Tuesday, 15 May 2012

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo lagu wado in uu khubad ka jeediyo shirka golaha ammaanka ee New York ka furmaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo xalay dalka Mareykanka gaaray ayaa ka qeyb gali doono shirka Golaha ammaanka ee ka furmaya magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyadoo madaxweynaha uu halkaasi ka jeedin doono khubad ku aadan xaaladda guud ee Soomaaliya.
Wefdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed markii ay gaareen magaalada New York ee dalka Mareykana ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa saacaddaha soo aadan shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeedin doona khubad xasaasi ah oo uu uga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya iyo guullihii laga gaaray shirarkii ay hoggaamiyayaasha Soomaalida ku yeesheen gudaha dalka.
Shirka golaha ammaanka kaddib madaxweyna iyo wefdigiisa aya la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada New York, sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiyay safiirka Soomaalia u fadhiya Qaramada Midoobay Cilmi Ducaale.
Dhinaca kale madaxweyne Shariif iyo wefdigiisa ayaa kulammo gooni gooni ah la qaadan doono masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykan iyo madaxda ka soo qeyb galeysa shirka golaha ammaanka oo ajandayaasha looga hadlayo Soomaaliya ugu horeyso.

garable.com

No comments:

Post a Comment