Monday, 28 May 2012

QM OO SHEEGTAY IN DAD SOOMAALI AH AY KU DHINTEEN DOONI KU DEGTAY XEEBAHA U DHEXEEYA MALTA IYO LIBYA



Warbixin ay soo saartay hay'adda QM u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in ugu yaraan toddobo ruux oo Soomaali ah ay ku dhinteen badda u dhexeysay Malta iyo Libya kaddib markii doonidii ay la socdeen ay ku halowday halkaas.

Warbixinta UNHCR ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 210-qof oo u badan dad Soomaali ah oo dooni ka soo raacay xeebaha dalka Libya ay ku qallibmatay badda u dhexeysa Malta iyo Libya, dhacdadan waxa ay dhacday maalintii Sabtida ee todobaadkan.

UNHCR ayaa sheegtay in dadka ku jiray doonida dagtay ay ka mid ahaayeen dumar xaamila ah, kuwaas oo doonida qaar ku dagay, sidoo kale hay'adda waxa ay sheegtay in sanadkan xeebaha Malta ay yimaadeen ku dhawaad 45-Doomood kuwaas oo sida dad asal ahaan ka yimid waqooyiga Africa, Greece iyo Turkiga.

Sidoo kale waxaa jira tobanaan kun oo qof oo ka yimid Tunisia iyo Libya, kuwaas oo tagay Malta iyo Italy waxaana ay gaarayaan 1400 oo qof, waxa ay dad dalalkaas tageen sanadkan 2012-ka.

Sanadkii la soo dhaafay qiyaastii 1,500 oo qof ayaa la soo wariyay in la waayay ama ay dhinteen kuwaas oo rabay inay gaaraan Yurub iyagoo ka gudbaya Mediterranean

garable.com
muxudin diini fiidow

Faahfaahinta Qarax ka dhacay Bartamaha Magaalada Nairobi



Isniin, May 28, 2012 Qarax weyn oo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ku dhintay hal qof, halka ay dhaawacmeen 29-qof oo shan ka mid ah la sheegay in dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus.

Taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Nairobi, Mathew Iteere ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhashay koronto qaraxday.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu daaweynayaa isbitaaladda kala duwan iyagoo badankooda la geeyay isbitaalka qaranka ee Kenyatta Hospital.

Qaraxa ayaa qalqal geliyay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga bartamaha magaalada Nairobi, iyadoo qaraxu uu dab xoog leh ka kiciyay dhismaha asasannanda oo ku yaalla waddada Moi Avenue, taasoo xudun u ah isku socodka magaalada Nairobi.

Dadweynaha Soomaalida ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo qaybaha kale ee Nairobi ayaa ku farxay markii uu taliyaha ciidamada boolisku sheegay in qaraxu uu ahaa mid koronto ka dhasha
garable.com
muxudin diini fiidow

C/LAAHI CALI CAANOOD: "KU DHAWAAD 100-QOF AYAAN SOO QABANAY



C/laahi Cali Caanood Taliyaha Gaaska koowaad Ciidamada dowladda oo la hadlay wariye websid garable.com Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in howlgalo ay ka sameeyeen ciidamada dowladda inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye ay kusoo qab qabteen dad badan.

Taliyaha Gaaska koowaad Ciidamada dowladda C/laahi Cali Caanood ayaa sheegay in dadka lasoo qab qabtay ay tiro ahaan gaarayaan ku dhawaad 100-ruux kuwaasi oo intooda badan laga qabtay gudaha Degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Wuxuu sheegay in dadka lasoo qab qabtay ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-shabaab sida uu tilmaamayna ay dharka iska badaleen oo ay isku ekeeysiin dadka shacabka ah.

C/laahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu socon doono muddo saddex cisho ah islamarkaana ay ku xaqiijinayaan ammaanka deeganada u dhaxeeya Muqdisho iyo afgooye oo dowladda iyo AMISOM ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhawaan waxa ay la wareegeen deegannada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab

garable.com
muxudin diini fiidow

DOWLADDA TURKIGA OO KA HADASHAY SABABAHA AY U QABANEYSO SHIRKA KA DHACAYA ISTANBUL



Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Axmet Davutoğlu oo la hadlaayay oday-dhaqameedyo iyo Ururada Bulshada Rayidka Soomaalida oo Axadii shirka uga furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in dalkiisa uu ahmiyad ballaarin siinaayo sidii Soomaaliya nabad loogu heli lahaa.

Wuxuu yiri waa mid ka mid ah Turkiga siyaasadiisa dibadda in la xaliyo mashaakilaadka hareeyay Soomaaliya.

Isagoo intaas sii daba dhigay “Nabad ka dhalata Soomaaliya waxa ay lamacno tahay nabad ka dilaacda Africa, badda Cas iyo Badweynta India”

Wuxu yiri “Guud ahaan aduunka waxa ay indhaha ku hayaan Shirka Soomaalida oo dhan loogu qabanaayo Istanbul, kaa oo looga hadlaayo xaaladda dalka, Turkiga waxaa halkan keenay dhamaan ururada bulshada iyo hey'addaha Soomaalida kuwaas oo awood u leh inay mideeyaan hadafkooda ku aadan Soomaaliya"

Wuxu intaas ku daray " Turki in dana gaar ah uusan ka lahayn Soomaaliya, ama qatar galinaya amaanka Soomaaliya laakin waa arrin aan dooneyno xaga bini'aadinimo " ayuu yiri Mr. Davutoğlu.

İstanbul waxa ay hadda isku diyaarineysaa martigalinta shirkii labaad ah heerkiisa caalamiga kaa oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya,

Shirkan ayaa waxa uu furmi doonaa maalinta Khamiista toddobaadkan.

Shirkan waxa looga hadli doonaa masiirka Soomaaliya, waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan madaxweynayaal, Ra'iisal wasaarayaal ka socda 54-dal, sidoo kale xoghayah guud ee QM Ban Ki-Moon, Xogyahaha ururka is-kaashiga Islaamka (OIC) Ekmeleddin İhsanoğlu iyo Guddoomiyaha Midowga Africa Jean Ping.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Davutoğlu ayaa hoosta ka xariiqay in dowladiisa waxyaabaha u ballan qaaday Soomaaliya ka dhabeyn doonto, kuwaas oo lagu baaqay markii dhowr jeer ay booqdeyn Soomaaliya wafuud caalami ah oo ku jiro isaga nafsad ahaantiisa iyo Ra'iisal wasaaraha Turkey Recep Tayyip Erdoğan kuwaas oo sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan horrumarinta nabadda Soomaaliya,

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in diyaarada Turkish Airlines ay duulimaad caalami ka bilowday Mogadishu iyo İstanbul

Turkey waxa ay bixisay $365 million (TL 640 million) kuwaas oo loogu talagalay gargaar sanadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay wasiirka masiibooyinka iyo arrimaha degdega.

garable.com
muxudin diini fiidow

SARAAKIISHA CIIDAMADA DAWLADDA EE JUBBOOYINKA OO SHEEGAY INAY LA WAREEGEEN GACAN KU HAYNTA AFMADOW



Saraakiisha ciidamada Dowladda ee gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Afmadoow ee gobalka Jubadda Hoose.
Aadan Shire Rufle oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in guud haan degmada Afmadoow ee gobolka jubada hoose ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda islamarkaana ciidamada dowladda deegaano kale ay ku dhaqaaqeen.

Sarkaalkan ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in deegannada ciidamada dowladda ay ku dhaqaaqeen ay ka mid yihiin sida uu sheegay Degmada Baardheere Bu’aale, iyo sidoo kale deegaan lagu magacaabo raaxo isaga oo intaa raaciyay hadalkiisa inaysan la kulmin cid dagaal kala hortimid.

Aadan Shire Rufle ayaa sheegay in ujeedadoodu ay tahay inay ka saaraan xoogga Shabaab deegannadaasi oo idil islamarkaana ay tagaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa kaabaya.

Deegannada gobolka jubadda hoose ayaa waxaa si aad ah dhaqdhaqaaq uga wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasi oo doonaya in guud ahaan gobolkaasi ay ka saaraan ururka Al-shabaab oo hadda qeybo ka mid ah gobolkaasi Maamula

garable.com
muxudin diini fiidow

Dilal siyaabooyin kala duwan uga dhacay magaalooyinka Muqdisho, Sheekh iyo Afgooye oo ay warar iskhilaafsan ka soo baxayaan

Wararka naga soo gaaraya magaalada Sheekh ee maamulka Somaliland ayaa waxay sheegayaan in deegaan lagu magacaabo Karinta Xaajiga oo 5-KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Sheekh xalay lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Kayse Col-yare.
Sida warku sheegayo kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa ka dambeeyay dilka loo geystay ninkan lagu magacaabi jiray Kayse Col-yare, iyadoo la sheegay in kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen, waxaana markaasi ka dib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland oo baaritaano kala duwan halkaasi ka sameeyay ay gacanta ku soo dhigeen dad ay la xiriirinayeen inay ku lug leeyihiin dilka loo geystay ninkan ka midka ahaa dadka degmada Sheekh, maamulka degmada Sheekh iyo Taliska Booliska ee degmadaasi oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino dilkan ayeysan noo suurtagelin inaan khadka taleefanka ku helno
Dhinaca kale kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Shibis wiil dhalinyaro ahaa, kaas oo mid ahaa ardayda Jaamacad ka mid ah kuwa ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisa warar kala duwan ay ka soo baxayaan, waxaana wiilka la dilay magaciisa lagu soo koobay Cadnaan, iyadoo dilkiisana ay ka ambeeyeen sedex dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysanaa nawaaxiga Masjidka Jaamaca ee loo yaqaano Yaashey.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in wiilka dhalinyarada xilliga la dilayey uu watay buug, isla markaasna isu diyaarinayey imtixaanka ugu dambeeya ee sanad-dugsiyeedkan, iyadoo war lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab lagu sheegay inuu ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidanka Nabadsugidda degmada Shibis.
Dhanka kale ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee dhawaan la wareegay degmada Afgooye ayaa waxay sheegayaan inay xalay ku dileen gudaha magaaladaasi labo ruux oo rayid ahaa, kuwaas oo ay heleeshay rrasaas ay isweydaarsanayeen ciidamada dowladda KM goo dagaal uu ku dhexmaray gudaha degmada Afgooye.
Ugu dambeytii degmada Wardhigley ee gobolka Banaadi ayaa waxaa xalay fidkii lagu dilay Guddoomiye waxeed ka tirsanaa degamada Wardhiigley, kaas oo la sheegay in dilkiisa ay fuliyeen kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kaas oo lagu magacaabio jiray  Nuur Xaashi, ninkan ayaa waxa uu Guddoomiye waaxeed ka ahaa xaafadda Barwaaqo sida ay sheegtay Guddoomiyaha degmada Wardhiigley Deeqob C/qaadi

garable.com
muxudin diini fiidow

Shilal siyaabo kala duwan uga dhacay Hargeysa, Cadoodo iyo Boosaaso oo ay ku dhinteen dad uu ku jiro wasiir ka tirsan maamulka

Shilal kala duwan oo khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan dhalliyey ayaa shalay iyo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay maamulada Somaliland, Puntland iyo Ximan iyo xeeb gaar ahaan  gobolka Galgaduud, gobolka Bari iyo gobolka Awdal, kuwaas oo ay isku darkooda ku dhinteen dad ka badan 15-ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.
Shilka hore  ayaa ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaana shilkaasi gaari ku dhintay wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka Ximan iyo xeeb Sheekh Cabdi Cali Mire, waxaana sidoo kale shilkaasi dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray dad gaaraya lix qof oo dhamaantood ka mid ahaa howlwadeenada maamulka Ximan iyo xeeb.
Sida warku sheegayo shilka gaari ee uu ku dhintay wasiirkan ka tirsan Ximan iyo xeeb ayaa waxa uu ka dhashay ka dib markii gaarigii uu wsiirka la socday uu rogmaday, waxaana dhaawacmay sida lagu sheegay war ka soo baxay maamulka Ximan iyo Xeeb Waiiro kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Banaadir State, kuwaas oo haatan xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka magaalada Cadaado, waxaana la sheegay gaariga rogmaday ee uu wasiirku ku dhintay uu ku sii jeeday deegaanka Godinlabe oo ka tirsan gobalka Galgaduud.
Dhinaca kale shilka labaad oo ahaa shil gaari geystayna khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa isna ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Carmo iyo Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana shilka ku dhintay inta la ogyahay 4-ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 6-ruux oo kale, iyadoo.
Sida warku sheegayo qaraxa ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Faluuja ayaa waxaa ku geeriyooday 4-ruux, halka dhawacyaduna ay ilaa 6 ruux, wuxuuna ahaa gaari shilka galay nooca ay Soomaalidu u taqaanp Waaraadka ee xamuulka qaada, kaas oo ku sii jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dadkii ku dhaawacmay shilkan gaari qaar ka mid ah ay xaaladoodu laga soo deyrinayo, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad magaalada Boosaaso Ibitaalada ku yaala, si rasmi ahna looma oga waxyaabaha keenay shilkaasi gaari, inkastoo la sheegay inuu gaariga ka baxay wadadii uu ku socday.
Dhanka kale shilka sedexaad oo geystay dhimashada iyo dhaawaca ugau badan ayaa ka dhacay jidka isku xira amaba xiriiriya magaalada Hargeysa iyo dalka Jabuuti, gaar ahaanb degamada Lughaya ee gobolka Awdal, iyadfoo dadkii ku dhaawacmay shilkaasi lagu daweynayo Isbitaalada magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.
Sida warkus heegayo laba gaari oo noocoodu ahaa Toyota Land Cruiser oo isaga kala goosha Jabuuti iyo Somaliland loona yaqaan qareen goo ayaa isku dxhacay shalay subax waabarigii, kuwaas oo ku sii jeeday dalka Jabuuti, wuxuuna shilku ka dhacay goob loo yaqaano jidka xeebta oo isku xira Jabuuti iyo Somalilad.
Shilkan labada baabuur ayey ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay dadka ay magacyadoodu kla yihiin Marxuum Jirde Maxamuud Khaliif {Waji}, waxaana ku dhaawacmay dadka ay magacyadoodu kala yihiin Faadumo Cilmi Idiris, Faadumo Adem Jaamac,Malyuun Maxamuud Bakaal iyo Hooyadeed Xaliimo Maxamed Xasan, Sahal Rooble Cawleed, Amare Rooble Cawleed, Mowliid Kayd Xasan

garable.com
muxudin diini fiidow

SHIRKII ODAYAASHA DHAQANKA IYO BULSHADA RAYIDKA OO SI RASMI UGA FURMAY MAGAALADA ISTANBUL EE DALKA TURKIGA



Iyadoo ay labadii maalmood ee ugu dambeysay ku soo qul qulayeen caasimadda labaad ee dalka Turkiga ergooyin boqolaal gaaraya oo matalayay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Bulshada Rayidka ah ee xubno ka socday dowladda Soomaaliya ayaa waxaa saaay ka si rasmi ah uga furmay hotel Dedeman Hotel shirkaasi.

waxaa shirka furay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dalka Turkiga Ahmet Davutoğlu isaga oo ergada ka soo qeybgashay kulankana ku booriyay afar qodob oo uu sheegay inuu saldhig u yahay qabashada kulankan kuwaasoo kala ah.

1. In Soomaalidu ay helaan gole am madal ay danahooda six or ah ay uga tashadaan

2. In wada si wadajira ah ay waxgaradka Soomaaliyeed ay isula eegaan culeysyada heysta Soomaaliya iyo xalkoodaba.

3. In soomaalidu fursad loo siiyo in ay soo bandhigaan wixii ay xal u arkaan, wixii muhiim u ah si Soomaaliya ay dib ugu soo noqoto kaalintii ay ku laheyd caalamka

4. In fursad loo siiyo Turkey in ay fahamto baahida amni, midda Siyaasadeed, Bani’aadanimo iyo horumar ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibadda a yaa sidoo kale khudbadiisa ku dhiirageliyay odayaasha iyo qeybaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed inay dib boorka uga jafaan taariikhdii Soomaaliyeed ee dahabiga aheyd isaga oo tusaale u soo qaatay taariikhdii Halgankii Axmed Gureey “Waxaa la idiinkaga fadhiyaa Soomaali haddii aad tihiin in Axmed Gurey taariikhdiisii aad boorka ka jaftaan” ayuu si kaftan ah u yiri Wasiirka oo dhinaca kale tusaale u soo qaatay Soomaalidu waagii dagaalkii Andulus dadkii ka soo cararay wadamo ay ka mid tahay Spain inay Soomaaliya u barakaceen ayna soo dhoweeyeen Soomaalidu taasoo keentay inay ku noolaadaan Soomaaliya oo ay ku tartaam maantana dad faracooda ka mid ah ay ku noolyihiin.

Khudbada Wasiirka kadib, ayaa waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo bulshada Rayidka oo ay ka mid ahaayeen Fanaanka weyn ee Axmed Naaji Sacad, Cabdishire Jaamac ciyaarjecel, Orodyahanka weyn ee Cabdi Bile Cabdi iyo Amina Muse Weheliye oo ah oo ah gabar weriye caan ah.

Shirkan ayaa la qorsheeyey inuu socdo 27 bishan may illaa 02.2012 bisha dambe ee June waxaana cinwaanka shirkani yahay kulanka Istanbuul ee Bulshada Raydka Soomaalida, iyadoo ugu dambeyntii talooyinka, tusaalooyinka iyo weliba aragtiyada ka soo baxdo kulankan la hor dhigi doono kulanka weyn ee Caalamiga ah kaasoo ay ka soo qeybgali doonaan matalayaasha dhamaan beesha caalamka, madaxda dowladda, iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo lagu go’aamin doono itijaaha siyaasadeed Augost 20 2012 oo ku eg waqtiga Dowladda haatan jirta ee KMG ah.

Dhinaca kale, wefdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa caawa soo gaaray magaaladan Istanbul iyada oo sidoo kalena la filayo in labada maalin ee soo aadan ay yimaadaan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo weliba madaxda maamul goboleedyada
garable.com
muxudin diini fiidow

PUNTLAND GALMUDUG IYO AHLUSUNA OO SI WADAJIR AH UGA SOO HOORJEESTAY SHIRKA ISTANBUUL



War-murtiyeed sida wajir ah uga soo baxay madaxda labada dhinac magaalada Addis Ababa kulan ay ku yeesheen kadib ayaa lagu shaaciyey arrinta ah inaysan ka qeyb galaynin shirka 31 bishaan ilaa 1 June ka dhacaya magaalada Istanbul ee turkiga.
Puntland iyo Galmudug waxay qireen in doorka Turkiga ee Somalia uu yahay:

A)Mid aan isku dheelitirneyn

B)Mid ka soo horjeeda la tashiga Shacabka Soomaliyeed

C)Mid ay ku jiraan dano gaar ay leeyihiin arrimaha dibaddaa ee dalalka qaarkood.

D)Mid aan u cadeyn shacabka Soomaliyeed sidii ay xukun ama aragti uga bixin lahaayeen.

Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay inay qiimeeyeen muhiimada ay leedahay in lagu socdo Khariidada nabada Somalia(Road Map),shirarkii Garoowe & Galkacayo ,kii ugu danbeeyey ee Addis Ababa oo dhamaan looga danleeyahay horusocodka geediga Somalia iyo dhamaystirka hawsha dastuurka.

Waxay shaki ka muujiyeen danta laga leeyahay odayaasha dhaqanka in la geeyo Turkiga si ay kulanka uga qaybgalaaan islamarkaasina si maamul xumo ah loo maareeyey tegitaankooda sida ay ku sheegeen warsaxaafaded kooda.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay ay darseen xaalada,maamul xumada iyo faragelinta xulida odayaasha dhaqanka. Ayay sheegeen inay qaaten maqnaanshaha Puntland iyo Galmudug doorkoodi shirka ka dhacaya Istanbul.

Puntland iyo Galmudug warka ka soo baxay ayaa lagu sheegey in shirka Istanbul uu yahay mid aan Somalidu lahayn islamarkaasina danta iyo ajandaha laga leeyahayna uu yahay mid aan cadeyn loogana danleeyahay in laga talaabsado dhamaan heshiisyadii iyo shirarkii la soo galay geedi socodka nabada Soomaaliya waana mid aan la qaadan karin ayay ku soo gabgabeeyeen warka ka soo baxay labada dhinac.

Dhanka kale maamulka Ururka Ahlu sunna ee Gobalada koofureed ayaa sheegay inay hakiyeen ka qaybgalka Shirka Istanbul

Waxaana dhankooda sababta ay ku qaadaceen shirka ay ku sheegen inay ka mid tahay inay horay uga doodeen qaabka bulshada rayidka ah ay uga qayb galayso shirka Istanbul ayna soo jeediyeen in xubnaha bulshada rayidka uga qayb galaya shirka Istanbuul laga keeno guud ahaan gobolada Somaaliya amaba loo qaybsado habka dowlada KMG ah ay ku dhisantahay ee 4.5 si dhinacyada kala duwan ee Soomaalida ay iskaga dhex arkan.

Ururka Ahlu sunna Gobalada Koofureed ayaa sheegay in addis ababa caasimada Ethiopia ay kula kulmeen masuuliyiin ka tirsan Turkiga ayna ku baaqeen in la hakiyo dhoofinta odayaasha shirka ka qeyb galaya inta laga xalinaayo isfahan waaga ka jira.

Ugu dambeyntii Ururka ahlu sunn ayaa sheegay in Turkiga u dirsadeen gudi wada jir ah oo Dowlada Turkiga kala xajooda sidi ay dib ugu dhigilahayd safrinta odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka.

Shirka Odayaasha dhaqanka ayaa ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga
garable.com
muxudin diini fiidow