Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Garaadada Khaatumo State, haatana ka qeybgelaya shirka madax dhaqameedka ee ka socda magaalada Muqdisho, ayaa DKMG ah ee Somalia ugu baaqay inay kala cadeyso in maamulka Somaliland uu aqoonsay dawlad gaar ka ah Soomaaliya iyo in kale.
Hadalka Garaad Jaamac ayaa yimid kadib markii maanta uu Garaadku ka qeybgalay kulan qado sharaf ahaa oo odayaasha dhaqanka la yeesheen madaxweynaha KMG ah Shariif Shiikh Axmed, kaasoo ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
“Dastuurkii ayaa ka mid ah waxyaabaha la inagga rabo in odayaasha dhaqanka haddanu nahay aan meelmarino oo ergadii ansixin lahayn keeno marka waa in dawladu cadeysaa horta British protectorate oo ah maamulka Somaliland miyay u taqaanaa dawlada Soomaaliyeed, waa inay soo cadeysaa, hadey sidaa tahay anagu markeedaan ka jawaabeynaa” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.
Garaadku wuxuu intaa ku daray in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn dadka degan aysan kamid ahayn Somaliland, wuxuuna sheegay in aysan dooneyn inay ka mid noqdaan cid kasta oo diidan midnimada Soomaaliya.
“Annagu waxaan markasta aaminsanahay hal qaran oo ah SOOMAALIYA kaasaanu ku raadjoognaa.” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali oo intaa sii raaciyey in midnimada dalka aan la gelin karin wax gorgortan ah.
Garaad Jaamac wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan wax dhibaato ah dhex yaalin laakiin dad gaar ah oo dano lihi ay iyagu dadka kala xiranayaan, wuxuuna tilmaamay in dhaqanka uu yahay midka kaliya ee garan kara inuu wadadaasi khaldan ka badbaadiyo bulshada Soomaaliyeed.
Garaadka oo intii uu hadlayay ay dhageysanayeen madaxweyne Shariif iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada ayaa si gaar ah uga hadlay hawlaha u yaalla odayaasha dhaqanka, isagoo sheegay in dhaqanka uu ka madax banaan yahay isqabqabsiga siyaasiinta. Wuxuuna odayaasha kula dardaarmay inay sumcadooda ilaashadaan oo ay soo xulaan dad karti u leh inay xildhibaano qarameed ay noqdaan.
Kulankii maanta dhexmaray madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa si weyn diirada loogu saaray kaalinta odayaasha dhaqanka iyo baaxada hawsha hortaalla, taasoo si aad loo tilmaamay in baahi loo qabo in si hufan ay odayaashu uga soo dhalaalaan
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment