheegayo goobtaasi ayaa waxaa lagu weeraray bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro, waxaana ku dhintay inta la ogyahay hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, kuwaas oo la sheegay in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.
Qaraxan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay dowladda Mareykanka ka digtay in weerar argagixisonimo ay ku foolleeyihiin magaalada Mombasa, lamana oga in qaraxaasi uu xiriir la leeyahay qaraxa ay ka digtay dowladda Mareykanka, sidoo kalane ma jirto cid sheegatay qaraxaasi inay iyadu ka dambeysay

garable.com
muxudin diini fiidow

Saraakiil iyo ciidamo Mareyanka oo si qarsoodi ah uga soo degay gaeroonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, baarayana

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo boqolaal gaaraya iyo 18-sarkaal oo la socotay una dhashay dalka Mareykanka ayaa si qarsoodi ah uga soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay Muqdisho u yimaadeen inay ka fulliyaan howllo gaar lagu sheegay.
Sida u baahiyey Taleefishinka dalka Iiraan ee Press illaa  390-askari oo Mareykan ah ay ku jiraan 18-Sargaal ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaas oo la geeyay xero qarsoodi ah oo ku taala agagaarka Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan xeradii hore ee Xalane oo ah fariisinka ugu weyn ee ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada AMISOM ee gacanta siinaya dowladda KMG.
Sida tv-gu sheegay ciidamadan ayaa la sheegay inay tababar gaar ah siin doonaan ciidamo Soomaali ah oo qabanaya howlaha sirdoonnimada, sidoo kale waxaa la sheegay in saraakiisha Mareykanka ah ee tiradooda lagu sheegay 18-ka ay kulamo la qaadann doonaan saraakiishii ka soo goosatay Xarakada Al-shabaab ee ku biirtay dowladda KMG, kuwaas oo ay su’aalo dhowr ah ay weydiin doonaan, waxaana la sheegay in su’aalahaasi badankood ay ku sabaabsanyihiin sida ay u howlgalaan Xarakada Al-shabaab.
Sarkaal u hadlay dowladda KMG oo wareysi siiyey TV-ga Press ayaa sheegay inay saxtahay ciidamada Mareykanka iyo saraakiisha la socota ee soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna sarkaalku intaasi ku daray inay kulamo kala duwan la qaateen saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, inkastoo uusan sheegin waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wadahadleen dhinacyada iyo saraakiisha Mareykanka ah ee uu sheegay inay Muqdisho soo gaareen.
Ma jirto wax war ah oo arrintan ku saabsan dowladda Mareykanka iyo dowladda KMG iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada AMISOM oo warkan rumeynaya amaba beeninaya, inkastoo ay dowladda Mareykanka lug ku leedahay arrimaha siyaasadda Soomaaliya, isla markaasna ay taageero meleteri ay siido dowladda KMG iyo maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, duqeymo dhinaca cirka ahna ka geysata gobolada dalka Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow

GUDDIGA DASTUURKA OO XUKUUMADDA IYO WADDAMADA BEESHA CAALAMKA EEDEEYEY

 

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka madaxa banaan ee Soomaaliya Prof:C/laahi Xasan Jaamac oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inay si weyn u ga shaqeeyeen dastuurka qabyo qoraalka dalka islamarkaana ay diyaar u yihiin inay bulshada Soomaaliyeed u bandhigaan.

Prof:C/laahi Xasan jaamac ayaa ku eedeeyay wadamada caalamka iyo xukuumadda KMG Soomaaliya inay ka gaabiyeen howlaha lagu dhameestirayo dastuurka qabyo qoraalka dalka Soomaaliya

Guddoomiyha guddiga dastuurka madaxa banaan ee dalka ayaa waxa uu tilmaamay in iyaga oo doonaya in dastuurka ay usoo bandhigaan odayaasha dhaqanka iyo culumaa,udiinka Soomaaliyed in madaxda dowladda ay kusoo wargeliyeen inay hakad galiyaan howshaasi iyaguna ay ugudbiyeen odayaasha dhaqanka.

Ugu dambeyn Prof:C/laahi Xasan Jaamac ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashaadan midnimadooda iyo jiritaankooda taariiqiga ah islamarkaana ay joojiyaan khilaafaadyada tirada badan oo aan loo baahnayn ayna ku midoobaan dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya.

Guddiga dastuurka madaxa banaan ayaa shaaciyay in dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka loo gacan geliyay guddi farsamo oo lagu soo dhisay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethoipia

garable.com
muxudin diini fiidow