Wednesday, 9 May 2012

Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Xudur

Ugu yaraan 17 Qof ayaa ku dhimatay tira kalena wey ku dhaawacmeen dagaal duleedka degmada Xudur ku dhex maray ciidamada DKMG ah oo ay kaabayaan kuwa Ethiopia iyo kooxda Al-shabab . Dagaalka ayaa ka dhacay tuulo la yirahdo Abaq- Gedey oo 18 km u jirta Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka bakool . Dagaallka ayaa bilowday markii ciidmada dowladda iyo kuwa Ethiopianka ah ay weerar ku qaadeen fariisin ay tuurladaasi ku laheyd kooxda alshabab. Xildhiban Maxamed Mashruuc oo ka tirsan saraakiisha dowladda ee ku sugan Xuduer ayaa VOAda u sheegay in dagaalka ay ku dileen 17 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabab isla markaana sadex askari oo kuwa dowladda ah lagu dhaawacay. Ma jiran warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada sarkaalkaasi ka tirsan dowladda.

garable.com

Dowladda KMG oo beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ka codsatay in gacan laga siiyo xoojinta amniga oo uu sheegay in

Kulan looga hadlayey arrimaha ammanka ee dalka Soomaaliya oo ay
yeesheen Guddiga isku dhafka ah ee ammaanka dalka Soomaaliya ayaa waxa
uu ka dhacya magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgaleen xubno ka
kala socday dowladda KMG, maamulada Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna
Waljamaaca, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Kulanka oo ahaa kii 13-aad socdayna muddo laba maalmood ah ayaa shalay
lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo baxay kulanka
qodobo ay ka mid yihiin in la adkeeyo ammaanka dalka iyo weliba
deegaanadii Al-shabaab laga qabsaday iyo in la sii dardargeliyo
dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Shirkan ayaa waxaa dowladda KMG uga qeybgalay xubno uu ka mid ahaa
Ra'isul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo sheegay in AMISOM
ay gacan ka geystay sidii looga saari lahaa dhul balaaran Al-shabaab,
isagoo sidoo kale xusay in loo baahanyahay in gacan laga geysto sidii
goobahaasi ammaankooda loo adkeyn lahaa.
“Qodobada muhiimka ah ee ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in
dowladda KMG gacan laga siiyo sidii ay u xoojin laheyd ciidamadeeda,
sidoo kalena dhamaan ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira
Al-shabaab loo mideyn lahaa” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya
Xuseen Carab Ciise oo markii uu shirku dhammaaday ka hadlay qodobadii
ka soo baxay, wuxuuna wasiirku intaasi ku daray inay ka codsadeen
beesha caalamka in ciidamadooda laga siiyo gacan sidii ay deegaanada
ay ku harsantahay Al-shabaab ula wareegi lahaayeen
Mas'uuliyiintii ka socday Qaramada Midoobay ee shirka ka qeybgalay
ayaa iyana sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin horumarka ay dhinaca
ammaanka ka gaareen dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM, waxayna sidoo
kale bogaadiyeen shirka odayaasha-dhaqanka uga socda magaalada
Muqdisho.
 
garable.com 

Banaanbax looga soo horjeeday dastuurka qabyo qoraalka iyo ansixintiisa oo ka dhacay magaalada

Banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday dastuurka qabyo qoraalka iyo
Odayaasha ku shirsan magaalada Muqdisho ee la doonayo inay soo xulaan
dadkii ansixin lahaa dastuurka ayaa shalay ka dhacay magaalada
Baargaal ee xarunta dowlad goboleedka Caseyrlan, kaas oo ay ka
qeybqaateen kumaan dad ah oo si weyn u diidanaa ansixinta dastuurka.
Axmed Maxamed Saalax oo ka mid ah Xildhibaanada dowlad goboleedka
Caseyrland oo la soo xiriiray Wargeyskan ayaa sheegay in Wasiiro,
Xildhibhaano, Culimaa’udiinka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Haweenka
iyo Dhalinyarada ka soo jeeda dowlad goboleedka Caseyrland ay ka
qeybqaateen banaanbaxa looga soo horjeeday dastuurka iyo ansixintiisa,
wuxuuna Mr. Axmed intaasi ku daray in maamulkoodu uusan marnaba
ogolaan doonin in dalka lagu dhaqo wax aan aheyn diinta Islaamka amaba
aysan u dhameyn ummadda Soomaaliyeed, guud ahaanna ay ka soo
horjeedaan dastuurka haatan la wado.
“Haddii aynu nahay dowlad goboleedka Caseyrland iyo shacabkeeda nama
soo galo dastuur ku sheega ay dabada ka riixayaan C/raxmaan Faroole,
C/weli Maxamed Cali {Gaas} iyo Mahiga, waxaana beesha caalamka u
sheegaynaa in dadka Soomaaliyeed aysan ku meselin {metelin} dastuurka,
annaguna aanu raali ka aheyn in dalka lagu dhaqo wax aan aheyn diinta
Islaamka” ayuu yiri Axmed Maxamed Saalax oo ka warbixinayey banaanbaxa
looga soo horjeeday dastuurka ee ka dhacay magaalada Baargaal ee
xarunta maamulka Caseyrland.
Sidoo kale waxaa banaanbaxa ka hadlay sida uu Mr. Axmed sheegay
Wasiirka gaashaandhigga dowlad-goboleedka Caseyrland Xareed Ciise
Cumar oo sheegay in dastuurka cusub uusan u daneynin dalka iyo dadka
Soomaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray in dastuurkaasi ay dad gaar ah
wataan Soomaali oo dhanna aysan ku mideysnayn, isagoo sheegay in
dastuurka aysan ku jirin Somaliland, arrinkaasina uu keeni karo in
Somaliland ay sii fogaato maadaama aysan waxba ka ogeyn dastuurka
cusub ee la leeyahay hala ansixiyo, waxaadna moodaa ayuu yiri wasiirku
in laga shaqeynayo oo keliya kala googo’a Soomaaliya iyo sidii loo
kala geyn lahaa, balse aan meesha lagu heynin dan umadeed iyo wax la
mid ah.
 
garable.com 

Odayaal iyo waxgarad ka digay dagaal beeleed ka dhaca Galgaduud

Kullan Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay kaga hadleen xaalado kasoo cusboonaaday gobolkaasi, iyagoo ku baaqay in laga digtoonaado wax waliba oo dhalin kara dagaalo halkaasi ka dhaca.
Kullanka oo ay ka hadleen qaar ka mid ah Odayaashii kasoo qeyb galay ayaa dhamaantooda waxa ay si wayn kaga hadleen dhacdooyin ay shegeeen in maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen qeybo ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud, iyagoo cambaareeyay fal ay sheegeen in lagula kacay qaar ka mid ah dadka dega degmada Ceel-buur.
Nuur Cabdulle Xaayoow oo ka mid ah Odayaashii ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in looga baahan yahay beelaha wada dega halkaasi inay ka wada shaqeyaan nabadda, isagoo ugu baaqay Ahlu Sunna Waljamaaca oo Maamusha inta badan gobolkaasi inay soo cadeyso dad lagu dhibaateeyay gobolka Galgaduud.
Tan iyo markii uu qarax xooggan ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud waxa jiray howlgallo Ciidamada Ahlu Sunna ay ka sameyeen Magaaladasi iyo kuwa kale ee ku xeeran, iyagoo sheegay inay ka hortagayaan falala ammaan dari oo ka dhaca halkaasi.

garable.com

Ciidamada Puntland oo holwgallo dad, hub iyo qamri lagu soo qab qabtay ka sameeyay Gaalkacyo

Howlgal ay ka sameeyeen Ciidamada ammaanka  ee Maamulka Puntland Xaafadaha Israac, Garsoor iyo Xaafado kale oo dhamaantooda ka tirsan Woqooyiga Gaalkacyo ayaa waxa ay kusoo qab qabteen dad watay hub sharci daro ah oo ay doonayeen inay falal ammaan dari ah ay ka fuliyaan Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Hubka lasoo qab qabtay ayaa waxa ay isugu jiraan AK-47, Bastoolado iyo Bambaanooyin la sheegay in la doonayay in lagu fuliyo falal ammaan dari ah.
Taliyaha qeyb booliska gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Jaamaca Max’ed oo la hadlay Warbaahinta aya waxa uu sheegay in Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen ku dhawaad 4-qofood oo watay hub sharci dari ah kuwaasi oo uu tibaaxay inay doonayeen in falal ammaan dari ah ay ka fuliyaan Magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha ayaa sido kale sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen dhalooyin qamri ah iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya kuwaasi oo la doonayay in la geeyo Magalada Garoowe, isagoo xusay in guud ahaan dadkii ay qab qbateen ay Xabsiga u taxaabeen.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gaalkacyo inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago dhibaatooyinka ka dhaca Magaaladaasi.


garable.com

Al Shabaab oo ku dhawaad 100-Odiyaal dhaqameed ka qafaashay gobolada dhexe

Xildhibaan Daahir Sheekh Amiin Jeesoow oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya, howlo shaqona u jooga gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay ku dhawaad 100-Odiyaal dhaqameed oo ay Al Shabaab ka qafaasheen deegaanno hoostaga gobolada Hiiraan, Sh/ dhexe iyo Sh/hoose.
Xildhibaan Jeesoow ayaa waxa uu sheegay in in Odayaashaasi into badan laga qab qabtay deegaannada kala ah Buqda-aqable, Ceel-Cali, Mukeyle iyo deegaanno kale kaddib markii Al Shabaab ay Odayashaasi ugu shakiyeen inay isu diyaarinayaan ka qeyb galka kullanka Odayaasha dhaqanka ugu soconaya Magaalada Muqdisho kaasi oo looga arrinsanyo xal u hildda arrimaha la xiriira Dastuurka.
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Sheekh Cali Dheere oo ka hor inta aan furmin shirkaasi la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Odayaashii saxiixa arrimaha qabyo qoraalka Dastuurka ay u aqoonsan doonaan dad riddoobay oo diinta ka baxay sida uu hadalka u dhigay


garable.com.

UNHCR oo ka warbixisay Tahriibiyaal Somali ah oo gaaray

Warsaxafadeed ay sooo saartay Hay’adda qaxootiga u qaabilsan QM ee marka magaceda lasoo gabiyo loo yaqano UNHCR ayaa sheegtay in dooni ay saarayeen muhajiriin Afrikan  oo ay ka mid ahayeen muwadiniin Soomaali ah ay ku degatay Jasiiradda Malta ee dalka Talyaaniga.
Warsaxaafadeedkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in doonidaan oo kasoo shiracatay todobad ka hor xeebaha dalka Libiya ayaa waxa  ay Hay’addu sheegtay inay saarnaayeen 90-muhaajiriin Afrikan oo ay ka mid ahaayeen muwaadiniin Soomaali ah, hase ahaatee sabtigii lasoo dhafay ay ku dagtay Jaziirada Malta ee dalka Liibiya.
Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR oo lagu magacabo Adrian Edwards oo saxaafadda kula hadlay magalada Geneva ayaa sheegay in doonidan ku dagtay Jaziiradda ay ku dhinteen 5-nin iyo 2-Dumar ah.
Adrian Edwards’s ayaa xusay in muhajiriintaan ay kusii jeedeen dalka Talyaaniga,  iyagoo raadsanaya nolol ka badalan middi ay ku noolaayeen, hase ahaatee intii ay ku jireen biyaha u dhexeeya Libiya iyo Talyaaniga ay dhibato soo gartay,  iyagoo ugu dambeyn ku guulaystay inay gaaraan dalka Talyaaniga.
Doonidaani ayaa la sheegay inay tahay middii afaraad ee ku degtay Xeebaha dalka Talyaaniga kuwaasi oo ay saarnaayeen dad kala duwan oo Muhaajiiriin ah.

cawil 

09 05 2012 waxaa maalinta sabdiga lugu qabanayaa london shir ee duduble oo leeyahay

shirkaan oo shirgadoominaayo nabadoon aadan ali shire xaga raga iyo xaga dumarka shigadoon ka ah fadimo cabdo madoow waxaaana laogeesiinaa duduble ween in ee kasoo qeebgalaan waxaana iskudubaride ka ah luul artan shere oo iska leh tifatiraha garable.com

waa luul artan shere

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi oo sheegay in Ciidamo Boolis oo suga ammaanka la geeyay Suuqa Islii

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Ameerika oo howlo caafimaad u jooga dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Ciidamo boolis ah oo suga ammaanka la geeyay Suuqa Xaafada islii oo ay ku gacansadaan Soomaali fara badan, kadib markii habeen hore kooxo Burcad ah ay dhac u geysteen Dukaamo ganacsi.

Amb. Maxamed Cali Ameerika ayaa sheegay in markii lagu soo wargeliyay dhibaatada loo geystay Ganacsatada ay durba warqad u qoreen Wasaarada Arrimaha gudaha, kana dalbadeen inay si deg deg ah wax ugu qabtaan, isagoo xusay inay weydiisteen in Ciidamo Boolis ah la geeyo suuqa oo ammaanka suga, taasoo Safiirku xusay in shalay galab la geeyay.

"Markii dhibaatadaas dhacday waxaa warqad u dirnay Wasaarada Arrimaha gudaha oo aan u sheegnay dhibaatada Ganacsatada, waa jirtaa in iyaga horay dowladda u weydiisay canshuur, laakiin waxaa lama huraan ah in ammaankooda la sugo, shalayna Ciidamo Boolis ayaa la geeyay"ayuu yiri Amb. Ameerika oo wareysi siinayay Radio Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Safaarad ahaan ay balan qaadayaan in 24-saac walba hadii Soomaalida la soo xiriiraan ay cabashadooda deg deg uga jawaabaan, isagoo balan qaaday in aan marna aanay aqbali doonin in xaqooda la qaato Ganacsatada Soomaalida.

Mar uu ka hadlay howlaha caafimaad ee uu Talyaaniga u joogo ayuu sheegay inuu ka soo bogsaday dhaawicii ka soo gaaray shilkii uu kol hore ku galay Magaalada Nairobi, isagoo tilmaamay inuu hada socon karo, lugtana ay kabantay, waxaana uu intaa raaciyay in labo maalmood gudahood uu dib ugu soo laaban doono Magaalada Nairobi.

"Aniga hada waa fiicanahay, waa socon karaa, dhaqaatiirta waxay ii sheegeen in lugtii ay kabantay, Alle ayaan u mahadcelinayaa, iyo dhamaan dadkii Soomaaliyed ee dal iyo dibada isoo duceeyay"ayuu yiri.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa had iyo jeer u taagan sidii Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya aan dhibaato uga soo gaari laheyn Laamaha Ammaanka dalkaas, iyadoo lagu xusuusto dadaaladii uu u sameeyay Soomaali badan oo xabsiga ka soo daayay, iyo kuwo kale oo lagu dhibaateeyay dalka, waxaana uu marna ka caajisin sidii Shacabka Soomaaliyed ee dalka Kenya ku sugan wax walba ugu qaban lahaa, taasoo ka qeyb ka ah waajibaadka saaran.

Shalay ayay aheyd markii Soomaali fara badan ay banaan bax ballaaran ka sameeyeen Xaafada Islii, iyagoo ka cabanayay dhac loo geystay goobahooda ganacsi, waxaana arrintan ay keentay inuu joogsado ganacsigii Xaafada Islii oo ay u badan yihiin Soomaaliya.

tifatiraha garable.com 

Ganacsade eedeeyn kulul u jeediyey Galmudug, Ximan & Xeeb & Dhuusamareeb

Ganacsade C/rashiid Shuute oo ka mid ah ganacsatada Gaalkacyo ayaa ku dhaliilay maamulada ka jira gobolada la isku yiraa Galmudug in ay ku fashilmeen in ay wax ka qabtaan dhalinyarada jidgooyooyinka dhigtay deegaanada u dhexeeya Galguduud & Mudug, gaar ahaan isbaarooyinka teedsan inta u dhexeysa Gelinsoor & Gaalkacyo, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mid dhuunta qabaneysa ummaddaha ku dhaqan gobolada dhexe.

"Gurigaaga marka aad nabdeyso ayaad Soomaali wax ka doonan kartaa, ama wax la qeybsan kartaa, beelaha Galguduud & Mudug degan waxey ku fashilmeen in ay ka kaxeeyaan wiilashada isbaaradu u taal gobolada dhexe, waddadaas oo ah halbowlaha ganacsiga gobolada dhexe" ayuu yiri Ganacsade C/rashiid Shuute, wuuxuna intaa ku daray inuu tuhmayo in maamulada goboladaas ka jira ay wax ka ogyihiin isbaarooyinka waddada tuban.
"Maxey u dhici weysay in maamuladaasi ay iska kaashadaan in ay iska qabtaan wiilasha meesha isbaaradu u taal, 4 mooryaan ah oo dhaqaalihii oo dhan curyaamisay oo isbaaro dhigatay Gelinsoor ilaa Gaalkacyo oo baabuur raran oo intaas oo milyan sida oranaya haddaan intaas oo lacag ah la innaga siin dab ayaan ku shideynaa sow weji gabax & ceeb kuma aha in ay wax ka qaban kari waayaan Caalin, Tiiceey & qoladaan maamulka Dhuusamareeb" ayuu yiri Ganacsade C/rashiid, wuxuuna intaa ku daray;
"Wax baad ka ogtihiine, haddeeydaan wax ka ogeyn ciyaalkaan isbaarada ka kaxeeya, oo dhaqancelin u sameeya"

tifariraha garable.com

Khilaaf salka ku haya xilka ka qaadis lagu sameeyey Maareeyaha dekeda Muqdisho oo soo kala dhex galay madaxweyne Shariif iyo RW Gaas

Raisul wasaaraha xukuumada KMG Somalia Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Gaahaanka ku dhuftay xilka ka qaadis madaxweyne Shariif uu maalmo ka hor ku sameeyey Maareeyaha dekeda Muqdisho Sayid Cali Macalin oo xilkaas hayey labadii sano ee la soo dhaafay.
Kulan xasaasi ah oo arintaas ku saabsan ayaa xalay labada masuul ku dhexmaray xarunta madaxtooyada Vila Somalia kaasoo biowday wax yar ka dib markii shalay galab madaxweyne Shariif uu ka soo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Kuwait, isaga iyo wafdi uu horkacayo.
Warar laga helayo ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan Vila Somalia ayaa sheegaya Madaxweyne Shariif uu ku adkeysanayo inuu xilka wareejiyo maareeyaha dekeda Muqdisho Sayid Cali, isagoo sheegay inuu magacaabayo Mareeye cusub oo ay yeelato dekeda Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee dowlada uu ka soo galo dhaqaalaha.

Hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in arintaas uu ka soo hojeestay raisul wasaaraha xukuumada Somalia C/weli Maxamed oo ku andacoonaya in lagu jiro xili kala guur ah oo la filayo in isbedelo ay dhacaan aysana habooneyn xiligan oo kale xil la qaado, isagoo soo jeediyey in maareeyaha uu ii wato howlihiisa.
Labada masuul ayaa la sheegay iney arintaas isku mari waayeen, isla markaana kulankooda uu ku dhamaaday natiijo la’aan inkastoo wararku ay sheegayaan in maanta kulan kale oo arintaas ku saabsan ay u balansan yihiin, kaasoo la filayo in arintan ay iskula meel dhigaan, waxaana wadahadalkii xalay la sheegay inuu ahaa mid kulul.
Madaxweynaha Somalia ayaa todobaadkan ku qanciyey maareeyaha dekeda Muqdisho Sayid Cali Macalin inuu xilka iska wareejiyo is taqaaladna soo gudbiyo, iyadoo aan la ogeyn sababta, hase ahaatee waxaa arintaas ogolaaday maareeyaha oo istiqaaladiisa u gudbiyey raisul wasaare Gaas, hase ahaatee raisul wasaaraha ayaa la sheegay inuu diiday aqbalida istaqaaladaas.

luul artan shire

Heyadda cuntada WFP oo dib u howlgelisay xafiiskeediigobolka Hiiraan iyo Qarax ka dhacay magaalada Belad-weyne Garoonka dayuuradaha magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan waxaa maanta ka soo degay wafdi ka kooban 5 xubnood oo ka mid ah ay yihiin ajaaniib, kuwaasoo ka socda heyadda cuntada Aduunka WFP, waxaana garoonka dayuuradaha magaalada B/weyne ku soo dhoweeyey masuuliyin ka tirsan maamulka DKMG Somaliaee gobolka Hiiraan. Masuuliyinta labada dhinac ee WFP iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka dib waxay magaalada B/weyne ku yeesheen kulan balaaran oo ku saabsanaa sidii wax looga qaban lahaa xaalada dadka tabaaleysan ee ku nool magaalada B/weyne iyo qeybaha kale ee gobolka Hiiraan. Mid ka mid ah xubnaha WFP ka tirsan oo kulankaas ka dib la hadlay warbaahinta aya sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin socdaalka ay ku tageen magaalada B/weyne, isagoo xusay in wixii maanta ka dambeeya dib loo furay xafiiskii ay ku lahaayeen gobolka Hiiraan, wuxuuna xusay iney bilaabi doonaan dayactir ay ku sameynayaan garoonka B/weyne si halkaas looga soo dejiyo gargaarka ay ugu talo galeen dadka tabaaleysan. Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee dowlada KMG Somalia C/fitaax Xasan Afrax oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey WFP sida ay xaaladan adag u garatay iney xafiiskeedii gobolka Hiiraan dib u furato si gargaar loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan ee ku dhaqan oo uu sheegay ineysan muddo sanado ah helin wax gargaar ah, isagoo balan qaaday iney dhinaca amaanka ka saacidi doonaan howlaha ay WFP ka bilaabeyso gobolkaas. Dhinaca kale, Qarax aad u xoogan ayaa ciidamo Itoobiyaan ah oo lugeynaya lagula eegtay agagaarka buundada Liiq-liiqato ee magaalada B/weyne, waxaana qaraxaasi uu ka dhashay miino lagu aasay dhulka oo meel fog laga hagayey, ilaa hadana lama oga khasaraaha ka dhashay qaraxaas iyo rasaas ka dambeysay oo ay fureen ciidamada Itoobiya

Garoonka dayuuradaha magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan waxaa maanta ka soo degay wafdi ka kooban 5 xubnood oo ka mid ah ay yihiin ajaaniib, kuwaasoo ka socda heyadda cuntada Aduunka WFP, waxaana garoonka dayuuradaha magaalada B/weyne ku soo dhoweeyey masuuliyin ka tirsan maamulka DKMG Somaliaee gobolka Hiiraan.
Masuuliyinta labada dhinac ee WFP iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka dib waxay magaalada B/weyne ku yeesheen kulan balaaran oo ku saabsanaa sidii wax looga qaban lahaa xaalada dadka tabaaleysan ee ku nool magaalada B/weyne iyo qeybaha kale ee gobolka Hiiraan.
Mid ka mid ah xubnaha WFP ka tirsan oo kulankaas ka dib la hadlay warbaahinta aya sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin socdaalka ay ku tageen magaalada B/weyne, isagoo xusay in wixii maanta ka dambeeya dib loo furay xafiiskii ay ku lahaayeen gobolka Hiiraan, wuxuuna xusay iney bilaabi doonaan dayactir ay ku sameynayaan garoonka B/weyne si halkaas looga soo dejiyo gargaarka ay ugu talo galeen dadka tabaaleysan.



Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee dowlada KMG Somalia C/fitaax Xasan Afrax oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey WFP sida ay xaaladan adag u garatay iney xafiiskeedii gobolka Hiiraan dib u furato si gargaar loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan ee ku dhaqan oo uu sheegay ineysan muddo sanado ah helin wax gargaar ah, isagoo balan qaaday iney dhinaca amaanka ka saacidi doonaan howlaha ay WFP ka bilaabeyso gobolkaas.
Dhinaca kale, Qarax aad u xoogan ayaa ciidamo Itoobiyaan ah oo lugeynaya lagula eegtay agagaarka buundada Liiq-liiqato ee magaalada B/weyne, waxaana qaraxaasi uu ka dhashay miino lagu aasay dhulka oo meel fog laga hagayey, ilaa hadana lama oga khasaraaha ka dhashay qaraxaas iyo rasaas ka dambeysay oo ay fureen ciidamada Itoobiya

warkaan waxaa noosoodiray luul artan shire