Thursday, 7 June 2012

Wafdi ka socda dowladda Turkiga oo magaalada Hargeysa booqasho ku tagaya si ay ugu kuurgalaan

Ra’isiul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bulent Arinc ayaa la sheegay inuu aqbalay martiqaad uu maamulka Somaliland u fidiyey, kaas oo ay ka codsadeen inuu booqasho ku yimaada magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaana lagu sheegay war ka soo baxay Xukuumadda Somaliland in dowladda Turkiga ay ka aqbashay codsigooda.
Sida warku sheegayo maamulka Somaliland xubnihii wasiirada ahaa ee uga qeybgalay shirkii Istanbul ayaa waxay dowladda Turkiga ka dalbadeen in Ra’isul wasaare ku xigeenka Turkiga uu safar ku tago Hargeysa si uu qiimeyn ugu soo sameeyo xaaladda ammaan iyo nololeed ee magaalada Hargeysa iyo deegaanada kale ee xeeran, isla markaasna ay Somaliland Turkiga ugu gacan siin lahaayeenn arrimo badan oo ay ka mid yihiin mucaawinooyinka iyo dhanka amniga.
Sidoo kale warku wuxuu intaasi ku darayaa in mamulka Somaliland uu dowladda Turkiga ka codsada inay ka taageeraan adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Wadooyinka, labada dhinacna ay xil iska saaraan sidii loo xoojin lahaa xiriirka cusub ee ay hadda bilowga ah oo ay wada yeeshaan xiriir toos ah oo aysan cidi u dhaxeynin.
Inkasta oo aanay illaa hadda dowladda Turkigu aysan si rasmi ah uga hadal booqashada la filayo inuu Ra’isul wasaare ku xigeenkeeda ku tago maamulka Somaliland ayaa haddana ilo wareedyo ku sugan magaalada Istanbul waxay sheegayaan inuu bartamaha bisha dambe ee July uu Ra’isul wasaaraha dalka Turkiga iyo wafti uu hogaaminayo ay safar ku tagi doonaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.
Dhinaca kale Shirka Istanbul ka furmay 31-kii bishii hore ee May ayaa isagu u muuqday mid aan arimaha Somaliland siinin meeqaamkii uu siiyey shirkii dawladda Ingiriisku gadhwadeenka ka ahayd ee 23-kii February ee sanadkan Soomaalida loogu qabtay Magaalada London ee xarunta dalka Britain, kaas oo ku baaqay in Somaliland iyo Soomaaliya ay si laba dhinac ah uga wada hadlaan danahooda

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment