Kulan looga hadlayey arrimaha ammanka ee dalka Soomaaliya oo ay yeesheen Guddiga isku dhafka ah ee ammaanka dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacya magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgaleen xubno ka kala socday dowladda KMG, maamulada Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna Waljamaaca, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Kulanka oo ahaa kii 13-aad socdayna muddo laba maalmood ah ayaa shalay lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo baxay kulanka qodobo ay ka mid yihiin in la adkeeyo ammaanka dalka iyo weliba deegaanadii Al-shabaab laga qabsaday iyo in la sii dardargeliyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab. Shirkan ayaa waxaa dowladda KMG uga qeybgalay xubno uu ka mid ahaa Ra'isul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo sheegay in AMISOM ay gacan ka geystay sidii looga saari lahaa dhul balaaran Al-shabaab, isagoo sidoo kale xusay in loo baahanyahay in gacan laga geysto sidii goobahaasi ammaankooda loo adkeyn lahaa. “Qodobada muhiimka ah ee ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in dowladda KMG gacan laga siiyo sidii ay u xoojin laheyd ciidamadeeda, sidoo kalena dhamaan ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-shabaab loo mideyn lahaa” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo markii uu shirku dhammaaday ka hadlay qodobadii ka soo baxay, wuxuuna wasiirku intaasi ku daray inay ka codsadeen beesha caalamka in ciidamadooda laga siiyo gacan sidii ay deegaanada ay ku harsantahay Al-shabaab ula wareegi lahaayeen Mas'uuliyiintii ka socday Qaramada Midoobay ee shirka ka qeybgalay ayaa iyana sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin horumarka ay dhinaca ammaanka ka gaareen dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM, waxayna sidoo kale bogaadiyeen shirka odayaasha-dhaqanka uga socda magaalada Muqdisho.
garable.com
No comments:
Post a Comment