Friday, 8 June 2012

Geeddi:Waxan ahay Musharax u taagan Madaxtinimadda Dalka


Nairobi wbm Proff Cali Maxamed Geedi oo mar Ra’isulwasaare ka soo noqday Soomaaluya isla markaana hada ku sugan Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu u taagan yahay xilka madaxtimo ee Dalka.
Geeddi ayaa sheegay  in hadii  la doorto inuu wax badan ka bedeli doono marxaladda hada uu dalka marayo.
“Waxa aan ahay musharax u taagan in loo doorto madaxtimadda dalka” ayuu si cad u sheegay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya.
Cali Maxamed Geedi ayaa soo hadal qaaday ciidamadda xooga Soomaaliya oo uu sheegay in hadii aan la dhisan waxba hagaagi doonin.
“Aniga waxa aan ka mid ahaa dadkii saxiixay heshiiskii ciidamadda AMISO ay ku soo galeen Soomaaliya hase ahaatee wax badan ma aysan ku guulaysan” ayuu sheegay Cali Maxamed Geeddi.
Proff Cali Maxamed Geeddi waxa uu  mar Ra’isulwasaare ka soo noqday Dowladda Cabdulaahu Yuusuf ee lagu soo dhisay Magaaladda Embagathi ee dalka Kenya.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment