Sunday, 27 May 2012

Tirada gabdhaha aan qaan-gaadhin ee dhowrka mar caruurta iska soo ridaya oo ku sii badaneysa Ingriiska


London, 26-May-2012 - Waxaa dalka Ingriiska ku sii badaneysa tirada gabdhaha yaryar ee aan qaan-gaadhin ee dhowrka mar iska soo ridaya caruurta, waa sida lagu ogaaday daraasad la sameeyey dhawaan oo la soo bandhigay.

Sida lagu sheegay Daily Mail, todobadi gabdhood ee iska soo ridaya caruur waxaa ku jirta mid horrey caruur isaga soo riday dhowr jeer, waxaana la ogaaday inay jiraan qaar iska soo riday caruur illaa siddeed jeer.

Sanadkan 2012, gabdho ay tiradoodu tahay 38,269 oo ku kala nool England iyo Wales oo isku dayaya inay ilmaha iska soo ridaan ayaa la ogaaday inay 5,300 kamid ah horrey isaga soo rideen caruur.

Ingriiska uun kuma koobno mishaakilka iska soo rididda caruurta, arrintan waxaa kale oo ay ka jirtaa dalal badan oo reer galbeed ah, kuwaasoo uu kamid yahay dalka Mareykanka. Inta la ogyahay, Mareykanka waxaa sanad kasta caruur iska soo ridda dumar ka badan 1.21 milyan. Dumarkan iska soo ridaya caruurta ee ku nool Mareykanka ayaan 84.3 boqolkiiba la qabin.

Jaaliyaadka Soomaalida ee ku nool dalalkan ayey iyaga naftooda saameysay dhibaatadan, waxeyna dhaqaatiirta ka howlgasha gobollada ay Soomaalida aadka u deggan tahay sheegayaan inay jiraan gabdho, iyo waliba dumar waaweyn oo horrey u soo guursaday, balse aan hadda la qabin, oo caruur iska soo ridaya.


garable.com                                                      

Dhuuqmada Bishinta Midda Uga Macaan Oo Ah

Hadalka naxariista iyo sheekada ham hamta (Sheekada Macaan) ayaa ah talaabada ugu horeeysa ee weerarka galmada , waxaana la tilmaamay xitaa xaaska mudda dheer la qabo marka sheekada macaan ee xod-xodashada maqasho in ay jiriricooto.

Dhuuqmada waxaa loola jeeda in labada bishimood ee afka ninka ay ku lismaan xaaskiisa , waxa ayna labada dhinac dareemaan raaxo macaan.
Dhuuqmada waxaa ugu macaan in labada raaxeysanaya midba mid kale hal bishin ka dhuuqo tusaale in ninka dhuuqo bishinta hoose ee haweeneyda halka iyana ay jaqeyso midda sareeysa.
Waxaa xusid mudan in dhuuqmada ay dhowr nooc kala leedahay waxaana ugu macaan midda sida aayarka la isku daliigo iyadoo la isku xan-xanteeynayo.
Ragga ayaa lagula talinayaa in ay ogaadaan in haweenki jecel yihiin dhuuqmada in bishinta hoose si macaan looga nuugo iyadoo gaarta in ay soo buurato markaasna si yar ilkaha ugu riixaya , waxaana la doonaya in uu uga jaqo sida in uu malab dhuuqayo oo kale .
Ibta Naaska.
Haweenka kacsi waali ah ayay ka qaadaan iyo istiin macaan marka si toos looga nuugo ibta naaska iyadoo si khafiif ah uga qaniinaya.
Dhunkashada Calaacasha gacanta Iyo Xagasha Lugta Oo Haweenka Istiin Ka Helaan
Calaacasha oo laga dhunkado iyo xagashe hoose lugta haweenka raaxo macaan ayay ka helaan , waxaa kale oo jira haween in laga dhunkado indhaha iyo qoorta hoosteeda ku kacsada

