Tuesday, 15 May 2012

Shidalka Puntland laga helay oo keeney in loo kala tartamo iibsiga Saamiga shidaalka iyo qiimihii oo boqol jibaarmay





iibsaday shidaalka laga qodayo Puntland si ay lacagteeda qaar ugu soo laabto, Shirkadu waxay baahisay qiimaha saamiga oo xiligaas aad u hooseyey maadaama aysan kala cadayn in shidaal ku jiro dhulkaan iyo in kale, waxaa kaloo qiimaha hoos u dhigay iyadoo qolyaha wax maal gashada ay horey u maqli jireen shidaal baa Soomaaliya ku jira hadana wax sal ah aan laga gaarin.

Hadaba markii shalay la maqlay in shidaalkii laga qodayay Puntland uu rumoobay loona tagay shidaal fara badan ayaa waxaa markiiba suuqyada London is qabsaday sawaxan iyo in lookala tartamo iibsiga Saamiyada ay bixinaysay African Oil, lakin African oil waxay ogayd in xaalku sidaas noqonayo oo waxay si aan la filayn ay kor ugu qaadey qiimayaashii Samiyaasha shirkada, qiimihii ay awal ku baryaysay in lagu gato way boqol jibaarmeen.
Maalmahaa soo socda waxaa la filayaa inay Shirkada African Oil ay soo bandhigto qiimaha lagu kala iibsanayo saamiyaasha African Oil.
Dhinaca kale Waxaa lasugayaa soo noqoshada uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole uu kusoo laabanayo Puntland marka uu soo dhamaysto booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Hindiya, kadibna waxaa si rasmi ah ay Dowlada Puntland u shaacinaysaa guusha laga gaaray shidaalkii ugu horeeyey ee laga qodo gayiga Soomaaliya.

FAAH FAAHIN KUMUU AHAA NINKII BAYDHABO LAGU DILEY MAXAANA LOO DILEY

Allaha u naxriistee waxaa magaalada Baydhabo lagu diley nin lagu sheegey magaciisa Aadan Xaydar oo ahaa Dulaal laakiin hada dhow uu mas’uul ka noqdey Xafaada Berdaale dhinaca Dowlada kadib markii ay kulan la qaateen saraakiisha ethiopia oo la isku afgartey in xaafad kasta la huben doono si ay isaga difaacaan al shabaab iyo wixii la mid ah. Marxuumkaan la diley Aadan Xaydar ayaa la sheegey in loo xil saarey soo xulitaanka dhalinyeradii xaafadaasi waardaye ka noqon laheyd wuxuuna maal mahaanba xiriir la lahaa ayaa la yiri Saraakiisha ethiopian-ka iyo Maamulka gobolka Baay oo arimahaasi lagala tashanayey ka hor inta aan la qaarijinin marxuumka. Rasmi ahaan waxaa lagu diley Marxuumka Inta udhaxeysa isgoyska boqoleyda iyo Masaakidka Al Raxma waxaana la sheegey in dilkaan ay geysteen koox afka soo suubtey oo la garan waayey waxa ay yihiin kuwaas markii ay dileena ka baxsadey goobtii dilka ka dhacey. Dableyda Falka Dilka ah geysatey oo tiradooda lagu sheegey 2 ruux ayaa waxy u baxsadeen dhinaca Xaafada Buula uusley sida uu goob jooge Magaciisa Qariyey Usheegey WAAJIDPRESS Iyo BANA oo la xiriirtey. Askar ka tirsan dowlada iyo Kuwa Ethiopia ayaa durbaba waxay soo dhoobteen halkii uu dilka ka dhacey kuwaasoo bilaabey iney baaraan Xaafadihii ka ag dhowaa meesha uu dilka ka dhacey. Maxamed Cali Atoosh ayaa saaka wuxuu sheegey inayomc soo qab qabteen oo ay gacanta kusoo dhigeen ragii Baydhabo ka geysan jirey falalka Dilka ah laakiin saacad kadib ayaa waxaa isla magaaladaasi ka dhacey falkaan dilka ah taasoo beenineysa in lasoo qabtey ragii dilalka geysan jirey Baydhabo



garable.

WAR DEG DEG: Qaraxyo ka dhacay Magaalo Xeebeedka ee Mombassa iyo khasaarooyin ay geysteen

Laba qaraxyo ayaa waxay caawa ka dhaceyn Magaalada Mombassa ee dalka Kenya, waxayna qaraxyadu geysteen khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah oo u dhashay dalka Kenya. Labadaan qaraxyo oo loo-adeegsaday bambooyin ayaa waxaa lagu weeraray baar lagu caweeyo habeenkii oo ku yaalla Magaalada Mombassa, isla-markaana waxaa geystay kooxo aan la-aqoon waxa ay yihiin. Baarkaan oo ay inta badan xilliyada habeenkii ah ay iskugu yimaadaan qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Mombassa, ayaa waxaa la-sheegay la-sheegay in cawada gudaha loo-gelliyay laba qaraxyo ah, oo ka sameysan bambada loo-yaqaano F1-ta. Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxyadu ay geysteen khasaarooyin kala duwan, hase yeeshee majirto cid kala cadeyn karta noocyada ay iskugu jiraan khasaaarooyinkaan, maadaama ay daqiiqado kahor uun dhaceyn qaraxyadaan. Ciidamadda Booliska ee Magaalada Mombassa ayaa waxay soo gaareyn goobta uu qaraxu ka dhacay, wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkeena dambe

garable.com

Faroole ma Xishoodo ee waa Baqaa, waxaase kasii Xishood daran Gaas oo ah Dhaxalkii C/laahi Yuusuf

Waxaa ugu horeeysa Faroole asaga oo aanan jacleeyn Qaran Soomaali in uu dib u soo noqda sababaha soo socota darteed, waxaa uu ansixiyay Dastuur ku cad in Puntland aayan ka mid aheeyn Soomaaliya, waxaa ku Qoran Dastuurka Puntland xaga arimaha jinsiyada in Qofka Puntland ku dhashaa ama ku jiraa xeendaabka Puntland in uu qaadanayo jinsiyada Puntland. Halkaasi waxaa ka cad in Faroole iyo inta daba soctaa aayan marna raali ka aheeyn jinsiyada Soomaali iyo in aay soo noqto midnimo  Soomaali,waxaa kale oo jira magaalada Muqdisho sida aay ku socoto xiligaan ee xaga nabada iyo horumarka is-dhexgalka umada aay sabbabeeyso siyaasada Faroole in aay ka gadmiweeydo umada Soomaaliya. Waxaa uu Muqdisho u soo dirsaday duubab hal beel ah taas oo cadeeyneeyso in Puntland aay tahay hal beel oo kaliya halka Khaatumo-state Maakhir State Karkaar-state iyo Raascaseeyr-state  aay u soo dirsadeen duubab matalaya shacbka ku dhaqan goboladaa diidana kala go’ida Soomaali balse aaminsan Soomaali waxda. Waxaa meesha ka baxay waxii Mahiga iyo Faroole maleegayeen ee dastuurka qabyada qoraalka oo maalin walbaa wax laga bedelayo welina aanan cadeeyn qormada dastuurka saxda ah shacabkii lagu dhaqi lahaana aay diideen, wasiirka dastuurka iyo arimaha faderaalka mar aay wax ka weeydiisay Faroole in uu ka mid yahay Qaswadayaasha ayuu ku jawaabay in Faroole aanan loo haynin magac balse uu xaq u leeyahay in uu mucaarado,wallow uu sheegay in aay mudnaan laheeyd in uu dowlada dhexe ku soo wargeliyo wax uu ku mucaaradayo eeyan fiicneeyn in UN-ka iyo IGAD leeysku dacaweeyo. Waxaa meesha ka baxday Dastuurkii Puntland oo aay ansixyeen dhawaan dhagarqabayaasha Puntland in uusan marna la jaan qaadi karin dastuurka qabyo qoraalka maadaama maalin walbaa qodob laga bedelayaayo, Roadmapka iyo Garowe 1  Garowe 2  Galkacayo 3 ujeeddada loo abuuray waxaa aay ayeed in danaha Puntland laga hormariyo danaha umada Soomaaliya. Xaqiiqdiina waxaa iska horyimid labadaa ujeedo oo aadka u kala fogaa, waxaa cadaatay in Soomaalida aayan ogoleen dastuur laga leeyahay hadaf guracan iyo sadbursi ku dhisan xaqdaro iyo caddaalada oo laga fogaado. Xagee u socdaa Faroole ama Puntland? Waxaan marna shaki ku jirin in dhawaan aay cadeeyndoonaan in aay ka go`een Soomaaliya sida Somaliland ,waaa talaabo lagu heshiiyay kuna cad dastuurka Puntland ee dhawaan la ansixiyay, hadaba Faroole sow ma noqon geel ninkii lahaa dhacayo yaa ka soo dhigin Faroole xad ma laha xuduudiisa waxaa xargaha ka furay Shariif aanan laheeyn aqoonta Siyaasada Soomaaliya. Maxaa laga dhihi karaa R/wasaare C/weli hadaladiisii uu VOA ” Nasiib darada jirtaa waxaa weeye Dadka mucaaradaya dastuurka qabyada ah, boqolkiiba 99 maba garanayaan waxyaabaha uu qoraayo mana haboona qofku inuu  wax iska diido isagoo aan aqoon u laheyn waxa uu diidayaan” Faroole iyo Puntland ma garanayaan dastuurka qabyo qoraalka mise waa garanaayeene danahooda ayuu ka horimaanayaa ujeedada Puntland waa in aay ka go´daa Soomaaliya. Faroole ma xishoodo ee waa baqaa, waxaase ka sii xishood daran kana xanuun badan Gaas oo ah dhaxalkii C/aahi Yusuf oo og wax umada aay diidan tahay iyo hirgelinta ujeedooyinka guracan ee Faroole ama Puntland. Soomaalida waxaa la gudboon in aay dib ugu fiirsadaan dastuurka qabyo qoraalka oo runtii noqday mid dano kala duwan laga leeyahay,waxaan marna la qaadan karin in dastuurka uusan ka soo horjeedin shareecada Islaamka, waxaan cadeeynayaa in dastuurka qabyo qoraalka uu aad ugu fogyahay shareecada basle sida laga arko ansixita dastuurka in lagu ansixinaayo qaabka 4,5 oo ah mid shareecada ka fog. Qabaailada lagu sheegay nuska sida reerxamar, Barawaan Madhibaan, Jareerweeyne duubabkooda waxaa ka codsaneeynaa in aayan ka qeeybgalin shir aay nus ka yihiin, shir Soomaali u dhan tahay fadalan kaga qeeybgala iyada  oo Soomaalida aay simman tahay maah nus, diida in Baarlamaanka Soomaali aad ku yeelatiin 25 xildhibaan xaq maah balse waa gardaro qaawan, ka faa’iideeysta xiliga lagu jiraa maaha xiligii hubka leeysku handadayay balse dalka waxaa ka taliya AMISOM.

garable.com

War deg deg ah: Qaraxyo culus oo hadda Muqdisho ka dhacay

Qaraxyo caawa lagu weeraray Ciidamada Dowlada, askar ku dhimatay iyo dhalinyaro badan oo ay qab qabteen Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee fariisimaha ku leh agagaaraha Hotel Salaama ee Isgoyska Baar Ubax ee Degmada Hawl Wadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa caawa lagu weeraray laba qaraxyo. Qarax-yadaan oo loo-adeegsaday bambo gacmeydyo ayaa waxaa tuuray rag aanu heybtoodu la-garaneyn, isla-markaana markii ay bambooyinka tuureyn ayaa waxaa la-sheegay in raggaasi ay cagaha wax ka dayeen. Qaraxyada ayaa waxaa ku dhintay laba askari, iyadoo mid kalana uu soo gaaray dhaawac aanu noociisi la-shaacin, isla-markaana meydadka iyo dhaawaca askarigaasi ayaa waxaa la-sheegay in loo-qaaday cisbitaalada ku yaalla caasimadda. Wixii xilligaasi ka dambeeyay ayay Ciidamadda Dowladda hawl-gallo ballaaran ay ka sameeyeen Isgoyska Baar Ubax, iyagoona gacanta ku soo dhigay dhalinyaro badan oo ay ku tuhmayaan inay iyagu geysteen qarax-yadaasi. Ciidamadda Dowladda ayaa waxay xanibeyn isu socodkii dadka iyo gawaarida ee Isgoyska Baar Ubax, isla-markaana waxay baqdin xoogan ay soo wajahday shacabka ku dhaqan Xaafadaha Isgoyska Baar Ubax ku teedsan. Sidoo kale Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la-sheegay inay rideyn rasaas aan loo-meel dayin, inkastoo aan la-sheegin wax khasaaro ah oo ay geysteen rasaastaasi. Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, oo ku aadan qaraxyada bambaano ee caawa lagu weeraray Ciidamadda Dowladda ee fariisimaha ku leh agagaaraha Hotel Salaama ee Isgoyska Baar Ubax.

garable.com

magaalooyin katirsan gobalada dhaxe ayaa roobka da,ay

roob lagu diirsaday ayaa ka,da,ay ceelgaras,geellahelay,ceelqooxle,ceelbuur.iyo garable roobabkaan mahiigaanka ah oo duunyo iyo dad eey kudiirsadeen ayaa siwanaagsan ugu da,ay waa nimco alle ayadoo abaar ee dadka ladawaqeen oo ku dhuftay koonfurka somaliya iyo gobalada dhexe bilihi lasoo dhaafay waxaa warkaan kahelnay dadka dagan dooxo duduble

garable.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo lagu wado in uu khubad ka jeediyo shirka golaha ammaanka ee New York ka furmaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo xalay dalka Mareykanka gaaray ayaa ka qeyb gali doono shirka Golaha ammaanka ee ka furmaya magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyadoo madaxweynaha uu halkaasi ka jeedin doono khubad ku aadan xaaladda guud ee Soomaaliya.
Wefdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed markii ay gaareen magaalada New York ee dalka Mareykana ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa saacaddaha soo aadan shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeedin doona khubad xasaasi ah oo uu uga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya iyo guullihii laga gaaray shirarkii ay hoggaamiyayaasha Soomaalida ku yeesheen gudaha dalka.
Shirka golaha ammaanka kaddib madaxweyna iyo wefdigiisa aya la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada New York, sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiyay safiirka Soomaalia u fadhiya Qaramada Midoobay Cilmi Ducaale.
Dhinaca kale madaxweyne Shariif iyo wefdigiisa ayaa kulammo gooni gooni ah la qaadan doono masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykan iyo madaxda ka soo qeyb galeysa shirka golaha ammaanka oo ajandayaasha looga hadlayo Soomaaliya ugu horeyso.

garable.com

Wefdi ka socda odayaasha dhaqanka Somaliland oo Muqdisho soo gaaray

Waxaa saakay magaalada Muqdisho soo  gaaray wefdi ballaaran oo ka socda odayaasha dhaqanka Somaliland si ay uga qeyb gallaan shirka odayaasha Soomaaliyeed ee Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaraha Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Gadiid, iyo Dakedda Xukuumadda Soomaaliya mudane Saciid Qoorsheel oo ka mid ah guddiga soo dhaweynta shirka odayaasha dhaqanka Soomaaliya ayaa Radio Muqdisho u sheegay in saakay magalaada Muqdisho ay soo gaareen odayaal ka socda walaallaha waqooyin Galbeed Soomaaliya, isla markaana ay si wanaagsan u soo dhaweyeen.
Wasiiu dowlaha ayaa tilmaamay in wefdiga ka socda Somaliland maalmahan ay ku sugayeen, isla markaana hadda ay ku biirayaan odayaasha dhaqanka ee uu shirka uga socda magaalada Muqdisho, si ay u soo xulaan ergada anisixineysa Dastuurka iyo xubnaha cusub ee Barlamaanka dalka

garable.com

Sarkaal Al Shabaab ah oo lagu qabtay gobolada Jubooyinka

Saraakiisha ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Dhoobleey ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsan Al Shabaab.
Waraka lagahelayo degmada Dhoobleey ee gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan In laguqabtay sargaal sare oo  ka tirsan Xarada Al Shabaab kaasi oo laga qabtay sida la sheegay gudaha degmadaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in ay gacanta kudhigeen  sargaalkaani tilmaameen in uu katirsanaa Al Shabaab.
Waxa ay intaasi ku dareen sarakiisha dowladda in ninkan uu u qaabilsanaa qeybta wacyigalinta waxaaana ay magaciisa ku sheegeen Abshir C/llahi iyagoo xusay in wixii faa faahin ah oo ninkan ku saabsan ay dib ka bixin doonan.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Shabaab oo ku aadan sheegashada  saraakiisha Dowladda KMG Soomaaliya ee sheegaya in ay gacanta ku dhigeen sargaal sare ee ka tirsan Al Shabaab.
Ma’ahan markii ugu horeeysay oo ay saraakiisha gobolad Jubooyinka sheegaan in ay qabteen sarkaal ka tirsan xarakada Al Shabaab oo deegaanadaasi ku sugan.


garable.com

EU oo ka hor yimid in waqti dheeri ah ay ku darsadaan Madaxda Dowlada KMG Somalia.

War saxaafadeed ka soo baxay golaha ururka midawga Yurub u qaabilsan arrimaha dibbadda laguna qoray wakaaladda wararka KUNA ee dalka Kuwait, ayaa waxaa lagu sheegay in Midawga Yurub uusan u dulqaadanayn in dawlada KMG ee Soomaaliya ay waqti kororsato. Midawga Yurub waxa uu ugu baaqay madaxda dawlada Soomaaliya inay qaadaan tilaabo kastan oo sahli karta inuu isbadal dhaco marka la gaaro 20 bisha August ee sanadkaan. “Midawga Yurub wuxuu diidan yahay in la kordhiyo waqtiga dawlada KMG ee Soomaaliya waxayna qeyb ka tahay go’aanadii shirkii London ka dhacay bishii February waana in la sameeyaa dadaal kasta oo looga baxayo xilliga KMG ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay golaha arrimaha dibbadda u qaabilsan midawga Yurub. Sidoo kale Midawga Yurub waxa uu taageero u miijiyaya shirarka ka kala dhacaya Turkiga iyo Talyaaniga bilaha June iyo Jully ee sanadkaan. Marka la gaaro bisha August ee sanadkaan waxaa la filayaa in dalka ay dhacaan doorashooyin lagusoo dooranamayo madaxda dawlada cusub ee dalku yeelanayso iyadoona lagabaxayo xilliga KMG, walloo illaa iyo hada aysan muuqan in xilliga yar ee harsan suura gal ku noqon karto arrinkaasi iyo in kale.

garable.com

Odayaashii Puntland oo la Sheegayo inay ka Baxeen Shirkii! Faroole Qas-wade ma Noqonaya

Waxaa maanta la sheegayaa in ergadii odayaasha ka socday Puntland ka baxeen shirkii! Waxaa la-yaab leh waxa la leeyahay waxay metelaan qabiillo waxay metelaan oo xukuma Faroole! Wixii Faroole ku dhaho bey yeelayaan! Faroole wuxuu caawiyey Indhocadde, Muuse Suudi, Bashiir Salaad, Dhicisoow iyo dad kale oo la maqli waayey diidmadoodii dastuurka! Marka hadda wadaaddadaasi iyo dagaaloogayaashaasii waxay ku lafo ruugayaan Faroole! Isagay leeyihin hala saaro maxkamad sid mar horaba ay ku dhawaaqeen! Waxay u dhowdahay in Zenawi ka dalbaday Faroole inuu la baxo odayaashiisa si meesha loogu kala tago! Danihii gaaladaa is diidan! Reer Galbeedka oo wata qurbojoog baa raba in la helo wax lagu sheego dowlad oo ay ka sixiixdaan inay gurtaan kheyraadka waddanka! Zenawi isna wuxuu rabaa inaan meesha ka soo bixin wax dowlad lagu sheegi karo oo gobol kasta u dhiibto Shariif Xasan, Faroole iyo Siilaanyo oo kale! Si kastaba ha ahaatee Faroole wuxuu dabinkii ka saaray Indhocadde, Dhicisoow, Bashiir Salaad, iyo kuwa kale oo Shariif sheekh Axmed iska moosay oo geed ku xiray! Bal aan fiirinno in gaaladu amar siiyo Faroole ay kaga dalbanayaan inuusan odayaasha ka dirin Xamar! Shaki ma leh in Faroole yeelato cadaadiska gaalada! Marka aan aragnno meesha arrintu ku dambey



garable.com

Xildhibaan Bare Hiiraale oo ka baxsaday xabsi kuyaala Degmada Doolow.

Xildhibaan Barre Aadan shire ( Barre-hiiraale) oo in muddo ah ku jiray xabsi ayaa ka baxsaday isagoo ucararay dagmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo. Dagaal ooge Barre Aadan Shire oo Dowladda Itoobiya ay kuxukuntay Xabsi Guri, dhaqdhaqaaqiisana ay hakisay ayaa lasheegay inuu labaxsaday Gaari Dagaal iyo afar Nin oo ahaa ilaaladiisa Gaar ah. Barre Aadan Shire ayaa isku dhiibay Ciidamada Kenya ee kusugan Ceelwaaq,lamana oga waxa ay kayeeli doonaan. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Barre waxa uu kuxanuunsanayay Degmada Doolow,halkaasi oo jirdilo xoogan ugu gaysteen Ciidamada Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa horay u diiday in Barre lasi daayo kadib markii uu kasoo horjeestay qaabka ay Itoobiyaanku uwadeen duulaanka ay kusoo qaadeen Gobalka Gedo. Xildhibaan isku hayb yihiin Bare iyo xukuumada Gaas ayaa horay ugu fashilmay in xuriyadiisa uu Helo Xildhibaan Barre Aadan.

garable.com