Friday, 20 July 2012

Gabar Yaxaas ku dafay Wabiga Sh/Dhexe


Warar laga halayo Deegaano ka tirsan Sh/Dhexe ayaa sheegay in halkaasi Yaxaas uu ku qaaday gabar ku sugnayd meel u dhaw biyaha wabiga Shabeelaha Dhexe.

Goob joogiyaal ku sugan Magaaladda Jowhar ayaa sheegay in gabadha ay biyo in ay ka soo darsato Wabiga.

Gabadha ayaa la sheegay in biyaha uu ku dul dilay gabadhii uu qatay isla markaana lagu guuldareystay in la soo badbaadiyo.

Iama arkin baa la leeyahay meydka gabdha uu qaatay Yaxaaska iyo waliba halka uu la aaday.

Bishan gudaheeda ayaa Yaxaas waxa uu dhawr qafood uu ku waxyeeleeyo deegaano ka mid ah gobbolka Sh/Dhexe.

garable.com
muxudin diini fiidow

Agagaarka isgoyska lambar afar ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa laga hirgeliyay masaajid baaxadiisu weyntahay kaa oo lagu magacdaray Abuubakar Asadiiq Allaha ka raali noqdee waxaana xafladii lagu furayay maanta ka qaybgalay cullumaa’udiin waxgarad iyo xubno kamid dowlada Sooomaaliya
,iyadoona dadkii daganaa xaafada maanta laga hirgeliyay masjidka ay sheegeen inay si aad ah ugu baahnaayeen.

Shiiq Bashiir Axmed Salaad Guddomiyaha hayada cull’imada Soomaaliyed oo ugu horayn goobta ka hadlay ayaa sheegay in u aad ugu mahad celinayo dadki hantidooda ku bixiyay Dhismaha masaajidka isago oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyed inay ku daydan dadkii dhisay masaajidka.

Sidoo kale isna Xildhibaan Xasan Abshir Faarax Raii’sulwasaarihii hore ee dalka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu kamid yahay dadka dagan xaafada laga dhisay Masaajidka aadna ay ugu baahnaayeen.

Ugu danbeyn wasiirka wasaarada Garsoorka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka dagan goobaha ku xeeran masaajidka inay ka faaidaystaan.

Waxaa si aad ah ugu dhaw halka laga dhisay masaajidka Abuubakar Asadiiq Isgoyska Km4 oo ah xarun ganacsi aadna u mashquul badan shacabka ku sugan halkaasina waxa ay shaaciyeen inay aad u tabayeen kuna cibaadaysanayaan.

garable.com
muxudin diini fiidow

War Degdeg ah:Midkamid ah Fanaaniinta ugu caansan Soomaaliya Saado Cali Warsame oo Gaalkacyo kasoo dagaysa Beri oo Jimce ah Kuna wajahan Garoowe


Wararka Laga helayo Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya In Saacadaha soosocda ay magaalada Nairobi ka dhoofayso Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame iyadoona ku wajahan Deegaanada Puntland halkaasoo ay casumaad rasmi ah ka heshay Dawlada Puntland ayna kaga qaybgalaysho Shirka wadatashiga heerka qaran ee haweenka Soomaaliyeed Maanta uga furmay garoowe.

Diyaar garow xoogleh ayaa caawa laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo halkaasoo ururada haweenka gobolka Mudug iyo madaxda Maamulka gobolka Mudug ay kawadaan Diyaargarow ay kusoo dhawaynayaan Saado Cali Warsame oo ah Halgamaa u shaqaysa Ummada Soomaaliyeed iyagoona usamayn doona Soo dhawayn heer caalami ah.

Xubno kamid ah Xubnaha Golaha wasiirada ee Puntland iyo golaha Wakiilada ayaa caawa Gaalkacyo u tagay soo galbinta Saado Cali Warsame Waxaana la filayaa in soodhawayn heer sare ah loogu sameeyo Magaalada Gaalkacyo kadibna ay u gudubto Magaalada garoowe ee caasimada Puntland halkaasoo shirweyne Wadatashi uu uga furmay haweenka Soomaaliyeed

garable.com
muxudin diini fiidow

Fariinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ee Bisha Ramadaan


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayadoo dhanka kalena uu Madaxweynaha shacabka u diray fariin ku aadan bisha barakeysan.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo fariintiisa bisha Ramadaan shacabka uga diray caawa Warbaahinta Qaranka caawa waxaana uu ugu horeyn tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba shucuubta muslimiinta uu u dirayo hambalyo fadliga bisha barakeysan ee Ramdaan aawgeed.

“waxaan leeyahay umadda Soomaaliyeed iyo umadda muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan kulu caamin waa antum bi kheyr bisha Ramadaan ee barakeysan ayaa noosoo gashay waxaa la xaqiijiyey Soomaaliya bishii in laga arkay magaalooyinka Muqdisho, Burco iyo meelo kaleba,dad lagu kalsoonyahay ayaana soo sheegay insha allah burrito waa soon oo caawa waxaa noo bilowday Soon, waana bil barakeysan oo Alle loogu dhowaado” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sii wata hadalkiisa ku aadan qiimaha ay bishan leedahay ayaa yiri” waxaan rajeynayaa in shacbiga Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba aysan dayacin fursadaan waayo dad badan waxey isku mashquuliyaan habeenkii waxyaabo maalaa yacni ah oo ay ciyaaraan ama waxaan micno laheyn oo aay kusoo jeedaan marka waxaan leeyahay bishaan waa bil fadli badan, waa bil mudan inaan ka faa’ideysano waayo qofkii bishaan ay soo marto oo aan ka faa’ideysan waxaa ku dhacaya qasaaro weyn marka waxaan isku dardaarmeynaa inaan ka faa’ideeysanno”

Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbaddiisa uu ugu talagalay bisha Ramadaan kusoo hadal qaaday dadka masoomeyaasha ah waxaana uu yiri”dad badan waxaa dhacda maalintii ineysan soomin oo qaarkood ay maqaayado furan,qaar ay munkar farabadan la yimaadaan waxyaabahaasi oo dhanna waa waxyaabo uu Alle Subxaanahu Watacaalaa qofka muslimka ah ka xarimay,qof walbana waxaa laga rabaa inuu xasuusnaado aakhiradiisa cidii ku kacdana kama yeeli doonno”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sii watay hadalkiisa uu ku faah faahinayey qiimaha bisha Ramadaan ayaa markale yiri”bishaan waxaa ku jirta habeen Alle Subxaanuhu Watacaalaa uu ku tilmaamay habeen ka kheyr badan kun habeen ayadoo qiimahaas uu ku jiro ayaa lagayaabaa in dad badan ay ku dhameeyaan hurdo marka bishaan waa shahrul Camal,Shahrul Cibaada, Shahrul Qur’aan waxaa lagarabaa inaan in laga faa’ideysto waayo waa fursan qofka Muslimka ah soo marta sanadkiiba hal jeer marka Insha Allah aan kawada faa’ideysano”

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayey isbedellada sanadkan ay shacabka Soomaaliyeed ku soomayaan waxa uu Alle uga baryey in hormarka iyo Nabadda u bilaabatay uu u kordhiyo waxaana uu yiri”maadaama ay tahay bishaan bil barakeysan Alle Subxaanahu Watacaalaa waxaan ka baryeeynaa nabadda,horumarka iyo dowladnimada inoo bilaabatay iney noo xoogeystaan,is jaceylka Umadda Soomaaliyeed iyo midnimadeeda ay hirgalaan, qof kasta oo Soomaaliyeedna dhibka inuu ilaah ka qabto,umadda Soomaaliyeedna Umad is taageerta uu ilaah ka dhigo”

Dhanka kale Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacbiga ugu baaqay iney is kaalmeeyaan dhexdoodaa oo ay is gargaaraan maadaama weli ay muuqato raadadkii laga dhaxlay dagaallada iyo abaartii lasoo maray,dowladduna inta karaankeeda ah aysan shacabka waxba ka hagran doonin.

“waxaan fareynaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta walaalahooda aan wax heysan iney wax siiyaan oo ay gargaaraan,dowladdu waxey qaaday isku dayo badan safarkii ugu dambeeyey ee aan hada galay waxaan is aragnay dowladihii Soomaaliya garab qabtay oo ay Dowladda Turkiga ka mid tahay oo aan kala hadalnay dadku iney weli dhibaatadii heysato bishii Ramadaanna ay soo galeyso marka waxaan rajeyneynaa iney dowladdo badan oo Dowladda Khaliijka oo ah Dowlad qani ah ay ka mid tahay iney shacabka Soomaaliyeed soo gar gaaraan,shacabkuna is garab qabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryey in sanadkaan sanadkiisa uu ku gaarsiiyo nabad,barwaaqo,hormar iyo in Alle uu cibaadadooda ka aqbalo.

Xukuumada oo ku dhawaaqday in Berito ay tahay Maalin Soon


Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqday in maalinta Berito ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Wasiirka wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya Ugaas Axmed Bille ayaa iminka ku dhawaaqay in maalinta Berito oo Jimce ah inay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Bisha Ramadaan laga arkay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo la hadlay Idaacada Dowlada ayaa sheegay in laga arkay bisha Ramadaan Degmooyinka Kaaraan iyo Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka warheleen warbixino sheegaya in bisha laga arkay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala Dalka Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka oo aan waraysanay saacado ka hor ayaa sheegay in ummada Muslimka gaar ahaan Dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay ka faa'ideystaan Faa'isha ay leedahay bisha Ramadaan.

Isagoo sheegay inaan Muqdisho lagu arki karin goobo Maqaayado ah oo furan Xilliga Soonka.

garable.com
muxudin diini fiidow

Bisha barakaysan ee Ramadaan oo laga arday dalal dhowr ah.


Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa caawa laga arkay wadamo dhowr ah oo ku yaala Dalka Dibadiisa.
Wadamada Bisha laga arkay waxaa ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraadka carabka iyo dalal kale oo Wadamada Carab ah.

Sida uu Idaacada Risaala eemagaalada Muqdisho u sheegay Safiirka Dowlada Soomaaliya ee Sacuudiga bisha barakaysan ayaa laga arkay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala Sacuudiga.

Wasiirka wasaarada Owqaafta iyo arimaha diinta ee Xukuumada Soomaaliya Ugaas Axmed Bille ayaa goordhow u sheegay Idaacada Risaala inay walli sugayaan qof soo sheegta inay aragtay Bisha Barakaysan,taasi oo ka dhigaysa in walli Soomaaliya aan bisha meel laga arkay lasoo sheegin.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay Ummada Soomaaliyeed usoo gudbin doonaan cid walbaa oo soo sheegta bisha iyo halka laga arko.

garable.com
muxudin diini fiidow