Tuesday, 12 June 2012

Ciidamada Dawladda iyo Kuwa AMISOM Oo Kaabiga Ku haya Balcad

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saaka  kaabiga ku haya degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyagoo Xalay ku hoyday deegaanka Garas-bintow oo qiyaastii Balcad u jira 10-KM.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa shalay gelinkii dambe bilaabay inay ku dhaqaaqaan wadada laamiga ee isku xirta Muqdisho iyo Balcad.
Ciidamada oo lugeynaya ayaa hareeraha laamiga labada dhinac uga socda, waxaana wehlinaya gaadiidka gaashaaman ee ay leeyihiin Ciidamada AMISOM.
Inkastoo aan la soo sheegin wax iska hor imaadyo ah oo ka dhacay tan iyo xalay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, hadana wararka ayaa waxay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyada  ay wadaan ciidamadu uu yahay mid ku wajahan degmada Balcad.
Saraakiil ka tirsan dowladda oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada ay kaabiga u saaran yihiin Balcad, isla markaana ay rajeynayaan in saacadaha soo socda ay galaan.
Degmada Balcad ayaa waqooyi bari ka xigta 30-KM, waa degmo istiraatiiji ah oo Ciidamada huwanta u suura gelin karta inay ku gaaraan deegaanada kale ee Shabellaha Dhexe.
Hadii Ciidamada ay gaaraan Balcad waxay noqoneysa degmadii labaad oo muddo todobaadyo ah ay la wareegaan, tan iyo markii ay bilaabeen gulufka dagaal ee ku wajahan deegaanada Shabellooyinka.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment