Thursday, 31 May 2012

Deg deg:Dagaal-yahano Gurmad u Ahaa shabaab oo Caawa Lagu duqeeyay Gobolka Jubbada Hoose


Wararka caawa naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay ka dhacday deegaanka Janaay Cabdalle oo u dhexeeya Afmadow iyo Kismaayo halkaasoo la sheegayo in diyaarado dagaal ay gantaalo ku rideen.

Dad ku sugan magaalada Kismaayo oo aan rabin la magacaabo ayaa sheegay in ciidan gurmad ah oo Al-Shabaabka soo direen magaalada Kismaayo kuna sii jeeda dhanka Afmadow oo maanta laga qabsaday la duqeeyay. Ciidanka Al-Shabaab ayaa watay gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta ka soo dhaqaaqay magaalada Kismaayo.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhawaqa qaraxyo waaweyn la maqayey illaa caawa iyadoo ciidamada Shabaabkuna ay hubka lidka diyaaradaha hawada u tuurayeen.
Sida dadka deegaanka ay sheegayaan welima cadda khasaaraha ka dhashay duqeynta caawa maqribkii ka dhacday deegaanka Janaayo Cabdalle oo qiyaastii illaa 50-km u jira Kismaayo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaaradaha duqeynta geystay ayahaayeen labo diyaaradood oo ciidamada Kenya ay leeyihiin kuwaasoo dhanka deegaanada Xeebta ee gobolka ka imaanayey markii ay gantaalada la dheceen deegaanka Janaay Cabdalle.
Ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG Soomaaliya oo ay wehlinayaan maleeshiyaadka Raskambooni ayaa maanta la wareegay degmada Afmadow oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Jubbada Hoose taasoo 180-km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. garable.com
muxudin diini fiidow

Caqabad soo food saartay qodista shidaalka Puntland


Shirkada Range Resouces ayaa u muuqato in ay soo afjarayso howlihii maal gashigeedii iyo sahaminta shidaalka ay ka waday deegaamada Puntland.
Peter Landau ayaa sheegaya in Range Resources qorsheyneyso  in ay u wareegeyso Trinidad iyo Colombia. Isagana baxdo howsha shidaal sahmin ee ay ka wado Puntland.
Madaxa shirkadda Range Resources, oo la hadlayey ganacsato ka tirsan Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) oo uu kula kulmay Hong Kong ayuu u sheegay in shirkadiisu maal gashigeeda ka wareejineyso Puntland, islamarkaasna xoogeeda isu geyneyso shidaal sahaminta dalalka Trinidad iyo Colombia, sidaas waxaa Arbacadii May 30, 2012 qortay jariidada The Australian.
Mr. Landau waxa uu yiri “Waxaan aragnay in aan qiimayn la siinayn Trinidad sababtoo xoogga ay Range Resources saartay Puntland. Sidaas daraadeed aan ka baxno Puntland (aan meesha ka saarno Puntland), oo markaas maalgashadayaasha Range aan siino saamiyada (free stock), islamarkaasna aan diiwaan gaar ah uga samaynayno suuqa ganacsiga London.”
  • “What we’ve seen is Trinidad doesn’t get valued because all the punters trade Range on Puntland. So let’s take Puntland out, give (Range investors) the free stock, and have a separate AIM-listed stock,” he said.
Range Resources waxay Puntland markii ugu horesey timid sannadkii 2005. kolkaas oo uu Puntland ku soo dhoweeyey Gen. Cade Muuse Xirsi.
Jariidadda The Australia waxay sheegtay in shirkadda Range Resources ay saami wadaag xagga sahaminta Shidaalka Puntland kula jirto shirkaddaha kale Horn Petroleum iyo Red Emperor Resources kuwaas oo shidaal qodis ka wada Puntland.
Waxaa durbadiiba shalay (May 30, 2012) hoos u dhacay (-8.33%) samiyadda shirkadda Range Resources ee Suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX).
Hadalkan kasoo baxay shirkada ayaa niyad jab ku noqon kara malaayiin Soomaali ah, oo mar un doonayey inay markhaati ka noqdaan Soomalia oo heshay Shidaal looga baxo gaajada, macluusha, iyo colaadaha 22 Somalia soo daashatay waxaan kahelnay warkaan cabdraxin saciid xeele oo uk jooga garable.com muxudin diini fiidow

Cutubyadii Ugu Horeeyay Ciidamo Ka Socda Dalka Jabuuti Oo Saakay Tegaya Beledweyne


Cutubyadii ugu horeeyay ciidamo ka socda dowladda dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay saakay ka degaan magaalada Beledweyne, kadib kulan magaalada ku dhaxmaray saraakiisha dowladda Itoobiya iyo kuwa Jabuuti.
Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ayaa xiligan waxaa ku sugan saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan, kuwa dowladda Itoobiya, odayaasha dhaqan-ka magaalada Beledweyne iyo waliba dad kala duwan oo u taagan soo dhaweynta ciidamada.
Guddoomiyaha degmada Beledweyne Cismaan Barre Max’ed oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ciidamada dalka Jabuuti oo sida uu hadalka u dhigay ah ciidamo shacab-ka Soomaaliyeed yihiin isku af iyo waliba Diinta.
Maalintii shalay ayaa lagu waday ciidamadan in ay ka degaan magaalada Beleweyne, hasse ahaatee mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa sheegay in ay dib ugu dhaceen arrimo farsamo.
Ciidamada dalka Jabuuti oo qeyb ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa ayaa amaanka magaalada kala wareegi doona kuwa dowladda Itoobiya oo lagu wado in ay u sii dhaqaaqaan deegaannada kale ee gobollka
garable.com
muxudin diini fiidow

Prof. Cali Khaliif Galeydh oo lagula taliyey inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka


R/wasaarihii dowladii lagu soo dhisay Carta Mudane Cali Khaliif Galeydh ayaa waxaa soo shaax baxaya inuu isku diyaarinayo inuu noqdo gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia. 
Prof. Galeydh ayaa inuu xilkan qabto waxaa kula taliyey xildhibaano, ganacsato iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beelaha Muqdisho, iyagoo u balan qaaday inay la garab joogsan doonaan taageero kasta.
Wararka ayaa sheegaya in R/wasaarihii hore uu arrintan soo dhoweeyey, haatana qorsheynayo inuu u tartamo xilkaas, marka la gaaro doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Somalia oo dhici doonta dabayaaqada bisha July.
Prof. Galeydh ayaa mudooyinkan ku sugnaa caasimada Somalia ee Muqdisho, wuxuuna halkaasi ka wadaa olole ku aadan damaciisa siyaasadeed
garable.com
muxudin d.iini fiidow

Dabaal-degyo waa weyn oo Haatan dhigayaan Muqayiliinta Muqdisho”Sababtu maxay tahe

Garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa haatan waxa lagu soo waramaayaa inay kusoo dageen 3 diyaaradood oo qaad sida iyadoona arintaasi ay farxad u noqotay dhamaan muqayiliinta reer Muqdisho.
Durba waxaa boorka laga jaf jafay Kabaradii Khaatka lagu iibin jiray iyadoona aad moodo in Muqayiliinta maanta ay maalin gaar ah u tahay ka dib markii Laba maalin aanay wax Khaat ah cunin.

Ganacsatada dalka Khaatka keenta oo aynu qaarkood la xiriirnay ayaa waxay inoo sheegeen in ay is af garteen shirkadda SKA in kastoo aanay inoo sheegin in Cashuurtii ay sideedii u dhiibeen ama ay kordhiyeen.
Khaatka ayaa dalka Soomaaliya waxa uu ka yahay waxyaabo iska caadi ah, waxaana uu la degay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed halka dalalka qaarna uu Khaatka mamnuuc ka yahay xitaa ay dhacdo in la dilo qofkii lagu arko garable.com muxudin diini fiidow

Deg deg:Shabaab oo dagaal looga saaray Afmadow”Ciidamada Huwanta oo Raacdeyste



War deg deg ah oo iminka naga soo gaaraaya degmada Afmadow ayaa soo sheegaaya in dagaalyahanada Al shabaab ay maanta halkaasi isaga baxeen.
Kadib dagaal xooggan oo saaka ka qarxay duleedka degmada Afmadow ayaa waxaa halkaasi goordhowayd gebi ahaanba faarujiyey dagalayahanada Al shabaab.
Dad kamid ah kuwa deegaanka oo aan la xairiirnay ayaa inoo xaqiijiyey ka bixitaanka Al shabaab ee degmada Afmadow, waxayna sheegeen in magaaladu ay u badan tahay mid cidlo ah.
Ciidamada Dawladda KMG ah, kuwa Raasmkaambooni iyo kuwa Kenya oo saaka duleedka degmada Afmadow dagaal xooggan kula galay Al shabaab weli masoo gaarin magaalada, hase yeeshee wararku waxay soo sheegaayaan in ay kaabiga ku hayaan, waxaana laga yaabaa in ay saacadaha soo aadan gudaha u galaan magaalada.
Inta aanay Al shabaab ka bixin degmada Afmadow ayaa waxaa gudaha degmada laga maqlay guuxa diyaaradaha dagaalka Kenya kuwaasi oo cabsi xooggan ku abuuray dagaalyahanada Al shabaab.
Degmada Afmadow inta badan waa cidlo, waxaa sidoo kale isaga barakacay dadkii deganaa oo inta badan duurka galay.
Dagaalyahanadii Al shabaab ee ka baxay degmada Afmadow ayaa u baxay dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Degmada Afmado waa degmadii labaad oo muhiim ah taasi oo ka baxda gacanta Al shabaab marka lagu daro degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose
garable.com muxudin diini fiidow                                

Timo-jarayaal iyo Dadka cadayada iibiya oo xabsi laga buuxiyay iyadoo loo haysto qaraxii saakay.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax qasaaro gaystay oo saakay ciidamada amaanka lagula eegtay magaaladda Gaalkacyo dhankeeda Waqoyi.

Qaraxaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo katirsan kuwa amaanka.

Inta la ogyahay Afar kamid ah ciidamada amaanka ayaa geeriyootay ilaa shan kalaan dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii Bambo meel loogu aasay.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Farxaan Cali Xaad ayaa sheegay in ay ogaadeen qofkii ka danbeeyay qaraxii saakay.

Ciidamada ayaa soo bandhigay Meydka Nin aasayay waxyaabaha qarxa kaas oo ay toogteen.

‘Ciidamada waxaa ay toogteen Nin Timo jare ahaa oo aasayay miino xaafadda Garsoor’ayuu sheegay Sarkaalkan.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada Puntland ayaa waxaa ay kusoo qabteen tobaneeyo qof oo isugu jira dadka Timojarayaasha ah iyo kuwa iibiya cadayada gudaha Magaaladda.

Dadkaas ayaa waxaa loo haystaa in ay ku lug leeyihiin qaraxyada magaaladda iyadoo saraakiisha Puntland ay sheegeen in ay baaritaano ku wadaan.

garable.com
muxudin diini fiidow

Ciidammada dowladda kuwa AMISOM oo ku wajahan Jubbooyinka



Ciidammo wadajir oo ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa saakay markii ugu horeysan ka gudbay degmda Luuqa ee gobolka Gedo, iyagoo ku sii jeeda deegaannada gobollada Baay, Bakool iyo Jubbooyinka, si ay u gabagabeeyaan malleeshiyaadka Al-Shabaab. Ciidammada dowladda Soomaaliya oo wehliyeen kuwa AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka soo gudbay xuduudda Soomaaliya iyo Ethiopia, kuwaasi oo ka sii gudbay degmada Luuq ee  gobolka Gedo, iyagoo u kala jiheystay gobollada Jubbooyinka, Baay iyo Bakool oo ay hadda howlgallo ka socdaan, waxaana saraakiisha ciidammadaasi hoggaamineysa ay sheegaan in ay duullaan ku yihiin Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidammada dowladda oo aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin guud ahaan deegaannada ay Al-Qaacidda ku sugan yihiin, ciidammadaasina ay ka mid yihiin kuwii  soo afjari lahaa howlgallada Al-Qaacidda Soomaaliya  looga saarayo,  isla markaana ay saacaddaha soo socda qaadi doonaan tallaabo dhinaca howlgallada ah.
Ciidammada ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa wata dabaabaadka dagaalka, waxaana waddooyinka degmada Luuqa ka baxa saakay buux dhaafiyay ciidammadaasii oo dhulka ku lugeynaya iyo kuwa gadiidka dagaal oo ay ku jiraan Taanhiyo wata.
garable,com muxudin diini fiidow

Deg deg:Dagaal Culus oo Xiligaan kasocda Duleedka Afmadow”Shacabka oo Barakacaya



Sida ay shegayaan wararka aan xiligaan kahelaayo Duleedka Magaalada Afmadow ayaa shegaya in Dagaalo xoogan haatan oo kaqarxay kasoo udhaxeeyo Ciidamada dowlada soomaaliya oo kabayaan kuwa Raaskambooni iyo kenya waliba xarakada shabaab wuxuuna dagaalkan daba socdaa kii shalay.

Dagaalkan oo ah mid aad u culus aya alaga maqlayaa guud ahaan degaanka ayadoo Ciidamada huwanta ku dooneyso in kula wareegto Degmada Afmadow iyo gobolada jubooyinka oo haatan qeybo oga suganyihin shabaab mujaahidiin oo aad u xoog badan.
Daryanka Madaafiicda labada dhinac isdhaafsanayaan ayaa laga maqlayaa gudaha Degmada iyadoona dadka badi bilaabeen in ay ka barakacaan Afamdow ayna aadaan dhulka howdka ah si ay uga baxsadaan Dagaalka kusoo food leh Degmadaasi.
Xaalada ayaa hada ah mid kacsan labada dhinac ayaana dagaal fool ka fool ah dhaxmaraya ,iyadoona dagaalka la sheegay in mararka qaar ka qeyb qaadanyaan Diyaaradhaa Dagaalka Kenya
 
 garable.com muxudin diini fiidow

Dowladda Faransiiska oo sheegtay in shirka ka socda Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga uu fursad u yahay Soomaalida


wasaaradda arrimaha dibbadda wadanka Faransiiska ayaa waxay  ka soo saartay War saxaafadeed la xiriira shirka maanta ka furmaya magaalada Istanbul ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Sdoo kale warkan Faransiiska soo saartay ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Paris ay u aragto shirka Istanbul inuu fursad u yahayxal laga gaaro dhibaatada mudada dheer ka jirtay wadanka Soomaaliya iyadoona rajaysay inay ka soo baxay natiijooyin wax ku ool ah oo muhiim ah bulshada Soomaaliyeed.
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegtay inay dadaal badan galinayso sidii shirkaan uu miro dhal u noqon shirka maanta ka furmaya wadanka Turkiga sida ku qoran war saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada dalka Faransiiska.
Dawlada Faransiisku ayaa waxay ugu baaqday Dhinacyada Soomaalida inay muujiyaan isku tanaasul, sidoo kale waxay wadamada taageera Soomaaliya  ay ugu baaqday inay dar dar galiyaan sidii Soomaaliya xal loogu heli lahaa

garable.com
muxudin diini fiidow

31-MAY MAALINTA JOOJINTA CABISTA SIGAARKA EE CAALAMKA



Maanta oo ay bishu tahay 31 Maajo 2012 waa maalinta loo asteeyey joojinta cabista sigaarka ee caalamka, taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka lagu wacyigeliyo khatarta uu leeyahay.
Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaas oo dhan waxay keenayaan khatar caafimaad haba ku kala badnaadeene.
Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.45 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Ku dhawaad Hal bilyan (80%) waxay ku nool yihiin waddamada soo koraya.
Cabista sigaarka wuxuu ku badan yahay ragga qiyaastii shan jeer in ka badan haweenka.
Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 6 milyan oo qof, in ka
badan 5 milyan waa dadka caba sigaarka iyo kuwii horey u cabi jiray, halka Lix boqol Kun ay yihiin dadka si dadban ku caba sigaarka (second-hand smoke).
Cabista sigaarka waxaa la socda 12 maaddo oo kiimiko ah oo dhalin kara cudurka kansarka. Waxaana ka mid ah maaddada (Tar, Arsenic , benzene , formaldehyde, carbon monoxide iyo ammonia) waxaa kalow ku jira maadada Nicotin-ka oo sababa in la qabatimo sigaarka jir ahaan iyo maskax ahaan.
Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo.
Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo iney is yaraan karto.
CABISTA SIGAARKA IYO SAAMEYNTA CAAFIMAADKA UU KU LEEYAHAY
Cabista sigaarka wuxuu sababaa 25 cudur waxaa ka mid ah kuwa ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema), Chronic Bronchites; wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xameytida, Xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma la'aanta ragga iyo haweenka.
Wuxuu kaloo caawiyaa cudurka gastritis wuxuuna badiyaa laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo dahiyaa bogsashadda boog calooleydka (Peptic Ulcer).
Sidoo kale haweenka caba sigaarka ee da’doodu ka weyn tahay 40 sanno wuxuu u keeni karaa in si sahlan ay ku jabaan marka loo fiiriyo kuwa aan sigaarka cabin.
Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen.
Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death).
Dhalinyarada da’dooda ka yartay 20 sanno, waxey 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay 20 sanno dhinaca dhimashada daga daga ah.
Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la'aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arteriosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisa kacsan tahay.
Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa Aragga Indhaha ,Maqalka dhagaha iyo Maqaarka sidoo kale wuxuu wax yeelo u geystaa dibnaha, ciridka iyo ilkaha.
Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag dhow meesha lagu cabayo (second-hand smoke) oo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkiisa lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%.
Bulshada Soomaaliyeed 20kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da'da yar. Waxaa kaloo kordhay dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro & dad waaweyn, rag & haweenba leh, waxayna ku keeni kartaa mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka ah.
BAAQ
Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney ka fogaadaan cabista sigaarka bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo; iyo weliba waxyeellada caafimaadka aan kor ku soo xusnay uu keenayo.
Mahadsanidin

Prof. Osman M. Dufle

DAAWO SAWIRADDA RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA OO ODAYAASHA DHAQANKA KULA HADLAY ISTANBUUL



Halkaan Ka Daawo Sawirada Ra'iisul wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay Shirka odayaasha dhaqanka.
Sidoo kalena booqday goobo taariikhi ah oo ku yaala dalkaasi Turkiga.
garable.com
muxudin diini fiidow














SHIRKII ODAYASHA DHAQAN UGA SOCDAY TURKIGA OO LA SOO GABOGABEEYAY & WARMURTIYEED KA SOO BAXAY



Kulankan oo socday Muddo Afar maalmood ah ayna ka qeyb galeen Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Bulshada rayidka ayaa xalay waxaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Istanbuul ee dalkaasi Turkiga.
Gabagabada Shirka ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyadeed si wadajir ah uga soobaxay dhammaan ka qeyb galayaashii Shirkaasi.

Mahad Salaad Maxamed oo ka mid ah dadka ka qeyb galaya shirka Istanbul ayaa garable.com u sheegay Shirka inuu soo dhamaaday qodobo muhiim ahna ay ka soo bexeen.

Wuxuu sheegay in shirka Odayaasha dhaqanka iyo arrimaha bulshada intii uu socday la isku soo hadal qaaday horumarinta dhaqaalaha sidoo kale in meel wanaagsan laga maro dhanka dib u heshiisiinta iyo arrimaha dastuurka islamarkaana ay isku afgarteen dhammaan ka qeyb galayaashii shirka.

Sidoo kale waxyaabaha laga wada hadlay shirka Istanbul kana mid ahaa warmurtiyadeedka lasoo saaray waxaa ku jiray arrimaha ammaanka oo la isku afgartay in si buuxda dowladda ay wax uga qabato islamarkaana ciidamada ku sugan xuduudaha dalka Soomaaliya ee safka hore ay ilaaliyaan oo ay xushmeeyaan qaraarkii tirsigiisu ahaa 1725 kaas oo kasoo baxay Qaramada Midoobay 2006 islamarkaana dhigayay in ciidamada Safka hore aysan hab Milatari ahaan u gali karin gudaha Soomaaliya Ciidamadaasna ay dib uga laabtaan.

Wuxuu sheegay in waxyaabaha kale oo qodobkaas ammaanka looga hadlay ay ka mid ahaayeen in Ciidamada hadda jooga Soomaaliya ee AMISOM lagu badalo ciidamo ka socda QM, laguna soo siyaadiyo Ciidamo ka socda wadamada Islaamka hoggaankoodana ay uu qabto dal Islaam ah
garable.com
muxudin diini fiidow