Waxaa Dhawaan Dalka Shiinaha ka dhacay arin naxtin iyo layaab leh taa oo cambaareyn badan kala kulantay Dowladaha Shiinaha Hay’adaha Xuquuqda aadanaha ,Qaramada Midoobay iyo guud ahaan Bulshada Caalamka intii aragtay dhacdadan.
Waxaana la sheegay in Hooyo lagau magacaabo Feng Jianmei oo u dhalatay Dalkaasi Shiinaha laga soo tuuray cunug yar oo caloosha ugu jiray kaa oon gaarin sadkii dhalmada balse si qasab ah looga soo saaray Hooyadan .
Feng Jianmei ayaana lagu eedeeyay in ay jabisay Sharci u yaalay Dalka Shiinaha kaa oo ahaa in aa caruur badan haweenku dhali Karin loona ogol yahay hal cunug oo kaliya nalse haweeneydan lagu eedeeyay in ay jabisay Sharcigaasi cunugii labadana uu caloosha ugu jiro.
Madaxda Deegaanka ay Gabadhaani Degneed ayaana ganaaxay lacago fara badan aysan awoodin mar hadii ay jabisay Sharcigii yaalay ,balse waxa ay u sheegtay Haweeneydan in aysan awoodin lacagta lagu ganaaxay taa balkeedana laguna amray in ilmaha laga soo saaro taa ay ogoltaaya gabdhaasi cabsi darted.
Hooyadan Shiineeska ah ayaana Qaliin lagu sameeyay waxaa banaanka looga soo saaray Cunug yar oo 7-Bil meelahaas ahaa kaa oon gaarin xiligii dhalmada balse xoog banaanka loogu soo saaray iyadoona Muuqaalo lasoo bandhigay uu muujinayo in cunugan uu ahaa mid dhameestiran oo jirkiisa ay dhan yihiin.
Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday Deegaanka Zengjia oo kuyaala Waqooyi Galbeed Dalka Shiinaha gaar ahaan Gobolka Shaanxi waxaana amarkaasi Hooyadan cunuga yar caloosheeda looga soo saaray bixiyay saraakiisha maamusha Deegaanka ay kunooleed Feng Jianmei.
Dowlada Shiinaha ayaana arintana kala kulantay dhaleeceen kaga timid Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ,Qaramada Midoobay iyo guud ahaan dadkii arintaasi arkay ama maqlay kuwaa oo aad uga xumaaday , Dowlada Shiinaha oo arintaasi ka duuleysa ayaa Deg Deg uga hadashay si kululna u cambaareesay falkaasi waxa ayna Xilkii ka qaaday madaxdii ugu sareesay Deegaankii ay dhacaddan ka dhacday.
Waxa sidoo kale Dowlada Shiinaha hooyadan cunuga sida xooga ah looga soo saaray siisay lacago mag dhaw ah iyagoona sheegtayb Shiinaha in ay aad uga xunyihiin kana raali galinayaan gabdahan dhacdadan xanuunka badan ee loo geestay.
Gabadhan Cunuga laga soo tuuray ayaa dareenkeeda mar ay uga hadashay warbaahinta waxa ay u sheegtay in ay aad uga xuntahay waxa lagu sameeyay iyadoo intaasi raacisay in Hooyo Walbo oo Shiinees ah aysan xaq u laheyn in ay caruur dhasho ayna taasi ka hortaagan yihiin dad cadow ah sida ay sheegtay.
Arintan ka dhacday Dalka Shiinaha ayana noqotay mid aad loo hadal hayo Dunida dacaladeeda iyadoona Shiinaha uu ka cararo kororka dadkiisa oo hada kaalinka koowada kaga jirta Wadamada ugu dadka badan ee aduunyada

·
garabe.com
muxudin diini fiidow

|
garabe.com
muxudin diini fiidow