Sunday, 27 May 2012

Dalalka deriska iyo beesha caalamka oo dib u dhac ku tilmaamay Odayaasha dhaqanka ee loo qaaday dalka Tukiga

Dalalka deriska ah iyo beesha caalamka ayaa ka hadlay Odayaashii dhaqanka ee la doonayey inay soo xulaan ergada 825-ka ah ee ansixineysa dastuurka Soomaaliya oo shalay loo qaaday dalka Tukiga, waxayna arrrinkaasi ku tilmaameen mid aan loo baaheyn oo dib u dhacweyn ku keeni kara howlihii loo egmaday odayaasha inay qabtaan.
Dowladaha safka hore sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ku tilmaamay qaadistii Odayaasha dhaqanka ee loo qaaday dalka Turkiga mid dib u dhacweyn ku keeni karta howlihii loo xilsaaray iyo soo xulistii ergadii ansixin laheyd dastuurka Soomaaliya, soona xuli laheyd Xildhibaanada cusub ee bedelaya kuwa haatan jooga.
War murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen dalalkan ayaa waxaa lagu yiri “Odayaasha dhaqanka ee loo qaaday dalka Turkiga waxay u muuqataa arrin lagu fududaaday, waayo waxay dib u dhacweyn ku keenaysaa in laga gudbo xilliga KMG, isla markaasna Soomaaliya ay yeelato dowlad iyo dastuur cusub si ay uga baxdo KMG-nimada, waxaana haatan muuqda in arrinkaasi aan si sahal looga bixin doonin maadaama Odyaashii dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee la doonayey inay soo xulaan ergadii ansixin laheyd dastuurka loo qaaday dalka Turkiga, way fiicantahay in simnaar la xiriira ansixinta dastuurka la soo siiyo, laakiin waxaa haboonaan laheyd in dalka gudahiisa lagu siiyo”

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment