iibsaday shidaalka laga qodayo Puntland si ay lacagteeda qaar ugu soo laabto, Shirkadu waxay baahisay qiimaha saamiga oo xiligaas aad u hooseyey maadaama aysan kala cadayn in shidaal ku jiro dhulkaan iyo in kale, waxaa kaloo qiimaha hoos u dhigay iyadoo qolyaha wax maal gashada ay horey u maqli jireen shidaal baa Soomaaliya ku jira hadana wax sal ah aan laga gaarin.
Hadaba markii shalay la maqlay in shidaalkii laga qodayay Puntland uu rumoobay loona tagay shidaal fara badan ayaa waxaa markiiba suuqyada London is qabsaday sawaxan iyo in lookala tartamo iibsiga Saamiyada ay bixinaysay African Oil, lakin African oil waxay ogayd in xaalku sidaas noqonayo oo waxay si aan la filayn ay kor ugu qaadey qiimayaashii Samiyaasha shirkada, qiimihii ay awal ku baryaysay in lagu gato way boqol jibaarmeen.
Maalmahaa soo socda waxaa la filayaa inay Shirkada African Oil ay soo bandhigto qiimaha lagu kala iibsanayo saamiyaasha African Oil.
Dhinaca kale Waxaa lasugayaa soo noqoshada uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole uu kusoo laabanayo Puntland marka uu soo dhamaysto booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Hindiya, kadibna waxaa si rasmi ah ay Dowlada Puntland u shaacinaysaa guusha laga gaaray shidaalkii ugu horeeyey ee laga qodo gayiga Soomaaliya.
No comments:
Post a Comment