Wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda ahna ku simaha wasiirka wasaaradaasi Sheekh Aadan Xaaji Madeer oo la hadlay wabarimedia.com ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in gumeysi Dad badan ay tahay arrintaasi, islamarkaana aysan u cuntamayn ummadda Soomaaliyeed in dad Ajaanib ah ay maamulaan dhaqaalohooda.
Wuxuu sheegay Sheekh Aadan Xaaji Madeer in arrintaasi ay keenayso aamin darro islamarkaana uu shaqsi ahaan uga soo horjeedo ayana tahay sida uu sheegay meel ka dhac weyn.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda Sheekh Aadan Xaaji Madeer wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in arrintaasi ay meel uga dhacayso Madaxmaanida Soomaaliya, islamarkaana aysan ahayn in la aqbalo.
Dhawaan ayay ahayd markii Bangiga adduunka uu sheegay in lacago aad u fara badan oo loogu deeqay Dalka Soomaaliya aan loo maamulin sidii loogu talagalay islamarkaana la lunsaday, dad baddana waxa ay saluugsan yihiin qaabka loo maareeyo dhaqaalaha soo gala dalkeena Soomaaliya
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment