Thursday, 7 June 2012

Raafkii ugu Darnaa oo Haatan kataagan Magaalada Kismaayo”Dhalinyaradii Sariiraha Galay

Xili Ciidamada Isgarabsanaya ay magaalada Kismaayo ku soo wajahanyihiin ayaa waxaa gudaha magaalada Kismaayo ka bilowday raaf kii ugu dambeeyay oo ay Shabaabka ay la beegsanayaa qeybaha kala duwan ee dhalinyarada ku nool magaalada Kismaayo.
Maleeshiyaadka ayaa bilaabay inay masaajidyada si xoog ah ku galaan islamarkaana ay si qasab ah ku kaxeeyaan dhalinyadarada ku cibaadeysanaysa Masaajidyada magaalada, ayadoona qeybaha kala duwan ee waalidiinta ay walaac aad u daran ka muujiyeen tilaabadaan ay ku kacayaan Maleeshiyaadka Shabaabka.
Maleeshiyaadka ayaa sheegay in mudo badan ay dhalinyarada magaalada ugu baaqayeen inay dagaalka Jihaadka ah ka qeyb qaataan.
Horjoogaha Shabaabka ee magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub ayaa dhowaan waxaa uu Idaacada ku hadasha afka Shabaabka ka sheegay inay waajib tahay in dhalinyarada hadii ay diidaan inay jihaadka ka qeyb galaan si qasab ah lagu galiyo,sida uu hadalka u yiri.

garable.com
muxudin diini fiidow

Xog Culus:Sirdoonka Nigeria oo gaaray Muqdisho oo baaritaano kuwada Xiriirka kadhaxeeyo Boko Haram & Shabaab

NPF-300x214

Warar laga helay ilo wareedyo ku dhow saraakiisha amaanka dawlada Soomaaliya waxaa toddobaadkan markii ugu horeysay magaalada Muqdisho soo gaaray askar tiradoodu kooban tahay oo ka socda booliska iyo sirdoonka wadanka Nigeria.

Saraakiishan sirdoon iyo kuwa booliska Nigeria ayaa ku sugan xerada ciidamada AMISOM ugu weyn ee Xalane halkaasoo sida wararku tilmaamayaan ay ka bilaabeen hawlo tababar iyo aqoon kororsi la xiriira dagaalka kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ee ka socda gudaha Soomaaliya.
garable.com
muxudin diini fiidow

Diyaarado joog hoose ku duulaya oo lagu arkay qeybo kamid ah G/Shabeelaha Hoose


Marka wabarimedia.com Wararka ka imaanaya gobbolka Shabellaha Hoose ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in qeybo kamid ah gobbolkaasi  lagu arkayey diyaarado joog hoose ku duulayey.
Meelaha diyaaradahadaasi lagu arkayey ayaa waxaa kamid ah hawada degmooyinka Marka iyo Baraawe oo ay ku sii qulqulayaan saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.
Diyaarahadaani oo aanan la aqoon cida leh ayaa waxa ay ahaayeen diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka loo yaqaano.
Dadka ku daqan degmooyinka Baraawe iyo Marka oo kamid ah gobbolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay walaac xooggani ka muujinayaa diyaaradaha dagaal ee dul heehaabaya hawada degmooyinkaasi.
Degmooyinka Marka iyo Baraawe ayaa waxa iminka ku sugan saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab kuwaasi oo faarujiyey degmada Afgooye iyo deegaano kale oo mudo 4 sano ay maamuli jireen kadib markii hawlgallo military ay kaga yimaadeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Xarakada Al-Shabaab ee ku aadan diyaaradaha lagu arkay degmooyinka Marka iyo Baraawe ee gobbolka Shabellaha Hoose

garable.com
muxudin diini fiidow

Daawo Sawirada Madaxweyne Shariif oo Aalmiiteenaya iyo ,R/Wasaare Gaas iyo Farmaajo oo iyana kubad Ciyaaraya





Madaxda sare ee Dowlada ee hada dalka ka talisa iyo kuwa horey usoo maray ayaa u muuqanaya kuwa kala gadisan ,madaxad hada majaraha wadanka haya ayaadna moodaa in ay yihiin kuwa fur furan oo bulshada dhax gala halka kuwii hore aan loo dhawaan Karin.

Waxaa halkana idinkugu soo bandhigaynaa Sawiro Muujinaya Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmad oo xiran Dhanka Sportska oo aalmiiteenaya iyo sidoo kale Raizul Wasarae Gaas oo isna Kubad ku ciyaaraya Xeebta Liido isaga iyo qaar kamid ah Golaha Wasiiradiisa.

Waxaa sidoo kale isna meesha ka marneen Raizul Wasaarihii Shacbiyada Badnaa ee Xukuumadii TAYO Maxamad Cabdulaahi Maxamad Framaajo oo isna kubada ciyaaraya una diyaarsan in uu ciyarata wacdaro ka dhigo.



Shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom oo ka mid ah shirkada isgaarsiinta kuwa ugu waa weyn ee ka howl gala Soomaaliya ayaa maanta deeq isugu jirta Shidaal iyo Joodariyaal waxaa ay gaarsiisay Qaar ka mid ah isbitaalada waa weyn ee Magaalada Muqdisho .

Isbitaalada maanta Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom deeqda gaarsiisay ayaa waxaa ka mid ah isbitaalada Keysaney iyo Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir .

Ugu Horayn waxaa deeqda oo isugu jirta Shidaal iyo Joodariyaal waxaa la gaarsiiyay Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir waxaana lagu warejiyay Agaasimaha isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir Drs Luul Maxamedd Maxamuud, iyadoo deeqdan ay gaareysay 30 Fuusto oo Shidaal ah iyo 80 Xabo oo Joodariyaal ah oo loogu tala galay dadka Bunkaanka ah ee Jiifa isbitaalka Banaadir .

Agaasimaha isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir Drs Luul Maxamedd Maxamuud oo ka hadashay munaasabada deeqda lagu warejinayay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay deeqda Shirkada Hormuud soo gaarsiisay isbitaalka Banaadir xili oo u baahnaa isbitaalka oo dad fara badan oo Bukaano ah ay jifaan , waxaana ay intaa ku dartay inaysan ahayn markii ugu horaysay oo Shirkada Hormuud deeq soo gaarsiiso isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir .

Sidoo kale isbitaalka Keysaney oo ku yaal duleedka Magaalada Muqdisho ayaa maanta isna shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom waxaa ay gaarsiisay Shidaal gaaraya 20 Fuusto oo Shidal ah si looga sii wado Howlaha isbitaalka Keysane oo u haayo shacabka soomaaliyeed .

Madaxa Maamulka isbitaalka Keysaney Cali Bile ayaa waxaa uu uga mahad Celiyay shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom deeqda ay xiligaan soo gaarsiisay isbitaalka Keysaney oo ay jifaan dad fara badan oo waxyeelo kasoo gaartay Dagaalaka ka jira dalka soomaaliya .

Cali Sheekh Yaasin Cali Fadhaa oo ka mid ah Maamulka Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom oo ka hadlay Wareejinta deeqdaasi ayaa waxaa uu sheegay in Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ay garab tagaan tahay mar walba Shacabka soomaaliyeed .

Ma ahan markii ugu horaysay oo shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom deeq gaarsiiso isbitaalada iyo goobaha ay ku sugan yihiin dadka dhibataysan ee Soomaaliyeed . garable.com muxudin diini fiidow













g

Duqeymo loo geystay saldhigyo burcad badeed ku lahaayeen Gobolka Bari

                                                                                     Iyadoo Maamulka Puntland uu dar dar geliyay maalmihii la soo dhaafay howl galka ka dhanka ah burcad badeedka ayaa shalay gelinkii dambe duqeyn loo geystay saldhig Burcad badeed ku lahaayeen Gobolka Bari.

Duqeyntan ayaa sida la sheegay waxaa geystay diyaarado qumaatiga u kaca oo dhowr gantaal ku riday saldhig ay burcad badeedka ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Bali Dhidid oo ka tirsan Gobolka Bari.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyntan iska kaashanayeen Shirkada SARACEN oo Ciidamada Puntland ka taageerta dhinaca tababarka iyo la dagaalanka burcad badeedka, iyadoo dhowaan diyaaradahooda lagu daabulay Ciidamada la dagaalanka burcad badeedka ee Puntland.

Inkastoo duqeyntii dhowaan ka dhacday Puntland ee lagu beegsaday saldhig dhulka ah ee burcad badeedka lahaayeen ay Ciidamada Midowga Yurub fuliyeen, ayaa hadana waxaa muuqata in Puntland ay xooga saareyso howl galka berriga ee ku wajahan burcad badeedka.

