|
Isbitaalada maanta Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom deeqda gaarsiisay ayaa waxaa ka mid ah isbitaalada Keysaney iyo Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir .
Ugu Horayn waxaa deeqda oo isugu jirta Shidaal iyo Joodariyaal waxaa la gaarsiiyay Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir waxaana lagu warejiyay Agaasimaha isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir Drs Luul Maxamedd Maxamuud, iyadoo deeqdan ay gaareysay 30 Fuusto oo Shidaal ah iyo 80 Xabo oo Joodariyaal ah oo loogu tala galay dadka Bunkaanka ah ee Jiifa isbitaalka Banaadir .
Agaasimaha isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir Drs Luul Maxamedd Maxamuud oo ka hadashay munaasabada deeqda lagu warejinayay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay deeqda Shirkada Hormuud soo gaarsiisay isbitaalka Banaadir xili oo u baahnaa isbitaalka oo dad fara badan oo Bukaano ah ay jifaan , waxaana ay intaa ku dartay inaysan ahayn markii ugu horaysay oo Shirkada Hormuud deeq soo gaarsiiso isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir .
Sidoo kale isbitaalka Keysaney oo ku yaal duleedka Magaalada Muqdisho ayaa maanta isna shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom waxaa ay gaarsiisay Shidaal gaaraya 20 Fuusto oo Shidal ah si looga sii wado Howlaha isbitaalka Keysane oo u haayo shacabka soomaaliyeed .
Madaxa Maamulka isbitaalka Keysaney Cali Bile ayaa waxaa uu uga mahad Celiyay shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom deeqda ay xiligaan soo gaarsiisay isbitaalka Keysaney oo ay jifaan dad fara badan oo waxyeelo kasoo gaartay Dagaalaka ka jira dalka soomaaliya .
Cali Sheekh Yaasin Cali Fadhaa oo ka mid ah Maamulka Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom oo ka hadlay Wareejinta deeqdaasi ayaa waxaa uu sheegay in Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ay garab tagaan tahay mar walba Shacabka soomaaliyeed .
Ma ahan markii ugu horaysay oo shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Telecom deeq gaarsiiso isbitaalada iyo goobaha ay ku sugan yihiin dadka dhibataysan ee Soomaaliyeed . garable.com muxudin diini fiidow
g
No comments:
Post a Comment