Sunday, 27 May 2012

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la isku heysto.


somalimemo.netIsmaan dhaaf salka ku haya gacan ku heynta maamulka iyo dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka dhex oogan dawladaha Uganda iyo Turkiga kuwaasi oo labaduba masuul ka ah kooxaha maqaarka ah ee DKMG ah ee Somaliya.


Arrintan ayaa waxaa ay ka danbeysay ka dib markii xubno ka socday dawladda Turkiga ay sheegeen in iyagoo ka wakiil ah beesha Caalamka ay doonayaan in lagu wareejiyo garoonka iyo dhaqaalaha ka soo xarooda si loogu wareejiyo guddigii laga dhex magacaabay shirkii shirqoolka London.


Guddigaasi oo loogu yeeray Joint Financial Management Board “JFMB” ayaa Turkidu ay xubin ka ahaayeen waxaana ay hadda la soo istaageen in dhaqaalaha lagu wareejiyo arrinkaasi oo ay ku gacan seyrtay dawladd Uganda oo ciidankooda ay muddo ah iska dhuuqayaan dhaqaalaha Umadda Somaliyeed ee ka soo xarooda garoonka.


Lama oga halka ay ku idlaan doonaan khilaafyadan hayeeshee dhawaan ayay aheyd markii mid ka mid ah calooshood u shaqeystayaasha ka howlgala shirkadaha ajaanibta ee garoonka diyaaradaha Muqdisho uu la goostay lacagihii laga uruuriyay shacabka mudadii dhowrka bilood ee la soo dhaafay, mana jirto cid la xisaabtameysa
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment