Gen. Cali Caraaye Cosoble Gacmaduule oo saxaafadda kula hadlay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in wax laga been abuuray ay tahay dhibaatooyin iyo amni dari la sheegay inay ka taagan yihiin degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, amniga degmadaasina uu yahay mid laysku halayn karo sida uu sheegay. Dhinaca kale wuxuu sheegay Gacmaduule in ay jiraan dad falal amni daro ka waday degmada Afgooye islamarkaana la soo qab qabtay, maxkamadna la soo taagi doono sida uu hadalka u dhigay.
Gen. Gacmaduule sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan dad wata dano shaqsiyadeed, kuwaasoo uu sheegay in falal amni daro ay ka geysanayaan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
“Dhibaatooyinku waxay ka yimaadaan dad shaqsiyaad ah oo aan ka tirsanayn ciidamada qalabka sida Militariga aan ahayn, Booliska aan ahayn, nabad sugidda aan ahayn, tuute soo qaata oo meelaha dadka shacabka ah ay ku badan yihiin yimaada oo mobile-da iyo wax ay wataan ka qaata dadkaasi runtii waa dad u adeegaaya dad dano kale leh dad u adeegaya cadawga aan la dagaalamayno, cadawguna wuxuu u qeybsamaa labo, cadawga gudaha iyo kan dibadda.” ayuu yiri Gen. Cali Caraaye Cosoble Gacmaduule.
Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxa ay la wareegeen 25-kii bishii may ee Sanadkan, waxaana tan iyo markaas soo baxayey cabasho ka soo yeeraysay dadka deegaanka oo ku aadan dhac ay sheegeen inay u geysanayaan dad ku labisan darayska ciidamada Dowladda
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment