Ismaaciil Saxardiid Taliyaha Guud ee Ciidamada Dowladda KMG ah oo la hadlay Xafiiska Badweyn.com ee Kismaayo ayaa sheegay inaysan Wakhti badan ku qaadan doonin inay gacanta ku dhigaan magaalada Kismaayo, isagoona intaasi ku daray in dagaalka ay gacan ka siinayaan Diyaaradaha dagaalka iyo Taangiyada Kenya, sida uu hadalka u yiri.
Mr Saxardiid oo ay warbaahinta wabarimedia.com waydiisay waxa ay ka yeelayaan hadii ay dhacdo in Maleeshiyaadka Shabaabku ay ka bixi waayaan magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu taliyaha ku jawaabay “Arrintaasi uma hakan doono Shabaab meeshay galaan ayaan lagali doonaan, xitaa shacabka dhexdiisa ayaan kula dagaalami doonaa, anaga muhiimadeena ugu weyn waa Kismaayo,”ayuu yiri Saxardiid.
Taliyaha Ciidamada Dowladda ee gobbolada Jubbooyinka ayaa intaasi ku daray inay jiraan ragg badan oo Shabaab ka tirsanaan kuwaasoo isku soo dhiibaayo Ciidamada Dowladda ee ku suggan gobbolka Jubbada Hoose.
Ugu dambeyntii hadalka taliyaha Ciidamada TFG-da ee Jubbooyinka ayaa ku soo aadaya xili la hadal hayo in Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenyaanka ay August ka hor la wareegaan magaalada Kismaayo
garable.com
muxudin diini fiidow.
No comments:
Post a Comment