Sida warku sheegayo kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa ka dambeeyay dilka loo geystay ninkan lagu magacaabi jiray Kayse Col-yare, iyadoo la sheegay in kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen, waxaana markaasi ka dib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland oo baaritaano kala duwan halkaasi ka sameeyay ay gacanta ku soo dhigeen dad ay la xiriirinayeen inay ku lug leeyihiin dilka loo geystay ninkan ka midka ahaa dadka degmada Sheekh, maamulka degmada Sheekh iyo Taliska Booliska ee degmadaasi oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino dilkan ayeysan noo suurtagelin inaan khadka taleefanka ku helno
Dhinaca kale kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Shibis wiil dhalinyaro ahaa, kaas oo mid ahaa ardayda Jaamacad ka mid ah kuwa ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisa warar kala duwan ay ka soo baxayaan, waxaana wiilka la dilay magaciisa lagu soo koobay Cadnaan, iyadoo dilkiisana ay ka ambeeyeen sedex dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysanaa nawaaxiga Masjidka Jaamaca ee loo yaqaano Yaashey.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in wiilka dhalinyarada xilliga la dilayey uu watay buug, isla markaasna isu diyaarinayey imtixaanka ugu dambeeya ee sanad-dugsiyeedkan, iyadoo war lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab lagu sheegay inuu ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidanka Nabadsugidda degmada Shibis.
Dhanka kale ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee dhawaan la wareegay degmada Afgooye ayaa waxay sheegayaan inay xalay ku dileen gudaha magaaladaasi labo ruux oo rayid ahaa, kuwaas oo ay heleeshay rrasaas ay isweydaarsanayeen ciidamada dowladda KM goo dagaal uu ku dhexmaray gudaha degmada Afgooye.
Ugu dambeytii degmada Wardhigley ee gobolka Banaadi ayaa waxaa xalay fidkii lagu dilay Guddoomiye waxeed ka tirsanaa degamada Wardhiigley, kaas oo la sheegay in dilkiisa ay fuliyeen kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kaas oo lagu magacaabio jiray Nuur Xaashi, ninkan ayaa waxa uu Guddoomiye waaxeed ka ahaa xaafadda Barwaaqo sida ay sheegtay Guddoomiyaha degmada Wardhiigley Deeqob C/qaadi
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment