Monday, 11 June 2012

Xog hoose:Khilaaf Soo Kala Dhexe Dowlada KMG Ah, Amisom Oo Dhinac Ah & Ethiopia ureey

10124_300x225_971102745Ilo Xogogaal ah oo laha helay Saraakiisha Dowlada KMG ah ee Somaliya, ayaa sheegaya in Khilaaf iyo muran soo kala dhex galeen Saraakiisha Dowlada KMG ah iyo Amisom oo dhinac ah & Ethiopia, taasoo sababtay in Ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa magaalooyinka Maxaas iyo Ceel buur ay dib uga baxaan kadib markii ay saluugeen in aaaney la tala gelin Maamul Goboleedyada Puntland & Galmudug oo ay aad u taageersan yihiin afkaarta Ethiopia iyo in lagu biiriyo xubno ka tirsan Suufiyada Gobolada dhexe.
Xogtaan ayaa tilmaamtay in booqashadii ay shalay ee Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka ku yimid Muqdihso looga dooday, qodobo badan oo ay ka mid yihiin, ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee degaanadii hore looga xoreeyay Kooxda Shababka, diidmada xubnaha Maamulada Faroole iyo Caalin ee wax ka bedelada lagu sameeyay qabyo qoraalka, digniino cusub oo loo jeediyay xubno Wasiiro ah oo xiligaan sheegay iney saluugsan yihiin qaabka loo maareeyay dastuurka cusub.
Wararka ayaa sheegaya in Xukuumada Meles ay dhowaan magaalada Muqdisho u soo diri doonto Col. Gabre tadase oo mudada dheer wakiilaan la shaacin u ahaa Dowlada Tigreega dhanka ah Somaliya.

Col.Gabre oo saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa la sheegayaa inuu hordhigi doono Taliska Amisom in go’aanka Ethiopia uu yahay in ay ciidankeeda kala baxdo Somaliya isla markaana AMISOM looga fadhiyo la wareegto degaanada ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamadaan.
Talaabadaan ayaa soo shaac baxday, kadib markii khilaaf iyo ismaan dhaaf in muddo ah so jiitamayay oo u dhexeeyay dawladaha AMISOM ku jira oo isku dhinac ah iyo Ethiopia, iyadoo Xukuumada Meles ay warar hoose sheegayaan muddo 45 cisho ah in ay ugu qabatay AMISOM ciidamo in ay ku geeyaan Goobaha ay joogaan.
Xukuumada Meles ayaa aad u saluugtay in aan la talo gelin qaabka loo diyaariyay qabyo qoraalka iyadoo qoraalkii ay la dhacsanaayeen la diiday, laguna bedelay mid kale, sidoo kale waxaa kale aad uga xumaadeen in maamuladii Puntland & Galmudug aan loo oggolaanin iney iyagu soo xushaan ergada Odayaasha dhaqanka kuwa Ergooyinka ee dooranaaya Xildhibaanada Dowlada cusub. Saraakaalkaan ayaa looga fadhiyaa inuu culusyo ku saaro Saraakiisha Dowlada KMG ah kuwea Amisom iney tanaasulaad la yimaadaan oo loo oggolaado in faroole iyo Caalin la qanciyo isla markaasna xubno suufiyada ka tirsan ee Gobolada dhexe lagu biiriyo ergooyinka iyo Xildhibaanada mustaqbalka, hadii kale ay dhamaan ka bixin doonaan degaanada ay qabsadeen sida ay haatan yeeleen Degmooyinka Maxaas & Ceel buur

garable.com
muxudin diini fiidow

Shabaabkii Kismaayo oo bilaabay inay Xaraashaan Baabuurtoodii”Gawaarida oo la Isku baryaayo


Horjoogayaasha Koxda Shabaab Al-qaacida ee magaalada Kismaayo ayaa bilaabay inay lacago aad u yar ku xaraashaan baabuurtoodii raaxada, ayadoona arrintani ay noqotay hadal heynta ugu weyn ee laga hadal hayo magaalada Kismaayo.
Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Ciidamada isgarabsanaya ay magaalada u soo jirsadeen 75KM taasoo saameyn ku yeelatay sii joogitaanka Kismaayo ee Maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha kooxda Shabaabka.
Suuqyada magaalada Kismaayo ee lagu iibiyo baabuurta ayaa lagu arkayaa horjoogayaal badan oo beecinaya baabuurtooda, ayadoona ay ku raadinayaan qiimo aad u yar.
Dadka iyo qeybaha kala duwan ee ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa bilaabay inay ka faa’ideystaan baxsadka horjoogayaasha Shabaabka, iyagoona ku gadana qiimo sadex jibaar uga yar intii ay markii hore baabuurta ku soo iibsadeen.
Baabuurto loo yaqaano, Rooneda,Saarufta, Zuzuga iyo baabuur kale oo ay leeyihiin horjoogayaasha Shabaabka ayaa waxaa ay maanta Kismaayo ka marayaan $700 (todobo boqol oo doollar) ilaa $800(sideed boqol oo doollar) taasoo aad uga yar qiimihii ay markii hore ku soo gateen.
Horjoogayaasha Shabaabka iyagu hadii ay xaraashaan baabuurta ay ku socon jireen iyo hadii kale makala jecla waayoo markii horeba lacag uguma fadhinin waxaana ay markii hore xoog uga qaateen lacaga ay baabuurta ku soo iibsadeen ganacsatada iyo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Kismaayo

garable.com
muxudin diini fiidow

Odayaasha dhaqanka ee shirka uga socda magaalada Muqdisho oo 3-qodob ka dalbaday dowladda Mareykanka

Odayaasha dhaqanka ee shirka uga socda magaalada Muqdisho oo shalay la kulmay wafdi sare oo ka socday dowladda KMG ayaa ka dalbaday sedex qodob in dowladda Mareykanku ay ka taageerto Odayaasha, kuwaas oo kala ah inaan lagu soo faragelin soo xullidda ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub iyo Baarlamanka cusub ee imaan doona.
Odayaashan ayaa sidoo kale sheegay inay ka codsadeen dowladda KMG inay gacan ka geystaan meelmarinta xilliga kala guurka iyo tasiilaadka loo baahanyahay iyo inay lagama maarmaan tahay in ka hor inta aan la ansixin dastuurka la horkeeno Odayaasha dhaqanka si ay u arkaan.
Odayaasha oo shalay kulan gaar ah la yeeshay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Johnnie Carson ayaa sheegay in kulankooda ay kala hadleen sidoo kale sidii loo dedejin lahaa xilliga KMG ee u harsan dowladda KMG, Odayaashuna ay ku dhaqsadaan howlaha horyaala, sida xullidda ergooyinka ansixinaya dastuurka iyo Baalamaanka cusub ee ay Soomaaliya yeelanayso.
Sidoo kale Odayaasha waxay sheegeen in dowladda KMG ay u balanqaaday inay gacan ka geysanayaan sidii loo dhameystiri lahaa xilliga KMG ah, isla markaasna ay diyaar la yihiin tasiilaad kasta oo loo baahdo haddii howluhu ku socdaan sidii loogu talogalay oo aan laablaab lala imaan

garable.com
muxudin diini fiidow

Ra’isul wasaare C/weli Gaas:- Doorkii saxiixayaashu hadda wuu dhamaaday oo soo xulidda golaha ansixinta iyo Baaarlamaanka cusub waa howl u taalla

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali{Gaas} ayaa sheegay markii ugu horeysay in saxiixayaashii Road Map-ka howshoodii laga soo gudbay oo aysan door muuqda ku laheyn soo xullidda errgooyinka ansixinaya dastuuka iyo sidoo kale soo xullidda Baarlamaanka cusub ee bedeli doona kuwa haatan jooga., wuxuuna intaasi ku daray Ra’isul wasaaruhu in hadda ka dib howsha dhiman ay u taallo Odayaasha dhaqanka oo laga sugayo dedejinta howlaha dhiman.
Ra’isul wasaaraha oo la weydiiyey su’aal aheyd inay dhici karto in qaar ka mid ah ay saxiixayaasha Road Map-ku ay ka horyimaadaan qorshaha lagu soo xulayo ergooyinka iyo Baarlamaanka cusub ayaa sheegay inaysan jirin cid ka horimaan karta, higelinta qorshaha Road Map-ka, isagoo xusay inuusan hadda isagu ogeyn cid ka soo horjeeda qorshaha looga baxayo xilliga KMG oo ka tirsan saxiixayaasha Road Map-ka, wuxuuna intaasi ku daray in inta uu ogyahay dhammaan saxiixayaasha Road Map-ka ay isku jiho  u socdaan oo ay isku meel wax u wadaan.
“Haddii hadda qof leexdo waa laga badanyahay inkastoo ay caqabad tahay hadda waxaa la raacayaa intaba badan, mana jito cid kelgeed wax diidi karta waxna ogolaan karta” ayuu yiri Ra’isul wasaare Gaas oo sidoo kale qiray inay jiraan Odayaal dhaqameed weli lagu muransanyahay oo hadda ka qeybagalaya shirka Odayaasha dhaqanka uga socda magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in arritaasi loo soo saaray Guddi soo xalliyada oo ka tirsan Odayaasha dhaqanka dhexdooda dhawaana ay ku rajoweynyihiin in la dhameystiro khilaafka jira.
Dhinaca kale Ra’isul wasaare Gaas waxa uu sheegay in dhawaan ay wadahal isugu imaan doonaan dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kaas oo sida uu yiri uu ka rajeynayo in dadka Soomaaliyeed ay isugu soo noqon doonto midnimadoodiina ay dib u raadsan doonaan, mar uu arrinkaasi ka hadlayeyna waxa uu yiri “Anigu ma oran karo maalin hebel iyo magaalo hebelo ayuu ka dhacayaa shirka, laakiin waxaan kuu sheegi karaa in dhawaan u shir dhexmari doono labada dhinac

garable.com
muxudin diini fiidow
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta maamulka Somaliland waxaa lagu wadaa in dhawaan magaalada Hargeysa ay tagaan mas’uuliyiin ka socota dowladda KMG Soomaaliya, gaar ahaa wasiiro ka socda Xukuumadda KMG Soomaliya sababo lagu sheegay sidii looga wada hadli lahaa qaabkii loo bilaabi lahaa wadahalkii dhexmari lahaa dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Sida warku sheegayo wasiiradan ka socda dowladda KMG ee tagaya magaalada Hargeysa ayaa diyaarinaya qaabkii ay Somaliland uga wadahadli lahaayeen dhismaha Guddiga labada dhinaca oo uu muran badan weli ka taaganyahay, waxaana la sheegay in weli la isku maandhaafsiisanyhay dadka dowladda KMG uga qeybgalaya wadahalka.
Lama sheegin tirada wasiirada ah ee ay dowladda KMG u direyso magaalada Hargeysa iyo cidda hogaamineysa, sidoo kalena lama oga inay yihiin wasiiradaasi dad ka soo jeeda deegaanada maamulka Somaliland iyo inay yihiin kuwo kale oo isku dhaf ah, lamana oga sida ay arrintani ku suutageli doonto, iyadoo horay gogasha dhexdhexaadinta labada dhinac loo dhigay dalka Ingiriiska ka dib markii uu dib u dhac ku yimid shirkii ay yeelan lahaayeen labada dhinac.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG iyo maamulka Somaliland oo ku saabsan wafdiga ka socda dowladda KMG ee la sheegay inuu safar ku tagayo magaalada Hargeysa, marka laga reebo warka ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maamulka Somaliland, sidoo kalena ma jirto isku soo dhanwaansho u dhaxeysa labada dhinac oo ku saabsan wadahalka loogu baaqay inay yeeshaan, kaas oo ay hadda ka soo wareegatay markii loogu baaqay inay wadahadlaan muddo ku dhow afar bilood oo xiriir ah.

garable.com
muxudin diini fiidow

PUNTLAND OO DIYAARINAYSA ERGADA ANSIXINTA DASTUURKA & XUBNAHA BAARLAMAANKA CUSUB



Wasiirka maaliyadda Puntland Dr. Faarax Cali Shire oo Madax u ah guddi dhawaan uu Madaxweynaha Puntland u xil saaray sixitaanka qodobo Dastuuurka ku jira oo ay Puntland qoonsatay ayaa waxa uu sheegay in maamulka Puntland uu dhamays tiray soo xulidda ergada Puntland uga qayb gelaysa ansixinta dastuurka iyo xubnaha uga mid noqonaaya Baarlamaanka cusub.

Dr. Faarax Cali Shire waxa uu tilmaamay in Puntland ay soo dhamays tirtay xubnahaasi hase yeeshee ay jiraan dhaliilo ay weli ka qabaan Dastuurka cusub kuwaasi oo ku aadan in wax laga bedelay qaar ka mid ah qodobadii horay loogu soo heshiiyey.

Puntland ayaa walaac ka muujiyey dad ay sheegtay in ay wataan dano gaar ah kuwaasi oo ay tilmaamay inay waddada la leexinaayaan qorshayaasha geedi socodka nabadda Soomaaliya ee horay loogu soo heshiiyey.

Puntland waxay dhowaan sheegtay in ay dhaliilsan tahay qodobo ka mid ah Dastuurka cusub ee dhowaan lagu wado inuu dalku yeesho

garable.com
muxudin diini fiidow

OOXO HUBAYSAN OO SAAKA DHAAWAC U GEYSTAY GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA HARGEYSA



Wararka aan ka helayno Magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in waaberigii Saaka magaaladaasi lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamada Magaalada Hargaysa.
Sida wararku sheegayaan Cabdirashiid Duraan oo ah gudoomiyaha Maxkamada Hargaysa ayaa waxaa dhaawacay kooxo hubaysan oo la sheegay inay bastoolad ku hubaysnaayeen.

Dhaawaciisa ayaa waxa uu yimid kaddib markii Guddoomiyaha uu ka soo baxay masjid ku yaala mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Hargaysa.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan magaalada Hargaysa ayaa noo sheegay in dhaawaca Guddoomiyaha la dhigay Isbitaal ku yaala Magaalada Hargaysa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhaawaca Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargaysa Cabdirashiid Duraan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhaawaciisa ay ka dambeyeen dadka indhaha soo duubtay.
Ilaa iyo hadda maamulka Magaalada Hargeysa kama hadlin dhaawaca loo geystay Guddoomiyaha Maxkamadda Magaalada Hargeysa

garable.com
muxudin diini fiidow

MAREYKANKA OO U DIGAY SHAQSIYAAD UU SHEEGTAY INAY CARQALADEEYAAN HANAANKA SOCDA


 

Kaaliyaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Africa Johnnie Carson, oo shalay booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho, ayaa shir jaraa'id waxa uu ku qabtay markii uu dib u laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana uu ka hadlay wixii uu ku soo arkay Muqdisho.

Shirka jaraa'id ugu horeyn waxa uu kaga hadlay Johnnie Carson, in horrumar laga gaaray xagga ammaanka magaalada Muqdisho, gaar ahaan sanadihii ugu dambeyay, kuwaas oo ay sheegeen in ay door ka qaateen ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa, sidoo kale waxa uu la kulmay madaxda dowladda KMG ah Soomaaliya, sida madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha, waxaana uu ku booriyay in la dhameeyo xiliga KMG ah oo ku eg bisha August ee sanadkan, iyadoo dastuurka cusub la dhameenayo si loo gogal xaaro doorashada soo socota.

Sidoo kale waxa shirka jaraa'id ee Carson digniin uu ugu jeediyay shaqsiyaad uu sheegay inay doonayaan in carqaladeeyaan hannaanka hadda socda ee looga baxaayo KMG, wuxuuna ugu yeeray qoladaasi qaswadayaasha ah in oo ku jira dowladda ama bannaanka ah in lagu soo rogi doono xayiraado ay ka mid yihiin safaradda dibadda laga joojiyo iyo hantitooda laga xayiro.

Carson ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in sideed ama sagaal dilomaasi ay hadda ka howlgalaan Soomaaliya si buuxda, laakiin ma sheegin in Mareykanka ay hadda doonayaan in dib u furtaan Saxaafadda Mareykanka ee Soomaaliya.

"Waxa ay Washington sii wadi doontaa inay hubiso xaaladda ammaanka si loo helo meel babaado ah oo aan ka furano Xafiis" ayuu yiri Carson .

Carson waa sarkaalkii ugu sareeyay ee Mareykan ah oo soo booqda Muqdisho muddo ku dhow 20-sano, waxaana dhowrkii saacadood ee uu joogay caasimada uusan ka bixin garoonka diyaadaha Muqdisho, halkaas oo ay ammaankiisa sugaayeen ciidamo Uganda iyo Brundi ah
 
garable.com
muxudin diini fiidow