Ciidamada Puntland ayaa maalin ka hor gaaray deegaanka Baar Gaal oo ka mid ahaa goobaha burcad badeeda ku sugnaayeen, iyagoo ay isaga carareen burcadii ku sugneyd oo ilaa labo markab afduub ugu heystay deegaanka
garable.com
muxudin diini fiidow                         
                

Odayaasha dhaqanka ee shirka uga socdo Muqdisho oo ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda KMG

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee shirka uga socdo magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeesta hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku tagay xarunta uu shirka uga socdo Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.
Mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa warbaahinta u sheegay inay ka soo horrjeedaan hadal uu shalay Madaxweynaha Odayaasha u jeediyey oo ahaa in talada dalka ay gacantooa ku jito, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax tallo ah oo gacantooda ku jirto, wuxuuna Odaygaasi uu intaasi ku daray in afka un laga sheego in talada Soomaaliya ay hadda gacanta ugu jirto Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, balse aysn arrinkaasi waxba ka jirin.
“Madaxda dowladda KMG oo uu ugu horeeyo Madaxweyanaha dowladda KMG markasgta waxay nagu yiraahdaan talada dalka gacantiina ayey ku jirtaa ee soo xula Xildhibaano waxtar leh, runtii arrinkaasi waa waxba kama jiraan, ma jirto talo gacanteena ku jirto, afka un ayaa laga sheegaa haddana howsha waxaa maamusha dad kale oo aanan garaneynin halka ay wax u wadaan, waxaa loo bahanyahay in la cadeeyo waxa ay yihiin Odayaasha marka ugu horeysa iyo howshooda waxa ay tahay ee ma aha in lagu soo gambado, haddana howshii dad kale ay iska maamushaan, iyagiina magaca loo bixiyey” ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo shalay su’aalo dhowr ah weydiiyey Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed intii uu booqashada kula joogay Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.
“Masiirka ummadda Soomaaliyeed dad kale ayey gacanta ugu jirtaa, way fiicnaan laheyn haddii loo deynayo Odayaasha dhaqanka markaasi ayaa la dhihi karaa aayihii Soomaaliya ayaad gacanta ku heysaan, laakiin hadda arrinku ma aha sida ay madaxda dowladda KMG wax u sheegayaan, waxaanna na heysata maahmaahdii aheyd magacna ii bax waxa iima soo kordhin, odayaasha magaca oo keliya ayaa loo bixiyey oo waxaa lala leeyahay masiirka Soomaaliya iyaga ayuu agyalaa haddana arrinka dad kale ayaa maamula, madaxda dowladda KMG ayaana hormuud u ah oo ay Odayaashu rabitaankoodu ku joogaan” ayuu yiri nadoonkaasi oo diiday in magaciisa la xuso

garable.com
muxudin diini fiidow

Wafdi ka socda dowladda Turkiga oo magaalada Hargeysa booqasho ku tagaya si ay ugu kuurgalaan

Ra’isiul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bulent Arinc ayaa la sheegay inuu aqbalay martiqaad uu maamulka Somaliland u fidiyey, kaas oo ay ka codsadeen inuu booqasho ku yimaada magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaana lagu sheegay war ka soo baxay Xukuumadda Somaliland in dowladda Turkiga ay ka aqbashay codsigooda.
Sida warku sheegayo maamulka Somaliland xubnihii wasiirada ahaa ee uga qeybgalay shirkii Istanbul ayaa waxay dowladda Turkiga ka dalbadeen in Ra’isul wasaare ku xigeenka Turkiga uu safar ku tago Hargeysa si uu qiimeyn ugu soo sameeyo xaaladda ammaan iyo nololeed ee magaalada Hargeysa iyo deegaanada kale ee xeeran, isla markaasna ay Somaliland Turkiga ugu gacan siin lahaayeenn arrimo badan oo ay ka mid yihiin mucaawinooyinka iyo dhanka amniga.
Sidoo kale warku wuxuu intaasi ku darayaa in mamulka Somaliland uu dowladda Turkiga ka codsada inay ka taageeraan adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Wadooyinka, labada dhinacna ay xil iska saaraan sidii loo xoojin lahaa xiriirka cusub ee ay hadda bilowga ah oo ay wada yeeshaan xiriir toos ah oo aysan cidi u dhaxeynin.
Inkasta oo aanay illaa hadda dowladda Turkigu aysan si rasmi ah uga hadal booqashada la filayo inuu Ra’isul wasaare ku xigeenkeeda ku tago maamulka Somaliland ayaa haddana ilo wareedyo ku sugan magaalada Istanbul waxay sheegayaan inuu bartamaha bisha dambe ee July uu Ra’isul wasaaraha dalka Turkiga iyo wafti uu hogaaminayo ay safar ku tagi doonaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.
Dhinaca kale Shirka Istanbul ka furmay 31-kii bishii hore ee May ayaa isagu u muuqday mid aan arimaha Somaliland siinin meeqaamkii uu siiyey shirkii dawladda Ingiriisku gadhwadeenka ka ahayd ee 23-kii February ee sanadkan Soomaalida loogu qabtay Magaalada London ee xarunta dalka Britain, kaas oo ku baaqay in Somaliland iyo Soomaaliya ay si laba dhinac ah uga wada hadlaan danahooda

garable.com
muxudin diini fiidow

MAREYKANKA OO MALAAYIIN DOOLAR DUL DHIGAY SARAAKIIL KA TIRSAN AL-SHABAAB



Warbixin lagu qoray wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay abaalmarin u siindoonto 7-million oo dollarka Mareykanka ciddii soo sheegta toddobo sarkaal oo ka tirsan Ururka AL-Shabab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa warkan maanta khamiis soo galiyay barta Internetka, waa markii ugu horeysay la dul dhigo abaalmarin xubnaha Sare AL-Shabaab-ka Soomaaliya siddaas waxa sheegay Robert Hartung, oo ah kaaliyaha guud ee waaxda arrimaha dibadda xafiiskeeda ammaanka.

"Markasta waxa aan ku soo dareynaa liiska abaalmarinta cadaaladda maxaa yeelay waxaa Al-Shabaab ay ka mid tahay kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida," Hartung ayaa sheegay.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2008 waxa ay magaca Al-Shabaab ku dartay liiska waxa loogu yeero argagixisada, waxaana xayiraad la saaray lacagahooda iyo cunaqabateyn lagu soo rogay goobaha ay maamulaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xubnaha la duldhigay lacagtan ee la shaaciyay khamiista maanta waxaa ka mid ah hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi aw-Maxamed oo ah aasaasaha Al-Shabaab, waxaa la sheegay in la duldhigay ciddii macluumaad ka keenta in abaal marin ahaan loo siin doono 7 million-dollar-ka Mareykanka.

Sidoo kale in ka badan 5 million oo dollarka Mareykanka ayaa la dul dhigay Ibraahim Xaaji Jaamac, oo ah aasaase AL-shabaab, iyo madaxa maaliyada Fu'aaad Maxamed Khalaf, sidoo kale waxaa ku jira talliyaha military-ga Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Mukhtaar Roboow, oo horey u soo qabtay afhayeenka Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda Mareykankanka waxa ay sheegtay in ay ku bixin doonto lacago ka daban $3 million ciddi macluumaad ka keenta madaxa sirdoonka Zakariya Ismaacil Axmed xirsi iyo Cabdullaahi Yare, oo ah xubin sare oo ka tirsan AL-Shabaab sidaas waxa sheegay Hartung.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in barnaamijyada abaalmarinta lagu bixinaayo oo bilowday tan iyo sanadkii 1984-tii lagu bixiyay in ka badan 100-milyan oo doollar, taas oo lagu bixiyay in ka badan 70-macluumaad ah

garable.com
muxudin diini fiidow

SAFIIRKA SOOMAALIYA EE MIDOWGA YURUB OO SHIL GAARI KU DHAAWACMAY + SAWIRRO



Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadda ah Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa Xalay dhaawac fudud uu ka soo gaaray Shil gaari oo ka dhacay Magaalada Brussels ee Caasimadda Dalka Belgium-ka.

Xilliga uu shilka galayey Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxa uu ku sii jeeday shir ay lahaayeen Safiirada Dalalka Afrika ee fadhiya Brussels.

Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo sidoo kale ahaa Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga ayaa shilkan gaari ee uu ku dhaawacmay waxa uu yimid kaddib markii gaariga uu saarnaa iyo gaari kale ay isku dheceen, iyadoo sababta arrintaas keentayna aanan faah faahin dheeri ah laga bixin.

Wararka aynu ka helayno safaaradda Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sheegaya in dhaawaca gaaray Danjire Nuur cadde uu yahay dhaawac fudud islamarkaana uu safiirka ka jabay Kalxanta haddana uusana qabin dhaawac halis ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa Isbitaalka ku yaala Magaalada Brussels ee Caasimadda Dalka Belgium-ka.

Daawo Sawirro



garable.com muxudin diini fiidow