Dagaalyahanada Shabaab u dagaalantya ayaa la sheegay in ay aad ugu badanyihiin caruurta ay da’dooda ka yartahay 18-Sano jirka kuwaa oo ka qeyb qaata dagaalada tooska ah iyo dagaalada dhuumaaleesiga ee inta badan Shabaab geestaan. Al-Shabaab ayaa sidoo kale tababr siisa Caruurta ay aabayaashooda ku geeriyoodeen Dagaalka ay Shabaab kala horjeedaan Ciidamada Dowlada ee kuwa shisheeye ee wehliyaan kuwaa oo lagu abaabiyo sidii ay aabayaashood ugu aargudi lahayeen jihaadkana uga qeyb qaadan lahaayeen. Sawirada idin muuqda waa Caruur aad u yar yar oo Shabaab u carbinayaan sidii ay Dagaalada uga qeyb qaadan lahaayeen iyagoona baraya shiiska iyo sida wax loo dilo. Labada Dhinac ee Soomaaliya dagaalada iskaga soo gorjeeda waa Shabaab iyo Dowlada KMG labadaba waxaa ka buuxa caruur aad u yar yar oo la askareeyay kuwaa oo quryo loo dhiibay looguna magac daray manaxayaasha. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Nairobi Kenya Allbanaadir@live.com
| |||||
· garable.com muxudin diini fiidow |
Wednesday, 20 June 2012
Daawo Sawirada ‘Sida Al-Shabaab u tababaraan Caruurta aadka u yar yare una baraan sida Qoryha loo rido
QM OO SHEEGTAY INAY TIRA KOOBI DOONTO DADKA SOOMAALIDA EE KU BARAKACAY SOMAALIYA
Hay'adda QM u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 1.35 million oo qof inay ku barakaceyn Soomaaliya, laakiin tiradaas waa mid qiyaas ah waayo tira dhab ah lama hayo.
Isagoo saxaafadda kula hadlayay Nairobi, madaxa QM u qaabilsan qoxootiga Soomaaliya , Bruno Geddo, ayaa waxa uu sheegay in hey'adda UNHCR ay sameyn doonto tirakoob ay ku ogaaneyso dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya.
Wuxu yiri dadka barakacaya waa kuwa guur-guuraya oo hadba aadaya meesha ay nolal taalo taaso ay keentay in la waayo tira sax ah, iyo meelo badan oo koonfurta aysan galaan gal u lahayn shaqaalaha hey'adda inay tagaan meelaha ay maamulaan AL-Shabaab.
Geddo ayaa hoosta ka xariiqay in hey'adda ay tagi doonto magaalada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka qabsadeyn Al-Shabaab.
Afgooye oo 30-km u jirta Muqdisho ayaa tobanaan kun oo qof ay gaareyn halkaas intii ay socdeyn dagaalada Soomaaliya.
UNHCR ayaa sheegtay in dhibaatooyinka ka jira dalalka Soomaaliya, Sudan, Libya iyo kuwa kale oo caalamka ka tirsan ay sababeen barakaca 800 kun oo qof sanadkii la soo dhaafay ee 2011-ka.
Tirada dadkaas barakacay ayaa noqoneysa tii ugu badneyn oo muddo laga joogo 11 sano.
Warbixinta Hay’adda UNHCR ayaa lagu sheegay in dadkaas ay isugu jiraan kuwa xudduudaha ka soo gudbay iyo kuwa guryahoodii ka tegay oo aaday goobo kale oo dalkooda ka mid ah.
UNHCR ayaa ku sheegtay tirada guud ahaan ee ka barakacay adduunka sanadkii tegay ee 2011-ka 4.3 milyan oo qof.
Sidoo kale, hay’adda UNHCR waxa ay warbixintu ku sheegtay in waddanka Soomaaliya ay ka barakaceen sanadkii hore 1.1 milyan oo ruux, Sudan 500 kun, Kongo 491 kun, Afghanistan 2.7 milyan iyo Iraq 1.4 milyan oo qof
garable.com
muxudin diini fiidow
MAAMULKA SOOMAALILAND IYO DOWLADDA SOOMAALIYA OO WADAHADAL UGA FURMAYA LONDON
Axmed Cabdi Xasan oo kamid ah jaaliyada Maamulka Soomaliland ee London oo la hadlay tifariraha garable.com ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay shir maanta uga furmaya maamulka Soomaaliland iyo dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in u jeedada shirka uu yahay sidii ay ku heshiin lahaayeen maamulka Soomaaliland iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya isaga oo tilmaamay in wadahadalada ay ku qotomaan in dowlad dhexe ay isugu yimaadaan labada dhinac iyo sidoo kale in dhaqaalaha ay kuwada heshiiyaan.
Wuxuu intaa raaciyay hadalkiisa in fikrada wada hadalkani aysan ka imaan Soomaali balse ay ka timid dowladaha reer galbeedka oo heshiiskan dhax dhigaya maamulka Soomaaliland iyo dowladda Soomaaliya.
Axmed Cabdi Xasan waxa uu sidoo kale sheegay in maamulada Soomaliland iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya aysan kala go,i karin dhanka dhaqaalaha iyo sidoo kale xiriirka kaleba ay wanaagsan tahay in wadahadalada guul lagu dhameeyo.
Maamulka Soomaliland ayaa dhowr jeer waxa ay ka dhawaajiyeen in Soomaaliya inteeda kale ay ka go,een islamarkaana ay ka madax banana yihiin
garable.com
muxudin diini fiidow
Subscribe to:
Posts (Atom)