Monday, 18 June 2012

Wasiir ka tirsanaa maamulka Somaliland oo sheegay in dowladda KMG ay waddo olole dagaal oo ka dhan ah Somaliland

Wasiirkii hore ee gaadiidka circa iyo dhulka maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa sheegay in wadahadalada u dhaxeeya dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland aysan waxba ka soo baxeynin, taas bedelkeedana ay dowladda KMG diyaarineyso sida uu yiri weerar ay ku soo qaaddo Somaliland.
Mr. Warancade oo shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dagaal dhexmara labada dhinac uu suurtagalyahay maadaama sida uu yiri ay Xukuumadda Madaxweyne Shariif aanay diyaar u aheyn inay aqoonsato dowlad ka madax banana maamulkiisa oo ka jirta dhulweynihii hore ee Soomaaliya.
Waxa uu ku eedeeyay dowladda KMG Soomaaliya inay wado daandaansi dagaal, iyad oo ka soo horjeeda in ismarinwaaga u dhexeeya labada geesood lagu  soo afjaro waan-waan iyo wada hadalo, waxaana uu  shacabka iyo Xukuumadda talada heysa ee Somaliland ugu baaqay in  la dhiso ciidamo xoog leh oo dalka ka difaaca weerarada ka imaan kara dhanka Koonfurta oo meesha lagaga saarayo jiritaanka Somaliland, isagoo sida oo kale ka dayriyay natiijada wadahadalada beesha caalamku ku baaqday ee dhawaan ka furmaya magaalada London.
“Waxaan filayaa in halkaas  aanay jirin wax waan-waan ah oo guddidaas ay kala soo noqon karto madaasha ay tageen ee Ingiriiska, haddaan Ilaahay mucjiso kale ku soo rogin,  sidaa awgeed anigu waxaan qabaa inaga oo ah Soamliland iyo Koonfur Soomaaliya mar baa isugu keen hartay dagaalo hore ayeynu soo wada galnay mar labaadkaasu waa dagaal dambe oo ay runtii soo abaabulayaan xukunka maanta jiraa ee dowladda KMG KMG, halka laga eegayo in aynu wadahadal wax ku dhameysano, marka anigu ummada reer Somaliland iyo xukuumada waxa aan u soo jeedinayaa  in aynu  dhisano ciidamadeena qalabka sida si aynu u difaacno Somaliland, isla markaasna adduunyada luqadda keliya ee ay fahmi karaysaa waxa weeye waa ta xooga” ayuu yiri Waran-cadde

garable.com
muxudin diini fiidow

Xilliga uu furmayo wadahadalada u dhaxeeya dowladda KMG iyo maamaulka Somaliland oo la shaaciyey iyo dowlado ka qeybgalaya

Wadahadala u dhaxeeya dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa la xaqiijiyey inuu furayo maalinta arbacada ah ee soo socda, kaas oo la sheegay inay goob joogayaal ka noqonayaan dowlado dhowr ah iyo Ururka Midowga Yurub.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in wadahadallada dhexmaraya dowladda KMG Soomaaliya iyo Somaliland ay maalinta Arbacada ah ka furmayaan magaalada London ee dalka Ingiriiska.
“Waxaanu dooneynaa inaan wadahadalada ku soo bandhigno madaxbannaanida iyo himilada shacabka Somaliland” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland, isagoo sheegay in xubnaha dowladda KGM ah ay ka filayaan inay ixtiraam uga helaan himilada shacabka Somaliland.
Kulankan oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya, inkastoo Somaliland ay ku adkeysanayso inay tahay dowlad ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, ayna doonayso in shirka uu noqdo mid horseed u noqda in Somaliland ay madaxbannaani taam ah hesho.
“Dowladda KGM Soomaaliya way nagu soo wargelisay xubnaha dhankooda ka imaanaya, waxaana rajeynayanaa in shirkan oo billow u ah shirar kale oo dhici doona ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.
Wasiirku wuxuu sheegay inay fikrado badan ay shirkaas ku wadaagi doonaan iyaga iyo xubnaha dowladda KMG ka socda, kuwaasoo ay ka mid yihiin mustaqbalka guud ee Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay kii ugu horeeyay oo dhexmara Somailland iyo Soomaaliya muddo 20-sano ah.
Mar la weydiiyey go’aankooda haddii loo soo bandhigo inay federaalka qeyb ka noqdaan ayaa wuxuu yiri “Nidaamka Somaliland kuma dhisna federaal mana ogolaan karno, waayo waxaanu nahay dowlad madaxbannaan”.
Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland wuxuu sheegay in shirkan ay ka goob joogayaal ka noqonayaan xubno ka socda dalalka Ingiriiska, Norway iyo Midowga Yurub oo leh qaban-qaabada shirka, balse wadahadalladu uu yahay mid dhexmara iyaga iyo dowladda KMG Soomaaliya, waxaana Somaliland shirka uga qeybgalaya shan xubnood, waxaana shalay  ay ka dhoofeen magaalada

garable.com
muxudin diini fiidow

Magacyada Guddi cusub oo ay Dowladda KMG u magacawday wadahalada dhexmaraya Maamulka Somaliland & Dowladda KMG

Madaxweynaha dawladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu si rasmi ah u magacaabay Guddi cusub oo uga qeybgeli doona wadahadalada gogol-xaadhka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya oo 20-ka June 2012-ka uga furmi doona magaalada London ee dalka Ingiriiska, Guddigaas oo la sheegay in wax badan laga bedelay kii hore uu u agacaabay Madaxweynaha oo ay ka biyo diideen maaamulka Somaliland.
Sida uu daabacay Wargeyska Jamhuuriya ee ka soo baxa magaalada Hargeysa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa magacaabay Guddi cusub oo ugu qeybgalaya wadahadalada dhexmaraya dowladda KMG iyo maamulka Somaliland, kuwaas oo ka kooban shanxubnood, isla markaasna uula socodsiiyey maamulka Somaliland inuu magacaabay xubno cusub.
Guddiga uu sheegay Wargeysku ee uu magacaabay Madaxweynaha dowladda KMG ee ka qeybgalaya wadahalka ayaa waxay magacyadooda kala yihiin:-
  1. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda KMG C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Guddida wadahadallada {Chief negotiator}.
  2. Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda KMG Mr. Axmed Caydiid Ibraahim.
  3. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda KMG
  4. Xildhibaan Xuseen Xasan oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya
  5. Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Wejiga koowaad ee wadahadallada u bilaabmaya toddobaadkan Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sida la xaqiijiyey waxay ku saabsanaan doonaan dhammaanba qodobadda mudan in laga hadlo ee khuseeya labada dhinaca, hadday tahay siyaasadda, nabadgelyada, iskaashiga iyo xiriirka la wadaagi karo, iyadoo qodobada ugu xaasaasisan ee miiska saaran ay la xiriiraan arrimaha siyaasadda.
Waa markii u horeysay ee Somaliland iyo Soomaaliya isugu yimaadaan wadahadallo noocan oo kale ah, iyadoo kulanka gogol-xaarka ahna ay ku xigi doonaan wadahadallo dhexmara labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo la sheegay in lagu qaban doono dal kale, gaar ahaan dal carbeed

garable.com
muxudin diini fiidow