Tuesday, 12 June 2012

Mr. Cameron R/wasaaraha dalka Britain oo gabadhiisii ku ilaaway Baar


Ra’isalwasaaraha Britain David Cameron ayay soo foodsaartey fadeexad & ceeb culus ka dib markii saxaafadu ka warheshay in gabar yar oo uu dhalay oo 8 sano jir ah isaga iyo xaaskiisu uga dhex tageen baar ka dib markii ay ilaaween.

Ra’isalwasaaraha & qoyskiisa oo uu wehliyo labo baabuur iyo ilaaladiisa ayaa  maalin axad ka ambabaxay  una ambabaxay magaalo lagu magacaabo Chequers Court iyagoo tagey  Baar   Plough Inn   kaasi oo ah mid sanooyin badan tamashle u tagi jiray David Cameron, waxaana markii ay dhameysteen qado iyo cabitaano kale ayaa Nancy waxay u kacdey dhanka Musqusha iyadoon u sheegin waalidkeed.
David iyo xaaskiisu markii ay ku soo noqonayeen gurigoodii ayaa waxaa dhacday in David iyo waardiyaashiisu ay hal gaari soo raaceen Xaaskiisa  wiilkooda iyo gabadha ugu yar reerka waxay soo raaceen gaari kale markii ay wada kulmeen ayey isweydiiyeen aaway Nancy adigu kuma soo raacin.
Raysulwasaaruhu wuxuu toos u abaaray baarkii ay gabadhooda ku soo ilaaween wuxuuna durbadiiba ku booday buuga ay ku qoran yihiin telefoonada oo loo yaqaan Telefoongids halkaas oo ka wacay loona sheegay in ay joogto Baarka mid ka mid ah kuwa ka shaqeeya baarka ayaa ka dhex helay musqusha iyada oo ku jirta.
Waana hadalhaynta ugu badan beesha caalamka gaar ahaan  wadamada yurub oo  ay  ka qoreen  dhacdadaan ku cusub qof mas.uul  oo caruurtiisa bar uga tagay.

garable.com
muxudin diini fiidow

Ciidamada Dawladda iyo Kuwa AMISOM Oo Kaabiga Ku haya Balcad

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saaka  kaabiga ku haya degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyagoo Xalay ku hoyday deegaanka Garas-bintow oo qiyaastii Balcad u jira 10-KM.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa shalay gelinkii dambe bilaabay inay ku dhaqaaqaan wadada laamiga ee isku xirta Muqdisho iyo Balcad.
Ciidamada oo lugeynaya ayaa hareeraha laamiga labada dhinac uga socda, waxaana wehlinaya gaadiidka gaashaaman ee ay leeyihiin Ciidamada AMISOM.
Inkastoo aan la soo sheegin wax iska hor imaadyo ah oo ka dhacay tan iyo xalay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, hadana wararka ayaa waxay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyada  ay wadaan ciidamadu uu yahay mid ku wajahan degmada Balcad.
Saraakiil ka tirsan dowladda oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada ay kaabiga u saaran yihiin Balcad, isla markaana ay rajeynayaan in saacadaha soo socda ay galaan.
Degmada Balcad ayaa waqooyi bari ka xigta 30-KM, waa degmo istiraatiiji ah oo Ciidamada huwanta u suura gelin karta inay ku gaaraan deegaanada kale ee Shabellaha Dhexe.
Hadii Ciidamada ay gaaraan Balcad waxay noqoneysa degmadii labaad oo muddo todobaadyo ah ay la wareegaan, tan iyo markii ay bilaabeen gulufka dagaal ee ku wajahan deegaanada Shabellooyinka.

garable.com
muxudin diini fiidow

Nabadoon Cabdi Goobe oo Xalay Lagu Dilay Beledweyne



Beledweyne wabarimedia.com Xaafadda Hawlwadaag ee magaalada Beledweyne habeenkii xalay waxaa lagu dilay Nabadoon kamid ahaa waxgaradka Gobolka Hiiraan.
Nabadoon Cabdi Goobe ayaa kooxo hubaysan oo afka soo duubtay waxay ku toogteen guriga uu ka deganaa magaalada Beledweyne wayna baxsadeen dilka kadib.
Saraakiil katirsan maamulka gobolka Hiiraan oo aan arrintaan wax ka waydiinay ayaa waxay sheegeen in ay la socdaan dilka Nabadoonka ayna wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii dilkaasi geystay.
Sidoo kale saraakiishaan ayaa dilka Nabadoon Cabdi Goobe waxay ku eedeeyeen Al shabaab oo horraantii sanadkaan laga qabsaday magaalada Beledweyne.
Cabdi Goobe waxa uu ahaa Nabadoon ganacsade ah, waxaana uu gobolka Hiiraan ka qaadi jiray xoolaha nool isaga oo u dhoofin jiray waddamada Carabta.
Magaalada Beledweyne waxaa muddooyinkan soo hagaagaayey amniga guud hase yeeshee waxaa weli ka dhaca dilalka loo geystay dadka waxgaradka ah

garable.com
muxudin diini fiidow

Xog hoose:Waraaq kasoo baxday Hillary Clinton oo si aad ugu Naxeen Siyaasihiin Soomaali Damacsanaa

untitledaaaa

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in xubno ka mid ah musharixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya la soo gaarsiiyey farriin ka timid Xoghaya Arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton.
Farriintan oo uu siday Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika Johnnie Carson ayaa lagu sheegay in xubno ay ka mid yihiin Farmaajo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xassan, C/weli Gaas & Faroole aysan isu soo taagi karin doorashada soo socota, lamana oga sababaha looga xayiray doorashada, hasse ahaatee waxaa hadalkani uu daba socdaa hadalo horay kaga soo yeeray Clinton intii uu socday shirkii London oo ay ka sheegtay in marka la gaarayo waqtiga doorashada Soomaaliya in ay muhiim tahay in la helo weji cusub oo horay u soo dhaqaajiya geedi socodka nabadda Soomaaliya.
 ”Ma jirto cid awood u leh in ay u yeeriso madaxda Soomaaliyeed wixii ay yeeli lahaayeen, masiirka ummadda Soomaaliyeedna ma ahan mid wax laga weydiinayo Mareykanka” ayuu yiri mid ka mid ah howl-wadeenada xafiiska R/wasaaraha, wuxuuna intaa ku daray in Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan, kana mid ah Q/Midoobay, wuxuuna wax aan la qaadan karin ku tilmaamay faragelinta dowladda Mareykanka ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.

garable.com
muxudin diini fiidow

Guddi ka kala socda Qaramada Midoobay iyo dowladda si ay

Golaha wasiirada xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa shalay isku raacay in si degdeg ah loo magacaabo Guddi farsamo oo kaalin ka geysan doona soo xulidda Guddiga ansixinta dastuurka iyo Baarlamaanka, sameynta Guddigan wuxuu ka mid ahaa qodobadii lagu soo kordhiyey qorshe howleedka Road Map-ka, ka dib heshiiskii qeybaha siyaasadda ee Soomaalida ay ku gaareen dalka Itoobiya dabayaaqadii bishii la soo dhaafay.
Guddiga farsamada wuxuu koobnaan doonaa 27-xubnood oo Soomaali ah, 2-xubnood oo ka socota xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya {UNPOS} iyo 7 xubnood oo ka socota beesha caalamka oo goob-joogayaal noqon doona.
Guddiga farsamada ayaa ka garab shaqeyn doona madax-dhaqameedyada Sooomaalida si loo xaqiijiyo in soo xulidda xubnaha baarlamaanka cusub iyo guddiga ansixinta dastuurka ay waafaqdo shuruudaha mabaadi’da Garoowe II, taas oo aan la ogeyn waxa loola jeedo, waxayna Golaha wasiirada Soomaaliya ugu baaqeen madaxdhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed ee ku shiraya magaalada Muqdisho inay sida ugu dhaqsaha badan u soo gudbiyaan liiska ergada ansixinta dastuurka oo ka kooban 825 xubnood, kuwaas oo 30 boqolkiiba la rabo inay dumar ahaadaan.
Qodobadan waxaa looga hadlay shir shalay golaha wasiirada ay ku yeesheen Muqdisho, waxaana shir guddoominayey Ra’isul wasaare C/weli Maxamed Cali {Gas}, iyadoo sidoo kale shirkaasi looga hadalay arrimo kale oo farabadan, sidoo kale waxaa shirkaasi looga hadlaydhismaha Guddiga xallinta khilaafaadka odayaasha kaas oo ah mid ay dhexdooda iska soo dooranayaan waxaana odayaasha markale loogu baaqay in Guddigaasi ay degdeg u soo dhisaan isla mrkaasna sida ugu dhaqasiyaha badan u soo afjaraan khilaafyada beelaha qaarkood ka dhex jira

garable.com
muxudin diini fiidow

MADAXWEYNE SHARIIF OO XALAY KU HOYDAY DEGMADA AFGOOYE EE GOBOLKA SH/HOOSE


 

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Taariikhda markii ugu horaysay ku hoyday Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose tan iyo markii loo magacaabay Xilka Madaxweynenimo ee Dalka Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Shalay waxa uu gaaray degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaasoo uu kulan kula qaaday Saraakiisha horkacaysa Ciidamada Dowladda ee halkaasi ku sugan, sidoo kale waxaa la filya in maanta uu halkaasi kulamo kula qaato Waxgarad, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaasi.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso cid kasta oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab haddii ay ku soo biirayso Dowladda Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dalka Soomaaliya oo Saxaafadda la hadlay ayaa arrintaas ka dhawaajiyey isagoo ku sugan Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Shariif inay ku mashquulsan yihiin sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab haddii ay isku soo dhiibayaan Dowladda Soomaaliya.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu tago Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waxayna noqoneysaa Taariikh markii ugu horeysay ee uu ku hoydo Afgooye isagoo haya xilka Madaxynenimo ee Soomaaliya
 
garable.com
muxudin diini fiidow

AL-SHABAAB OO 24-SAAC GUDOHOOD DEGMADA CEELBUUR KU GAWRACAY KU DHAWAAD 10-RUUX



Ururka Al-Shabaab ayaa muddo Afar iyo labaatan saac gudohood ku dhawaad 10-ruux oo rayid ah ku gowracay Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Warka nagasoo garaya Degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay dad rayid ah ku garaceen gudhaa Degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud.

Dadka ay Al-Shabaab gowraceen ayaa isugu jira rag iyo dumar waxaana ku jira nin da’ah oo mu’adin ka ahaa Masjid ku yaal Degmada Ceelbuur.

Nabadoon Xasan Maxamed oo la hadlay wabarimedia.com ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dadkaasi ay ehel yihiin islamarkaana sida uu sheegay Ururka Al-Shabaab ay gowraceen.

Wuxuu sheegay Nabadoon Xasan Maxamed in dilkooda loo sababeeyey in yihiin dadkii arkay Ciidamada Ethiopia iyo Ahlusunna, isagoo xusay in dadkaasi ay intooda badan ahaayeen ganacsato wax ka iibin jiray Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Ahlusunna sida uu sheegay.

Nabadoon Xasan Maxamed ayaa ugu dambeyn baaq u diray Dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka isagoo ugu baaqay in gargaar lala soo gaaray dad uu sheegay inay qoxooti yihiin oo ku sugan Ceelbuur, isagoo dhinaca kale ku baaqay in Al-Shabaab lagula dagaalmo Degmadaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa maalin ka hor gudaha u galay islamarkaana qabsaday Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud markii Degmadaasi ay baneeyeen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Ahlusunna, halkaasi oo ay horay uga arrimin jireen balse gacantooda laga saaray walow haatan ay haddana dib u hanteen gacan ku haynteenda
garable.com
muxudin diini fiidow