
Inkasto Sanadahii ugu dambeyay Gobalada Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya dabeecado aan lagu arag Gobalada kale ay ka jireen iyadoo meel loga dhacay sharaftii iyo qiimigii Somalinimo isla markaana dhaqamo laga soo waariday wadamada Asia sida Afgahistan, Pakistaan iyo Yaman si tijaabo ahaan lagu dhex faafiyay dadkaa aan caqli ahaan dhameystirneen sida Haweynka Caruurta iyo Rag maskax ahaan aan buuxin iyadoo rabitaan shaqsi loga dhigay diin si loo baneeysto nafta qofka muslimka iyo hantidiisa iyadoo logu marmarsiyoonaayo qofkan waa Murtad, Gaalo la jir Cadowga alle Qubuuro Caabud dadka dhan waa gaalo marka laga reebo kooxdeena iyo dadka nagu taagera dhaqaalaha inta kale Dhiigooda wuu banaanyahay.
Bal aan is weydiine muddo 6 Sanno ayaa laga joogaa markii ay Muqdisho ka dhilaaceen koox magaca diinta ku qaraabaneysa ilaa iyo xiligan Diinta ay sheegayaan iyo Jihaadka ma gaarsiisana Gobalka Mudug sow uma eka in arrimo siyaasadeed ay salka ku hayaan iyo qandaraas dhaqaale looga helo dhinacyo kala gadisan si loo qaribo Caqiidada, mugdina loo galsho Madaxbanaanida dadka dega Gobalada Bartamaha iyo Koofurta Dalka Soomaaliya.
Aqristow ma ogtahay in ragga Shabaab horjoogayaashooda ugu sareeya ah ee liiska Maraykanka uu Balanqaaday in uu madaxooda lacag ku bixinaayo aanu ku jirin xitaa hal qof oo Koofurta ka soo jeeda waayo dadka Koofurta howlaha soconaya waxa ay ka yihiin Ciidan loo adeegsado in ay xoog ku qabtaan meelaha Horjoogayaashu ay daneenayaan dhaqaale ama istiraajitiyad kale.
Gobalada Waqooyi galbeed dadka ku nool waxay ku taamayaan nabadgalyo, dadkii iyaga xagooda ka waashana waxay u soo diraan koofurta si Wax loogu yeeray Jihaadka uu qeyb uga noqdo, Waxaa tusaalayaal cad cad u ah Ibraahim Xaji Jamac iyo Axmed Godane waa masuuliyiinta ugu sareysa Kooxda dhulka uu dagaalka ka socdo ma ahan dhulkooda xitii dadka badi ma yaqaanaan wajiyadooda ma dhici kartaa in arrimo siyaasadeed iyo ictiraaf raadinta Somaliland inay qeybtooda ka qaadanayaan ilayn caruur iyo waayeel dadka Gobalada Koofureed waa tan la kadeeday.
Bal u fiirso qaraxyadu waxaa ay ka dhacaan Muqdisho iyo Gobalada u dhow Qaraxii Hotel Shaamow Qaraxii Hargaha iyo Saamaha Qaraxii Hotel Madiina ee Baladweyne iyo Qaraxii Baydhabo ee lagu qaarajin rabay Madaxweynahii xiligaas ee C/laahi Yuusuf, Aqristoow ma sheegi kartaa hal qarax oo geystay Qasaare la eg kii Hotel Shaamow ama Hargaha iyo Saamaha oo ka dhacay Gobalada Waqooyi Bari ama Waqooyi Galbeed?.
Waxaan shaki ku jirin in xitaa Horjoogayaasha Shabaab ee Beesha Hawiyuhu isbadal ku yimid waxyaabahii ay filanayeen bilowgii Shabaab, balse waxay ogaadeen markii ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen in Jihaadkuba uu yahay Dilka dadka wax galka u ah Hawiye, si Siyaasiyiinta Waqooyi Galbeed ay fursad ugu helaan in caalamka ay ka dhaadhiciyaan inaysan jirin wax Somali la dhaho ilayn dadkii yac dhihi lahaa waxaa lagu dilay Howlgal ay dadka wax magaradka Jihaad uga dhigeen.
Fursada uu Maraykanka haysto xiligan ayaa ah in dadka degaankooda dhibaatada laga geystay ay si sahlan u bixin doonaan wax walba oo u fududeenayo in uu nolol ama geeri ku helo dadkaas dhagar qabayaasha ee dhibaateeyay Somalida koofureed Allena ku been abuurtay.
Horjoogayaashan madaxyadooda Lacagtaasi la dul dhigay ayaa Maraykanka magacyadooda ku sheegay Axmed Cabdi Aw Max’ed oo Shababku u yaqaano Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr, ahna hogaamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab Ibraahim Xaaji Jaamac , Fu’aad Moxamed Khalaf, Bashir Max’ed Max’ud, Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur, Zakariye Ismaaciil Axmed Xirsi iyo nin kale oo magaciisa lagu shegay C/llaahi yare, qaar shaqsiyaadkan ka mid ah waligood laguma arag meel diin lagu baranaayo.
Madaxa ugu sareeya Al-Shabab Maraykanku wuxuu ku doonayaa 7 million oo Dollar Ibaraahin Xaaji Jaamac waxaa lagu doonayaa 5 million $ Fu’aad Max’ed khalaf Bashiir Max’ed Max’ud, Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor Zakariye Ismaacil Axmed Xirsi iyo C/llahi yare waxaa iyagana la dul dhigay min 3 million oo dollar.
Lacagtaas uu Maraykanku balanqaaday micnaheedu ma ahan uusan awoodin uu qaarijiyo, balse waxa uu fariin u dirayaa horjoogayaasha Hawiye inaan dan laga lahayn dilkooda, balse iyaga iyo shabacbka ay u dhasheen cadaabka galliyay in la ugaarsado.
Ku biiritaanka Al-Shabaab ee Alqaacida waxa uu sababay inay kala
furtaan kooxdan naxaariista daran iyo kuwii ku hogaamin jiray inay Somali Indho tiraan in Hargeysa Boorame iyo Burco ay dadku habeenkii caweyaan, Koofurtana ay dadka cabsi ku nooladaan waa arin ujeedo fog laga leeyahay.
garable.com
muxudin diini fiidow