Waa Magaalo Nuucee ah Magaalada Afgoye”Muhiimada Uleedahay Dowlada”Warbixin


Degmada Afgooye waxa ay 30 Km dhinaca Waqooyiga Galbeed kaga beegantahay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho,waana mid kamid ah Magaalooyinka ama Degmooyinka ugu waaweyne 7 Degmo ee uu ka koobanyahay Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Dalka Soomaaliya.
Afgooye waa Magaalo Istiraatiiji ah oo ay maraan Wadooyin badan, waxaana ay xiriirisaa magaalada Muqdisho iyo Gobalada kala ah Jubooyinka, Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool oo ah dhamaantoodba Gobolo gacan ku heyntooda uu hadda loolan Militeri ka jiro oo Qofkii maamulaana ay u fududeyneyso in meelo badan ay gacantiisa soo gasho
Sidoo kale Degmada Afgooye waxa ay Xudun u tahay Gobalka Shabeelaha Hoose oo kamid ah Gobalada ugu Kheyraadka badan marka laga hadlayo dhinaca wax soo saarka Beeraha dalka Soomaaliya,waxaana dhexmara Webiga Shabelle.
Taariikha ahaan.
Degmada Afgooye waxa ay kamid ahayd Magaalooyinkii qeybta ka ahaa Dhulkii uu gumeystay Taliyaaniga ee la oran jiray Somali Italiano 1908, Qarnigii 19-aad.
Afgooye waxa ay ahayd 1980, magaalo ay maalgashi ku samayn jireen Wadamada Khaliijka,maadaama magaalada ay caan ku ahayd wax soo saarka Dalaga Muuska.
1980-kii, Bishi Ramadaan, Afgooye waxaa booqday Boqorkii ka talin jiray dalka Kuwait, si dalkiisa maalgashi ugu sameeyo magaaladaasi.
Maamulo kala duwan ayaa soo maray Afgooye tan iyo Burburkii dalka soo maray,waxaana ugu danbeeyay Kooxda Al shabab oo in ka badan 3-sano soo maamulaysay, balse Maalin kahor laga saaray.
Ka bixitaankii Shalay ay Kooxda Al shabaab ee Degmada Afgooye waxa ay ka dhigan tahay Culeys kale oo soo wajahay Al shabaab-Qaacidda maadaama ay adkaaneyso in Ciidamada iyo Maamulada Al shabaab ee ku kala sugan Gobalada Dhexe iyo Gobalada Koonfureed in ay si sahal ah u wada shaqeeyaan
garable.com
muxudin diini fiidow

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la isku heysto.


somalimemo.netIsmaan dhaaf salka ku haya gacan ku heynta maamulka iyo dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka dhex oogan dawladaha Uganda iyo Turkiga kuwaasi oo labaduba masuul ka ah kooxaha maqaarka ah ee DKMG ah ee Somaliya.


Arrintan ayaa waxaa ay ka danbeysay ka dib markii xubno ka socday dawladda Turkiga ay sheegeen in iyagoo ka wakiil ah beesha Caalamka ay doonayaan in lagu wareejiyo garoonka iyo dhaqaalaha ka soo xarooda si loogu wareejiyo guddigii laga dhex magacaabay shirkii shirqoolka London.


Guddigaasi oo loogu yeeray Joint Financial Management Board “JFMB” ayaa Turkidu ay xubin ka ahaayeen waxaana ay hadda la soo istaageen in dhaqaalaha lagu wareejiyo arrinkaasi oo ay ku gacan seyrtay dawladd Uganda oo ciidankooda ay muddo ah iska dhuuqayaan dhaqaalaha Umadda Somaliyeed ee ka soo xarooda garoonka.


Lama oga halka ay ku idlaan doonaan khilaafyadan hayeeshee dhawaan ayay aheyd markii mid ka mid ah calooshood u shaqeystayaasha ka howlgala shirkadaha ajaanibta ee garoonka diyaaradaha Muqdisho uu la goostay lacagihii laga uruuriyay shacabka mudadii dhowrka bilood ee la soo dhaafay, mana jirto cid la xisaabtameysa
garable.com
muxudin diini fiidow

Dalalka deriska iyo beesha caalamka oo dib u dhac ku tilmaamay Odayaasha dhaqanka ee loo qaaday dalka Tukiga

Dalalka deriska ah iyo beesha caalamka ayaa ka hadlay Odayaashii dhaqanka ee la doonayey inay soo xulaan ergada 825-ka ah ee ansixineysa dastuurka Soomaaliya oo shalay loo qaaday dalka Tukiga, waxayna arrrinkaasi ku tilmaameen mid aan loo baaheyn oo dib u dhacweyn ku keeni kara howlihii loo egmaday odayaasha inay qabtaan.
Dowladaha safka hore sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ku tilmaamay qaadistii Odayaasha dhaqanka ee loo qaaday dalka Turkiga mid dib u dhacweyn ku keeni karta howlihii loo xilsaaray iyo soo xulistii ergadii ansixin laheyd dastuurka Soomaaliya, soona xuli laheyd Xildhibaanada cusub ee bedelaya kuwa haatan jooga.
War murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen dalalkan ayaa waxaa lagu yiri “Odayaasha dhaqanka ee loo qaaday dalka Turkiga waxay u muuqataa arrin lagu fududaaday, waayo waxay dib u dhacweyn ku keenaysaa in laga gudbo xilliga KMG, isla markaasna Soomaaliya ay yeelato dowlad iyo dastuur cusub si ay uga baxdo KMG-nimada, waxaana haatan muuqda in arrinkaasi aan si sahal looga bixin doonin maadaama Odyaashii dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee la doonayey inay soo xulaan ergadii ansixin laheyd dastuurka loo qaaday dalka Turkiga, way fiicantahay in simnaar la xiriira ansixinta dastuurka la soo siiyo, laakiin waxaa haboonaan laheyd in dalka gudahiisa lagu siiyo”

garable.com
muxudin diini fiidow

Ciidada Itoobiya oo loo kordhiyey xilliga ay joogaan dalka Soomaaliya ka dib markii la sheegay

Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in xilliga ay joogaan dalka Soomaaliya ciidamada Itoobiya waqtiga loo kordhiyey ka dib heshiis hoose oo ay wada-gaareen madaxda sarsare ee dowladda KMG Soomaaliya iyo hogaamiyeyaasha dowladda Itoobiya ka dib shirkii saxiixayaasha Road Madp-ka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.
Sida warku sheegayo Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dowladda KMG oo kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo ka tirsan Golaha nabadda Midowga Afrika ayaa waxay uga wadahadleen arrimaha dalka Soomaaliya iyo dagaalada ay dowladda KMG kula jirto Xarakada Al-shabaab iyo sidii ay Itoobiya u sii balaarin laheyd taageerada ay siiso dowladda KMG Soomaaliya ee dhanka milleteriga oo ay si weyn uga taageerto.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in arrintan xilliga loogu kordhiyey ciidamada Itoobiya ee jooga dalka Soomaaliya ayaa ka soo dhexbaxday kulankii mudada sedexda maalmood uga socday saxiixayaasha Rad Map-ka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxayna madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xilliga ay ciidamada Itoobiya joogayaan gudaha Soomaaliya, isla markaasa ay joogi karaan Itoobiya illaa iyo inta ay meesha ka saarayaan Xarakada Al-shabaab, gobolada oo dhanna ay gacanta dowladda KMG ugu soo celinayaan, waxaana heshiiska ay kala saxiixdeen labada dowlad goob joog ka ahaa xubno ka socday ururka nabadgelyada Midowga Afrika.
Dhinaca kale dalalka IGAD ayaa soo dhaweeyay la wareegisa degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose iyo deegaanada loo bakaracay oo ay doraad iyo shalay si rasmi ah ula wareegeen ciidamada dowladda KMG soomaaliya iyo kuwa AMISOM, sidoo kalena waxay dalalkan soo dhaweeyeen howlgalka ay ciidamada Itoobiya ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jiraann Xarakada Al-shabaab, waxayna sheegeen inay Itoobiya ku taageerayaan sidii ay uga adkaan laheyd ciidamada Xarakada Al-shabaab
garable.com
muxudin diini fiidow

Ciidamo ka kala socoda dowladaha Sierra-leon iyo Yugandha oo si qarsoodi ah uga soo galay Soomaaliya dhanka dalka Itoobiya

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Dooloowiyo Buulo Xaawo ayaa waxay sheegayaan in ciidamo isugu jira Sierra Leon iyo Yugandheys ay ka soo gudbeen xuduuda ay Soomaaliya la leedahay dalka Itoobiya, kuwaas oo ka soo degay garoomo diyaaradeed oo ku yaala gudaha dalka Itoobiya.
Sida warku sheegayo cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Sierra Leon ayaa soo gaaray qeybo ka mid ah gobollada koofur galbeed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan tuulooyin ku yaala xuduudaha Soomaaliya ay la wadaagto dalka Itoobiya sida Dooloow, Buulo Xaawo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolada Jubbooyinka, Gedo iyo Hiiraan oo la sheegay inay ciidamadaasi u kala jiheysteen, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waqtiga ugu dameeya ee ay dalka Soomaliya ka howlbilaabi doonaan.
Saraakiil ciidan oo ka tirsan AMISOM iyo dowladda KMG ayaa sheegay in ciidamada Sierra Leonean iyo kuwa Yugandha ay todobaadkii hore oo dhan ay ka soo degayeen qeybo ka tirsan meelaha ay xuduudaha ka leeyihiin dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan deegaano ka tirsan gobolada Gedo, Jubooyinka iyo Hiiraan, waxayna saraakiishaasi intaasi ku dareen in saldhigyadooda hadda ugu weyn ciidamadaasi uu ku yaalo degmooyinka Dooloow iyo Buulo Xaawo oo ay kula suganyihiin ciidamo kale oo dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM ka kala socda, kuwaas oo sida saraakiishu sheegeen qorshahoodu yahay inay u sii tilaabsadaan gobolka Jubada dhexe, isla markaasna talis xoogan ka sameystaan magaalada Baardheere.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay jiraan ciidamo kale oo Sierra Leon ah oo ku sugan xuduudaha dalka Itoobiya la wadaago gobolka Hiiraan, kuwaas oo la sheegay inay ku jiraan diyaar garoow ay ku doonayaan inya gudaha ugu soo galaan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada xiga dhanka Bay, waxaana la sheegay in ciidamadan ka socda Sierra Leon lagu xoojin doono ciidamada yar ee ka socda Jabuuti ee hadda ku sugan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada B/weyne ee xarunta gobolkaasi, waxaana la sheegay in ciidamada Sierra Leon ay ay ku qoranyihiin laba aag oo kala duwan.
garable.com
muxudin diini fiidow