Tuesday, 15 May 2012

War deg deg ah: Qaraxyo culus oo hadda Muqdisho ka dhacay

Qaraxyo caawa lagu weeraray Ciidamada Dowlada, askar ku dhimatay iyo dhalinyaro badan oo ay qab qabteen Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee fariisimaha ku leh agagaaraha Hotel Salaama ee Isgoyska Baar Ubax ee Degmada Hawl Wadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa caawa lagu weeraray laba qaraxyo. Qarax-yadaan oo loo-adeegsaday bambo gacmeydyo ayaa waxaa tuuray rag aanu heybtoodu la-garaneyn, isla-markaana markii ay bambooyinka tuureyn ayaa waxaa la-sheegay in raggaasi ay cagaha wax ka dayeen. Qaraxyada ayaa waxaa ku dhintay laba askari, iyadoo mid kalana uu soo gaaray dhaawac aanu noociisi la-shaacin, isla-markaana meydadka iyo dhaawaca askarigaasi ayaa waxaa la-sheegay in loo-qaaday cisbitaalada ku yaalla caasimadda. Wixii xilligaasi ka dambeeyay ayay Ciidamadda Dowladda hawl-gallo ballaaran ay ka sameeyeen Isgoyska Baar Ubax, iyagoona gacanta ku soo dhigay dhalinyaro badan oo ay ku tuhmayaan inay iyagu geysteen qarax-yadaasi. Ciidamadda Dowladda ayaa waxay xanibeyn isu socodkii dadka iyo gawaarida ee Isgoyska Baar Ubax, isla-markaana waxay baqdin xoogan ay soo wajahday shacabka ku dhaqan Xaafadaha Isgoyska Baar Ubax ku teedsan. Sidoo kale Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la-sheegay inay rideyn rasaas aan loo-meel dayin, inkastoo aan la-sheegin wax khasaaro ah oo ay geysteen rasaastaasi. Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, oo ku aadan qaraxyada bambaano ee caawa lagu weeraray Ciidamadda Dowladda ee fariisimaha ku leh agagaaraha Hotel Salaama ee Isgoyska Baar Ubax.

garable.com

No comments:

Post a Comment