Friday, 8 June 2012

Google Oo Ka Digtay Dhac Loo Geysto E-maillada


Beijing  wabarimedia.com News Network
Shabakadda caanka ah ee Google ayaa waxaay isticmaaalayasheed uga digeysaa xadis ama jab-sasho lagu sameyo qasnadahooda, taas oo sidaa xeeldherayasha dhanka amaanka ee Google ay sheegin ay fulin doonaan jaajusinta dhowr qaran ka kooban oo aan la shaaciin, inkasto shirkadda google ay ka gaabsatey wadamadda arrinta in ay ku dhaqaqan la filaayo.
Marka aad qanadda farimeedkaga aad gasho wadamadda qaar sida USA waxaa dusha saree ku soo fadhisanaaya astaan muujineysa digniin ayna ku qoraan yihiin wedhahan hoos ku qoraan
“Waxaad halis u tahay in la jabsaado qanad waraqeedkaga oo ay jabsadaan jaajusiin qaran, haddaba adke aamaankaga“
Waqti kaste oo aan daareeno in amaanka qanadda isticmalaha Google ay qatar ku jirto waxaan tusineynaa farriintaas isticmalaha Gmailka sida Google Blog lagu shaaciyey.
Sanadkii hore ayey aheyd markii burcad dagaan magaladda Jinan ee dalka China ay jabsadee qanad waraaqeed ay shaqsiyaad mucaarad ku ah dawladas danaheeda gaarka ah ay leyihiin igayaga oo jabsadey Gmail iyo Yahoo ba.
Dalka Chine ayaa iska fogey arrin waxyar kadib markii falka jabsasho uu dhacaay “ Hadalka been abuurka ah ee aan sal iyo baar toona laheyn, waa wax aan la aqbali kariin sidaas waxaa yirii wasiirka arrimaha dibadda ee Chine Mr Hong Lei
“Burcadda Internetyadda waa xaladda nawada haysta oo uu bahan in aan si isku mid ah uga wada hortagno calaamka oo dhan, balse hadalka oranaya waxaad taageertaan burcad Internetka waa hadal aan nuxur la’aan
ah.
China ayaa ah dalka aad loga shikisan yahay in ay fuliyaan weeraarka in kasto ay iska fogeyeen arrintaas, iyadda oo ay marar hore ay fuliyeen weraro caynkaas oo kale ah

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment