Thursday, 31 May 2012

Cutubyadii Ugu Horeeyay Ciidamo Ka Socda Dalka Jabuuti Oo Saakay Tegaya Beledweyne


Cutubyadii ugu horeeyay ciidamo ka socda dowladda dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay saakay ka degaan magaalada Beledweyne, kadib kulan magaalada ku dhaxmaray saraakiisha dowladda Itoobiya iyo kuwa Jabuuti.
Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ayaa xiligan waxaa ku sugan saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan, kuwa dowladda Itoobiya, odayaasha dhaqan-ka magaalada Beledweyne iyo waliba dad kala duwan oo u taagan soo dhaweynta ciidamada.
Guddoomiyaha degmada Beledweyne Cismaan Barre Max’ed oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ciidamada dalka Jabuuti oo sida uu hadalka u dhigay ah ciidamo shacab-ka Soomaaliyeed yihiin isku af iyo waliba Diinta.
Maalintii shalay ayaa lagu waday ciidamadan in ay ka degaan magaalada Beleweyne, hasse ahaatee mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa sheegay in ay dib ugu dhaceen arrimo farsamo.
Ciidamada dalka Jabuuti oo qeyb ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa ayaa amaanka magaalada kala wareegi doona kuwa dowladda Itoobiya oo lagu wado in ay u sii dhaqaaqaan deegaannada kale ee gobollka
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment